SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso yaableh: Waraysigii gabadhii Jinniga ahayde ee Reymaa. Qaybtii 5-aad.

Waxaan halkan idiinku soo bandhigayaa , wareysi dheer oo dhexmaray aqoonyahan Abukar Albadri iyo gabadha Jiniga ah ee magaceeda la yidhaahdo Reymaa, taas oo ka tirsan degganayaasha Magaalada Muqdisho ee jinniga ah, gaar ahaan kuwa xaafadda Liido ee degmada Cabdulcasiis.

Wareysiga qeybtiisii afaraad waxaa uu inoo maraayey aniga oo Reymaa weydiiyay su’aal la xiriirtay jawaabta uu bixiyey Wiilkii Soomaaliyeed ee ay jeclaatay Reymaa Saaxiibteed Nujuum, wareysiga qeybtiisa 5aad waxaan ku billaabeynaa isla su’aashii ugu danbeysay iyo jawaabteeda, waana sidan.

Su’aal: Dhanbaalkan saaxiibtaa Nujuum ay u dirtay Axmed inta uusan geeriyoon ka hor waxaa uu ina galiyey qushuuc badan, wiilkii Axmed ahaa muxuu ku jawaabay, saameyn noocee ah ayuuse dhanbaalkii Nujuum noloshiisa ku yeeshay, maadaama ay caddahay in uu dhanbaalka uga yimid gabar aan insi aheyn?

Reymaa: Eeen! Axmed Ilaahey ha u naxariisto, hadda wuu dhintay, duco ayuu inooga baahan yahay! Saaxiibtey Nujuumna Ilaah ha caafiyo, naxdintii ay geeridiisa ka naxday darteed ayey weli koomo ugu jirtaa. Dhabtii Axmed aad ayuu uga falceliyey dhanbaalkii ay u dirtay saaxiibtey, naxdin ayuu ka qaaday, farxad kuma uusan soo dhoweyn dhanbaalka.Markii uu dhanbaalka aqriyeyba wuu is waalay, dharka ayuu tuuri gaaray, balse Quraan ayuu gurigii ku aqriyey, culumo ayuu isu keenay, waa la i sixray ayuu yiri, wuxuu u qaatay in la sixray oo jinni loo adeegsaday, balse lama sixrin, jinnina looma adeegsan, isaga uun baa iska dhaadhiciyey, jinniga waa gabar si dhab ah uga heshay.

Su’aal: Iyadu waa jinni, isagana waa insi, marka ay ka heleysay halkuu joogay, sideyse ku aragtay?

Reymaa: Axmed wuxuu ka mid ahaa dhalinyarada Shiishadda cabta, inta ugu badan goobaha shiishadda lagu dhuuqo jinni wuu joogaa, waliba jiniyada ugu halista badan ayaa joogaan, waayo jinniga tubaakada aad ayuu u jecel yahay, kiisa xun iyo kiisa fiicanna inta badan way cabbaan shiishadda.

Axmed shiishadda uu cabbo, marka uu qaaca sii daayo ayey korkiisa ma dhuuqi jirtay saaxiibtey, kaddibna haaneedkiisa iyo suurihiisa ayey ka heshay, dartiisa ayey meeshii shiishadda u tagi jirtay.Axmed shiiashadii ayuu ku xanuunsaday, waayo shiishaddu waa tubaako aad u culus oo sanbabada aad u dhaawacday, wuxuu ka qaaday cudurka TB, kaddibna waa laga daweeyey, shiishaddiina wuu iska dhaafay, saaxiibteyna sidii ayey gurigiisa ugu soo raacday.

Su’aal: Axmed falcelintiisii iyo quraankii sidey u saameeyeen Nujuum?

Reymaa: Nasiib darrada dhacday waxay aheyd in saaxiibtey gurigii laga xijaabay oo Quraan lagaga saaray, muddo dheer ayuu guriga Quraan ku waday oo saaxiibtey laga xijaabay, qolkii uu degganaa ee ay warqadda u dhex dhigtay xitaa wuu ka guuray, jimco walba gurigii Quraan baa lagu aqriyaa oo raatib ayuu ka dhigtay, marka uu guriga ka baxayo qolkiisa quraan ayuu ku shidaa oo kaga tagaa, gaarigiisa heesihii wuu ka joojiyey oo Quraan ayuu ka shitaa, meelihii uu shiishadda ku cabbi jiray wuu ka go’ay.

