SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Sheikh Isxaaq Ma Dir Buu Ahaa Mise Haashimi?

Washington,D.C:(BNA)Umad waliba waxay ku faantaa magaceeda iyo asalkeeda ay ku abtirsato,Una ah astaan iyo magac lagu yaqaano,Sida ilaahayba quraankiisa ku sheegay oo inoogu cadeeyey

قوله تعالى:«{يا أيها الناس إنا خلقناكم من ذكر و أنثى و جعلناكم شعوبا و قبائل لتعارفوا إن أكرمكم عند الله أتقاكم
Sida aayada kucad waxa ilaahay dadka ka dhigay qoomiyado iyo qabaail,Si ay u kala gartaan cida iyo meesha ay ka yimaadeen.Waxaa kaloo kuxidhan arimo badan oo la xidhiidha xaga arimaha bulshada,Sida marka magta la bixinayo ama marka la qaybsanayo,Arinkan oo ah mid diinta islaamka kusalaysan oo lagama qaado Magta cidii aan ka soo jeedin qabiilkaa,Inkastoo ay dhacdo mararka qaar in laba iyo kabadani magta ku heshiiyaan inay isla bixiyaan,Sababaha ugu badan ee arinkan keentaana waa iyadoo qabaa'ilkan magta wada bixinayaa aad u yaryihiin ama mid ka mid ahi keligii istaagi karin,Laakiin weli magacii labada qabiil iskuma khaldamaan oo midkastaba kiisii baa loogu yeedhaa.

Inuu qabiilku magiciisa ilaashado waxaa kaloo kujira faa'iido kale oo ah in qofka lagu garto inuu ka soo jeedo beel hebla,Taas oo lagaranayo waxay gasho iyo waxay gudaba,hadiise aan qofka aan la aqoonsan qabiilka uu ka soo jeedo,Way adkaanaysaa dhaqan iyo hab loola shaqeeyaa oo waxaan ognahay in qabiil kastaba wax ku caanyahay,Sida qabiil beeralaya ah mid xoolaha dhaqata mid kaluulka dabata IWM,marka qofkii markaad ogaato meesha uu ka soojeedo waxaad garanaysaa dhaqankisa,shaqada uu aadka u yaqaan iyo ta aan lagula deg-degayn,Sidoo kale waxaad ogaanaysaa dabeecadaha uu caanka ku yahay reerkaasi.

Dowladaha caalamku way ilaashaan hidaha iyo dhaqanka qowmiyadaha ku nool dalkaas,hadaynu tusaale u soo qaadano dalka maraykanka,Waa la diiwaan geliyaa qofkasta asalka uu ka soo jeedo,Qaaradaha aduunka oo dhan dadka ka yimaada dalkasta dadka ka yimaada waxaa loogu qoraa warqadihiisa dalka u yaal sida dhalasha iyo baasboorka marka lasiiyo waad ku arkaysaa meeshaad ka timi.M/weyne Obama waxaa la soo ogaaday in aabihiina kenya kayimi hooyadiina ka soo jeedo tuulo yar oo kutaal Ireland,sida buugaagta diiwaan gelinta laga helay.

waxaa intaa kuudheer dadka markay soo gelayaan dowladaha reer galbeedka ee qofku isdhiibo shakhsi kastaaba qabiilka iyo gobolka uu ka yimi ayaa looqoraa,Walow ay in badan been ka sheegaan.

Hadaba aan u soo dhaadhaco dulucda qormadaydan maanta oo aan rabo inaan kaga hadlo arin mudo dheer soo noq-noqonaysay oo dadka qaarna ula kac ugu doodaan iyagoo dan gaara ka leh,Qaarna ay ka tahay aqoon la'aan iyo iyagoo rumaystay wixii ay maqleen uun,Baadhitaana aan ku samayn arinkan in kastoo ay maqlaan dadkii magacaa lagu sheegayay oo leh ma nihine iska hubso.

Waxaan rabaa inaan si qoto dheer u qeexo,Erayga DIR iyo meesha uu ka yimi iyo cida lagu sheego iyo cida lagu khasbo iyo ujeedooyinka laga leeyahay in cidaan ahayn ladu sheego iyo waxay iyada lafteeda cidani u diidantahay inlagu sheego:

1-Waa maxay magaca dir micnihiisu?

Dir wuxuu noqdaa mar Magac marna wuxuu noqdaa fal Marka sedexaadna wuxuu noqdaa Sifo(ama tilmaam).

Magac:waxaa Dir loo yaqaanaa qabiil ka mida qabiilada umada Somaliyeed,Qabiilkaas oo dega inta u dhaxaysa Magaalada Gaalkacayo Magaalada kismaayo

waa qabiil aad u da'wayn oo isugu jira xooladhaqato,Beeralay,inkastoo uu ubadanyahay dhanka koonfurta fog ee Somalia.

Fal(ficil):waxaad odhankartaa,dir hebel alaabta ha geeyee,xagaad ii diraysaa,hay dir san,Dire-diraale,ma ku dirsadaa IWM.

Tilmaam(sifo):kuwani waa Dir hebel,Dir badnaa dadkani,Isaaqba waa Dir e haduu duulan soo kiciyo,Dir cuno,Waa isku dir,Dir koodu halkaa ma yaal IWM.

