SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Tima xanuunka ama waxa loo yaqaano (Trichodynia)

Tima xanuunka ama waxa loo yaqaano (Trichodynia) waa xaalad oo qofku ka dareemayo xanuun basada ama dhalada (madaxa korkiisa), khaas ahaan markuu qofka shaleysanayo ama timaha uu taabto, xanuunkaan oo ay soo gudbiyaan neerfaha ku jira jirida hoose ee timaha.

Xanuunkaan waxa uu qof u dareemaa gubasho oo kale ah, badanaa xanuunkaas iyo timo daadashada (Alopecia) way isla socdaan.

Caadatan ilaa 100,000 oo tima ah ayaa madaxa ku yaal badanaana 50 -100 oo tima ah ayaa go'a maalin walba, timahaasoo badalkooda kuwa kale ay soo baxaan, taasoo wax dhibaato ah ku heynin qofka, inuu ka walwalane aysan ahayn, lakin hadii ay intaa ka bataan waxaa keeni kara waxyaabahaaan soo socda mid ka mid ah:

A- Jirrooyinka qaar ka mid ah sida:

1- Sonkorowga aan la kontroolin

2- Cudurrada xiriirka la leh hormoonada (Endocrine diseases).

3- Cudurrada kilyaha ku dhaca.

4- Cudurrada beerka ku dhaca.

B- Daawooyinka qaar ka mid ah sida:

1- Isotretinoin

2- Lithium

3- Daawooyinka nafaqo ahaanta loo qaato, weliba hadii ay ku jiraan amphetamines.

4- Daawoo kiimikeed (daawooyinka lagu daaweeyo dadka kansarka qabo) kuwaan oo ah daawooyinka ugu caansan ee keena timo daadashada, inkastoo kansarada qaar ka mid ah sida kansarka dhiiga iyo kansarka qanjirada uu keeno timo daadasho daawada inta aan la qaadan ka horba.

C- Alopecia areata: kan waa nooc ka mid ah cudurada maqaarka oo keena timo daadasho, calaamada lagu garto oo ah goobaabino wareegsan oo timo la'aan ah oo ku sameysma madaxa ama qeybo kale oo ka mid ah oogada, sidaa darteed ayaa loogu bixiyay "Areata" oo "Area" ayey tinta ka daadinaysaa, timahane dib ayey u soo baxaan muddo 6 bilood ilaa 2 sano gudahood.

D- Timaha oo la midabeeyo, la feereeyo ama daawooyinka la mariyo qaarkood ayaa keena timo daadasho, ama in cadaadis timaha muddo dheer lagu hayo sida in maro lagu giijiyo sida jalbaabka ay xirtaan gabdhaha qaarkood kaasoo keeno in tinta gadaal u jiido oo horay ay ka guurto, cadaadiskaan oo keeno in timahaas aysan dib danbo u soo bixin, maxaa yeelay waxa dhimanaya unugyadii ay tinta ka soo dhex bixi jirtay.

E- Nafaqo darro: qofka oo cunto xumi ku dhacdo waxa ay keeni kartaa timo daadasho, tanoo ay ka timaado jirka oo waayo fitamiino, borotiino iyo macdanta kalaba oo muhiim u ah koriinka timaha, dadka khudaarta kaliya ku nool oo aanan cunin cunnooyinka brotiinka leh sida hilibka, ukunta iyo kaluunka iyagane way ku dhacdaa timo daadasho.

F- Carqaladeyn ku timaada wareega koriinka timaha, taasoo la weynayo timo badalo timaha sida caadiga u daato sida aan kor ku soo sheegeyba, tani waxaa keeni kara isbadalo muhiim ah oo qofka ku dhaco sida qaliin lagu sameeyo, haweenta markii ay dhasho ama qofka markii la suuxiyo, tani waxa ay qaadaneysaa bilooyin si timihii ay isku saxaan.

G- Bidaar: sababta koowaad ee keenta inay timaha ka daataan ragga.

Bidaarta oo ay keento dhawr waxyaabood oo isku tagay, kuwaasoo ay ka mid tahay hormoono iyo dhaxalba, bidaarta waxa ay qofka ku bilaban kartaa isagoo dhawr iyo toban sano jir ah, waxay kaloo ku dhici kartaa ragga qaata hormoonka "Testosterone" si ay u dhisaan murqahooda.

Muxuu dhakhtarkaaga ka qaban karaa timo go'idda?

Dhakhtarku waxa uu fiirinayaa timahaaga, waxaana dhici karta in baaritaan lagu sameeyo timahaaga, cudurrada aan kor ku soo sheegnayne lagaa fiiriyo.

Hadii aad qaadatid daawooyin keeni kara tmo go'id waa in daawo kale laguugu badalaa, hadii sonkorow uu keeno waa in aad kontrooshaa oo daawo lagu xakameeyo laguu qoraa.

Daaweynta mushkiladaan waxa ay u baahantahay in la saxo waxyaabaha keenay timo go'idda, baaritaanane lagugu sameeyo, kadibne lagu siiyo daawooyin kor u qaado koriinka timaha sida "Minoxidil".

Sidee timahayga u xifdin karaa?

Xanaaneynta timahaaga maahan inaad daawo marisaa ama midabeysaa waa inaad qaadataa cunto isku dheeli tiran, maxaa yeelay timaha waa qeyb ka tirsan jirkaaga sida lugaha iyo gacmahaaga oo kale.

Timahaaga haku dhaqin shaambo hal mar ka badan maalintii.

Shukumaanka si aad ah ha ugu qalajin timahaaga.

Timahaaga ha kululeyn (haweenkane yaysan dabin).

Wixii aad qabto su'aalo dheeraad ah waad na soo weydiin kartaa

Xigasho:Somalidoc.com

No comments:

Post a Comment