Mararka qaar heer wuxuu gaaray haddii uu si caadi ah u jiriricoodo in uu moodo in ay Nujuum afuufeyso, markaas ayuu qayliyaa, "Acuudu Billaah" ayuu yiraahdaa, dadkii oo dhan baa la yaabeen, wiilkii wax waashay camal buu u dhaqmayey. Quraan aqris ayaa lagu waday muddo dhawr bilood ah.

Saaxiibtey dhanbaalkii naxariista badnaa ee ay u dirtay Axmed waxaa ay ka dhaxashay in ay agariisa weyso in muddo ah, wiilkii ay jecleyd iyo iyadiina shanfaroodle ayaa kala irdheeyey, waayo haddii xitaa uu u naxariisan lahaa iyagii baa Quraan iyo dhaawid la daba kacay oo wiilkii ku leh wuu waashay, isagiina wuxuu aaminay in la sixray.

Ugu danbeyn xaaladiisa waa ay soo roonaatay, xitaa waxaa jirtay rajo ah in uu Nujuum jeclaan doono, saansaan wanaagsan ayaana ka muuqday inta uusan qaraxa ku dhiman.

Su’aal: Inta Quraansaarka iyo Dhaawidda lagu waday Axmed maxay sameyn jirtay saaxiibtaa, miyey ugu tagi jirtay gurigiisa, siduuse Quraanka u saameeyey iyada?

Reymaa: Maya! Uma aysan tagi karin, waayo quraanka la aqriyey wuxuu ahaa xijaab iyada laga aqristay, Quraankuna waa xijaab wixii laga aqristo kaa xijaaba, xitaa insiga ayuu insi kale ee dulminaya ka xijaabaa haddii uu si niyad ah oo daacad ah u aqristo, ALLAAH na baryada wuu aqbalaa, marka saaxiibtey meel ugama banaaneyn guri Quraanka lagu oowday ay gasho.

Su’aal: Saaxiibtaa markii Quraanka uu ka aqristay Axmed ma weysay mise weli way arki kartay?

Reymaa: Aragti way arki kartay, balse sidii ay markii hore ugu dhoweyd ee habeenkii dhan iskala joogi jirtay uguma aysan soo dhowaan karin, riyadiisa sidii au ugula haasaawi jirtay waa ay weysay. Mararka uu guriga ka soo baxo ee uu gaarigiisa meel inta dhigo, ka dego ayey sheedda ka daawan jirtay, fursaddaas ayey joogto u raadin jirtay, waayo waxay aheyd fursadda kaliya ee ay heysatay, waa xilliga kaliya ee uusan Quraan u daarneyn ama uusan aqrineyn ee uu xijaab la’aan yahay, mararka uu Quraanka afka ku heysto ma arki karin, wuu ka xijaabmayey.

Su’aal: Sida aad ii sheegtay galabtii aan gurigaaga joognay Axmed muddo kaddib wuxuu yareeyey Quraankii uu isaga xijaabayey Nujuum, kaddibna Nujuum waxaa ay dib u billowday in ay la xiriirto oo dhanbaallo hor leh u dirto, arrintaas wax iiga sheeg?

Reymaa: Nujuum mar kale ayey heshay fursad ay Axmed ugu dhowaato. Axmed gurigii hore ayuu ka guuray, gabar ayuu la saaxiibay, gabadhaas ayaa ugu imaan jirtay guriga uu degganaa. Nujuum kama aysan xumeyn in uu saaxiibad yeeshay, waayo waxay aheyd xilliga kaliya ee ay fursad u heli jirtay in ay daawato isaga oo gabadha la sheekeysanaya, balse gabadhaas waxaa ay aheyd gabar suuro badan, xanaaq badan, maseyr badan, inta badanna iyada uun inta xaalad abuurto ayey waqtiga kaga qaadi jirtay, aad ayuu ugu dulqaadan jiray oo u maslaxeyn jiray, marka ay ka tagto ayuu fikir gali jiray, xilligaas uu fikiraayo ayey saaxiibtey Nujuum ka faa’iideysan jirtay oo inta u dhowaato ayey waxa uu ku fikirayo ayey u suureyn jirtay.

