SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Hambalyo Meherka Iliyaas Maxamuud Godane iyo Fa'isa Maxamed C/Laahi.

Iftiinkacusub.com: Guurku waxa uu ka mid yahay waxyaabaha nolosha Aadanaha u ah asaaska wayn ,waana himilada iyo hamiga ku jira qofkasta oo markaasi dhalinyaro ah ,hadduu Inan(Wiil) yahay iyo hadii uu Gabadh yahayba ,taasi oo ah sunnaha uu Ilahay ugu talagalay Duniisan.

Bahda warbaahinta Iftiinkacusub.com waxa ay halkan hanbalyo iyo boogaadin uga dirayaan Meherka Boqor Iliyaas Maxamuud Gudane iyo Boqorada Faa'isa Maxamed C/laahi oo maanta oo ay bishu yahay 2/9/2017 Meherkoodu uu ka dhacay dalkA Faransiiska gaar ahaan caasimada Pariis.

Waxa aan Ilahay uga baryaynaa in uu ka dhigo qoys isku waara Ilahayna uu kala siiyo ubad khayr qaba Inamo iyo Hablaba .

Hambalyada waxaa diraaya: Khadar Ibrahim Aar.

 

No comments:

Post a Comment