2-Cida lagu khasbo inay yihiin:waa qabiilka reer sheikh Isxaaq oo runtii ah qowmiyad ku abtirsata qabiilada wayn ee Haashimiya,Sidaan cadaymahoodana aan hoos ku xusi doono.

3-cida ku khasabta ama had iyo goor ku dooda:waxaan u kala saarayaa laba kooxood:

a-Dadka dir ahaan ka soo jeeda oo iyaga lagaranayo ujeedadooda oo ah inay yihiin dad isu arka inay yaryihiin oo raba inay bataan,wayse ogyihiin inaan reer sheikh isxaaq la qolo ahayn,Sababta oo ah dee iyana waxay ku doodaan inay yihiin dadkii dhulka loogu yimi oo xitaa qabiilka Daarood oo reer sheikh isxaaq uga soo horeeyey carigan ah kuwii dhalay iyo Duriyada oo silsilada abtirsiimadooda iyo awowgood oo ay ilaa yoomunaa haadaa ay dul fadhiyaan iyo weliba magacyada abtirsiimadooda ku jira oo wada caraba,Kuwaas oo ay kaga gelisanyihiin qabaa'ilaadka kale ee ay wadaagaan Naanaysta Soomaal oo mar labaxay,Biyomaal,tumaal,muruqmaal IWM,cadaana tahay inay carab ku abtirsadaan.

b-Daarood:qoladani waxay had iyo goor ugu doodaan in Duriyadu tahay Qabiilka Dirta,Waxa weeye damac siyaasadeed oo ah mid weligiiba ka dhextaagnaa iyaga iyo reer sheikh isxaaq,Iyagoo doonaya inay cad wayn ka helaan xeedhada somali(waa hadiiba laysugu soo noqdee)Duriyadana bilaydh wax loo wada saaro dad aanay isku ab iyo sinji ahayn,Si walaalaheena Daarood u badsadan,Had iyo jeer,Sida hadaba ka muuqata shaxda 4,5.

4-muxuu reer sheikh isxaaq ku diiday in Dir lagu sheego;

a-kamuu dhalan sidaan soo sheegnay,hada ka dibna aan sii qeexi doono.

b-waxaa lagu duudsiyayaa xaqiisa,Waxaa lagu wiiqayaa cududiisa iyadoo maanta aan qabiil Somaliyeed Ciisena ku dheh oo dowlada maanta aanu lahayn laba magaalo oo u gaara marka aad waxa kaleba oo dhan iska dayso{hargeysa iyo Burco},waxaa larabaa in jiilka jooga iyo kuwa soo socdaba lagurido aqoonsi la'aan iyo jaah-wareer lagaga luminayo Haashiminimadoodii.

waxaan ku soo khatimayaa qormadaydan aan isku dayay inaan soo gaabiyo,Su'aalo aan waydiiyay nin saaxiibkay ah iyo ninkale oo ay isna isaga saaxiib yihiin,Iyagoo xiligaa ku guda jiray ururinta taariikhdii sheikhul baladka somaliland Sheikh Isxaaq Bin Axmed iyo caruurtiisii,Xiligaa aan la kulmay labada nina waxay ahayn 2006,Goobtuna Birminham,UK.Su'aalihiina iyo jawaabahoodiina waa kuwan:-

1-sheikh isxaaq waa kuma xaguu kayimi?

Waa-Sh. Isxaaq bin Axmed bin mohammad bin Xusein (al-ridawi al-xuseini)

- Ku dhashay magaalada Saamraa', waqooyiga Ciraaq. oo uu kaga yimi isaga iyo qoyskiisuba 10 jir.

- Waxa kale oo uu kusoo koray magaalada Madiina iyo dhawr mandiqadood oo Yemen ka mida, sida Ma'rib iyo Al-jawf oo uu labadaba caruur ku dhalay. kadib wuxuu yimi magaalda Zaila' bilawgii qarnigii 7 aad hijriga. magaalooyinka Zaila' iyo Harar mudo 20 sano ka badan ayuu sheikh ka ahaa diintana ka dhigayey. ka dib ayuu dagaanka mayd usoo guuray ilaa u ku geeriyooday , raxmatulllah calyh.

2-cidaan somali ahayn oo ka hadashay arinkan ma jirtaa?

Haa waxaan ka xasuustaa:

Xaga gaalada; Rechard Burton in his book "First footsteps in Africa.

Muslimka: Kutub iyo qoraalo dhawr ah ayaa oo qaar daabacan iyo makhduudat lababa leh ayaa ka hadlaya. waxaa ugu muhiimsan al-sayed Muxamed el-qarbani, waa maqribi ah oo yemen ku noolaa taqriiban 150 sano ka hor, waxaana la qoray niman yamani ah. waxa kaloo wax ka qoray sharif Caydaruus oo yamani Xamari caan ah ahaa. waxa kaloo wax ka qoray alsayid el-nudieri o reer baraawe ahaa.

3-reer Sheikh isxaaq ma dirbaa?

Abadan. Abtirsiin ahaan, maya, wax nasab ah oo ka dhexeeyaa ma jiro. xageebay ka galaan? qofkii cadayn documented ah hayaa ha keeno. waxay ahaayeen xulafo siyaasiya keliya, waanay fiicantahay jaanibka siyaasiga ah inaynu xoojino.

Xigasho_Batalaalemedia


2 comments:

  1. Sh isaxaaq kumu dhalan ciraaq ee magaalada barakaysan ee makka almukarama ayuu Ku dhashay

    ReplyDelete