Markaas uu fikirka la tago ee uu ka fikirayo gabadhii uu jeclaa ee u timid, haddana ka tagtay isaga oo aan faraxsaneyn ayey Nujuum isaga gelin jirtay riyo maalmeed uu isaga u maleeyo khiyaali uu isaga abuurtay, balse ay iyada u abuureysay. Sidoo kale ayey ku soo laabatay in ay riyadiisa habeenkii ugu timaaddo, isagiina in uu riyadaas jecleysto ayuu billaabay, oo Quraankii marka uu seexanaayo uu shidan jiray xitaa wuu iska demin jiray markii danbe.

Su’aal: Dhanbaalka ay u dirtay ee kale maxay ku qortay?

Reymaa: Waxay uga sheekeysay sida ay u jeceshahay iyo sida uu qaladka uga aaminsan yahay, waxay u sheegtay in aysan noloshiisa ka hareyn waligeed ama ha aqbalo ama ha diidee iyo in ay diyaar u tahay in ay is arkaan iyada oo aan wax dhib ah u geysaneyn.

Su’aal: Dhanbaalkaas hadda ma wada aqrin karno oo waa uu dheer yahay, balse waxaa jirtay qeyb ay ugu sheegeyso in ay horey isu arkeen, qaabkey ugu sheegtay in ay is arkeen?

Reymaa: Saaxiibtey maalin maalmaha ka mid ah waxaa ay raacday Bajaaj, waxaa ayna dooneysay in ay isaga aragto, markii ay bajaajta kaga degtay meeshii uu gaarigiisa yaallay iyada oo gabar caadi ah u eg, ayuu aad u soo jalleecay, wuxuu u muujiyey xoogaa dhoolacaddeyn ah, iyadana way u dhoolacaddeysay iyada oo ka shiixeysa hoosna eegeysa, kaddibna gaarigiisa markii uu fuulay ayuu ku yiri maku sii dhoweeyaa, iyadana haa ayey ku tiri.

Su’aal: Halkeebuu ku dhoweeyey markaas?

Reymaa: Iyada waxaa ay u sheegtay xaafad tiisa xageeda ah, kaddibna inta ay gaariga la saarneyd ayuu magaceeda weydiiyey, waxaa ay u sheegtay magaceeda runta ah, kaddibna lanbarkeeda ayuu weydiiyey, kaddiba waxaa ay ku tiri magaalada waan ku cusbahay, lanbar weli ma qaadan, sidii ayuu kiisa ugu qoray, markii xaafaddiisa lagu dhowaaday ayey gaariga ka degtay, isaga oo aad u soo qooraansanaya ayuuna ka dhaqaaqay.

Su’aal: Markaas miyuu dareensanaa in ay gabar jinni ah tahay?

Reymaa: Maya, muu dareemin, quruxdeeda iyo lebiskeeda iyo hab dhiskeeda ayuu ka helay, waayo Nujuum waxaa ay leedahay qurux Mucjiso ah, isagana aad ayuu uga helay, balse markii uu gaariga dhaqaajiyey iyadana way iska qarisay, waayo markii horeba kaligiis ayaa arki karay oo dadka kale meysan arkeyn, inkastoo ay isaga la aheyd in ay dadka arkayaan gabadhan horey u saran.

Su’aal: Sidee bey dhanbaalkeeda ugu sheegtay arrintaas markii ay doonaysay in ay Axmed u sheegto?

Reymaa: Waxaa ay ku tiri sida "Axmed neecaawow! Maalintii iigu farxadda badneyd waxaa ay aheyd markii aniga oo ka degay Bajaaj inta ku soo eegay aad iigu baaqday in aad horey ii sii qaddo oo aan horey kuu sii raacay. Fursadda iigu dhow ee aad igu aragtay ayey aheyd, in badan ayaad i qooraansatay, lanbarkeyga ayaad i weydiisay, waxaan kugu iri "Magaalada waan ku cusbahay oo lanbar ma lihi" nasiib darro isuma kaa sheegi karin, oo waxaan ka baqay in aad mar kale qalqal gasho oo aan haddana ku waayo".

Axmed hadalkaas wuu yara gareystay oo farrintii labaad kama uusan qalqalin, magicii Nujuum ee markii ay gaariga la raacday ay u sheegtay ayeyna dhanbaalka ugu soo qortay oo wuu gareystay.

Su’aal: Kaddib muxuu sameeyey?

Reymaa: Wuxuu arrintii kala sheekeystay saaxiibadiisa, markii uu ka sheekeynaayey waan la joognay, runta ayuu ka sheegay oo weliba wuxuu lahaa haddii aysan igu darsoomeyn waaban iskala saaxiibi lahaa.

Su’aal: Geeraarka warqadda ku qornaa wax maka xasuusataa?

Reymaa: Haa, wuu dheeraa, warqaddii ma hayo hadda, balse 3 beyd ayaad ka xasuustaa, isaga oo billow iyo dhameystir leh waan ku siin doonnaa marka aan arrinta Nujuum buugga ka qoreyno, balse hadda beydadka aan xasuusto waxaa ka mid ahaa:

 

Markaan barashada jaceylka,

Bidhaantaadii jalleecay,

Markaad beerkeyga qaadday,

Bartamaha wadnaha i jeexday,

Miyuu ba’a ii billowday?

 

Sidii baalaleyda duusha,

Naftan kor kaa bidhaansan,

U baahan caashaqaaga,

Haddey dhab kuugu baaqdo,

Baxnaano miyaad u quuri

 

Markaad bartankii habeenka,

Boggaaga sariirta saarto,

Naftan boholyowgu qaado,

ee aawgaa bisinbisoota

Miyaad buuxow daryeeli

 

Markaad baxsanoow salaaxdo,

Bisadda yar ee beydka joogta,

Jirkeeyga siduu u booyo,

buseylkiyo beer nugeylka,

Miyey weli kuu bidhaantay,

Intaas ayaan ka xasuustaa, sidii ay saaxiibtey u tirisayna isuguma toos toosna balse waa inta hadda xusuusteyda ku jirta.

Su’aal: Bal aan intaas kaga beyrno xasuustii Axmed ALLAAH ha u naxariistee iyo saaxiibtaa Nujuum, waxaad iiga warrantaa habka dhaqan dhaqaale ee Jinniga Soomaaliyeed, jinni ahaan noloshiina maxay ku tiirsan tahay?

Reymaa: Insiga ayaan la mid nahay badankeen, waxaan cunnaa waxa ay shanfaroodlaha cunaan, balse jinniga qaar baa dhaqanka dugaagta leh.

Su’aal: Jinku miyuu kalluumeystaa, xoolo ma dhaqdaa jinni, beero ma leeyahay, maxaa idin ah dhaqaalaha aasaasiga ah?

Reymaa: Jinniga xoolo wuu dhaqdaa, balse geela ma jecla, Jinniga xoolaha uu ugu jecel yahay ee uu dhaqdo waa digaaga. Ari waan leenanahay, eeyaha iyo bisadaha waa xoolaheena, kuweena gaalada ah way iska cunaan, balse kuweena Muslimka ah doofaarka ma cunnaan.

Su’aal: Waxaa la sheegaa in jinniga uu aad u jecel yahay hilibka digaagga, taas miyey jirtaa?

Reymaa: Haah! Tusaale haddii qof inta uu habeenkii hilib digaag cuno isaga oo aan gacmaha saabuun isaga dhaqin jiifto marka uu hurdo waxaa u imaanaya jinni gacmaha ka leefleefaya, hilibka digaaga haddii aad cunto oo aad meel mugdi ah aad marto wax baa ku soo eryanaaya, waa jinni hilibkaas soo raacaya, marka hilibka digaaga waa cuntada uu jinniga ugu jecel yahay. Cuntada labaad ee aan ka helno waa kalluunka, waa sababta aan badankeena xeeb u deggan nayay.

Su’aal: Jinniga Soomaaliyeed miyuu is heyb soocaa sida ay dadka isu heyb soocaan?

Reymaa: Jinniga wuxuu isku heyb soocaa Muslim iyo Gaalo, wuxuu kaluu isku heyb soocaa qabiilada Sheydaanka ku xiran sida ay u kala xoog badan yihiin, balse jinni Soomaaliyeed ee Muslim ah ma heyb sooci karo jinni kale oo Muslim ah, daruuf kasto ha lahaadee.

Su’aal: Jinniga ma leeyahay Faqiir iyo Taajir?

Reymaa: Haah! Xaafadda la yiraahdo Suubya-galeen waa xaafadda isku raranta ah ee ay deggan yihiin jinka saboolka ah, qaarkood xitaa guri ma heystaan oo buushash ayey deggan yihiin, qaarkood wax ay cunaan ma heystaan oo daruuftooda waa mid aad u sareysa, qaarna

waaba tuugsadaan.

Su’aal: Dadku waxay aaminsan yihiin jinka in ay awood leeyihiin oo wax walba ogaan karaan, in ay lacago iyo dahab insiga siin karaan, arrintaas ma jirtaa?

Reymaa: Waxna way ka jiraan waxna waa been, wax waa ka jiraan oo jinnigu wuxuu ogaan karaa wax aan insiga ogaan karin, balse qofna xoolo ma siin karo, hadda haddii aan doono in aan hantideyda qeyb kaa siiyo sida kaliya ee aad kaga faa’iideysan karto waa in aad soo gasho nolosha jinniga, haddii aad dunidaada insiga gasho xoolohii waxay kaaga haraayaan noloshii jinniga, balse xoolo inta uu jinni insi siiyo uu insiga heysan karo ma jiraan, sida kaliya ee ay ku jiri karaan waa inuu qofkaas waalan yahay oo qashinada ku nool yahay, noloshaasna uu isaga u arko nolol qurux badan, halka ay dadka u arkaan mid qurun badan.

Su’aal: Jinniga hilibka digaagga dadka ku raaco ma jirtaa meelo uu ku badan yahay oo la iska ilaalin karo?

Reymaa: Haah!, meelaha qubuuraha ku yaallaan, haddii agagaarahaaga qubuuro ku yaallaan adiga oo hilib digaag cunay oo aan saabuun ku dhaqin ha aadin. Haddii aad hilib digaag cunto iska jir in aad aaddo meel qabuuro u dhaw yihiin ama aad habeen meel mugdi ah lugeyso.

Su’aal: Dadka marka ay Xeebta Liido tagaan horey u qaato (Chicken and Chepsi) oo hilib digaag duuban (Take away), maxaad kula talineysaa?

Reymaa: Waxan leeyahay xeebta aad ha ugu dhowaanina, haddii uu qofku biyaha intuu ku dhowaado hilib digaag cunaayo waxaa laga yaabaa inuu jinni dafo, kaddibna la dhaho qofkii badda ayaa qaadday, ama libaax badeed ayaa qofkii dafay, qofkaas isaga ayaa halis is galiyey.

Su’aal: Waa arrin naxdinteeda leh, side buu qofka ku garan karaa inuu jinni goobta ka dhow yahay xilliga habeenkii ah?

Reymaa: Jinniga astaamaha lagu garto waxaa ka mid ah in iyada oo biyaha ay aad u degan yihiin aad dareento biyo tiixtiix ah oo meel ay ka soo kacayaan aadan u jeedin, ama hawo tiro badan oo haddana dabeyl ahaan aan u kaceyn, markaasba adkaarta qabso ama Meesha isaga tag.

Su’aal: Markii aad muuqaalka jinniga laheyd ee aad kor iiga soo muuqatay waxaa kaa yeerayey shanqar aan fahmi waayey, maxay aheyd?

Reymaa: Waan qoslayey, waayo mid jinniga ka mid ah ayaan isku dhici kaarnay, wuuna iga baqay oo wuu iga cararay.

Su’aal: Jinniga siduu u qoslaa?

Reymaa: UY UY UY UY …. waan dhahnaa, Xiiiish Xiish Xiiish …. Waan dhahnaa, Zuuuka Zuuuka Zuuuka …. Waa dhahnaa… Gabdhaha ayaa u bahan Zuuuka …Zuuuka.

Su’aal: Aniga ayaad iga qosolsiisay. Bal muuqaalkaagii dhanka jinniga ahaa ee 3dii mar ee aad iskey tustay wuxuu ahaa seddax nooc oo kala duduwan oo haddana argagax badan I galiyey, aad ayaan kaaga naxay, hadda ma iga ogolaaneysaa in aad dadka u kala qeeydo ama muuqaalladaas u sharaxdo?

Reymaa: Xuuuuuuuuuuuuuuuuuux … Zuuuka …. Zuuuka… Zuuuka….

………..…. Fadlan …Jawaabta… kala soco qeybta 6aad wareysigan oo aan soo deyn doonno Jimcaha Soo socda.

F.G. dad baban ayaa isoo waydiiyey wareysigan sida aan kula yeeshay Reymaa iyo in uu run yahay iyo in uu hal abuur yahay, asxaabey su’aalahaas waxaan kaga jawaabi doonaa wareysiga qeybta ugu danbeysa.

Haddii aad heyso talo, fikir ama dhaliil ku soo hagaaji abukar.albadri@gmail.com

 

 

No comments:

Post a Comment