SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Daraasad Lagu Ogaaday in Dahabka Lagu Daweyn Karo Cudurka Kansarka

Baadhitaan caafimaad oo dhowaan la sameeyey, ayaa lagu ogaaday suurtogalnimada in dahab la shiiday lagula dagaallami karo cudurka kansarka oo fara baas ku haya malaayiin qof oo daafadaha adduunka ku kala nool.sida lagu baahiyey shabkad maankaab

Culimo saynis oo ka tirsan Jaamacadda Edinbrugh, Gobolka Scotland ee dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in dahabka loo adeegsan karo xakamaynta unugyada cudurka kansarku ku dhaco.

Kooxdan dhakhaatiirta ah ayaa adeegsaday walxaha yar-yar ee dahabku ka kooban yahay oo loo yaqaanno Nanoparticles, isla markaana lagu dahaadhay maado kiimiko ah sida lagu sheegay baadhitaankan.

Inkasta oo aan wali lagu tijaabin bani’aadamka, haddana waxa lagu rajo weyn yahay in mustaqbalka uu yarayn doono saamaynta ay reebaan dawooyinka lagula tacaalo xannuunka Kansarka oo caalamka aad ugu sii fidaya sannadihii u dambeeyey.

Waxa xusid mudan in dahabku aanu khatar ku ahayn caafimaadka dadka, waxaannu awood u leeyahay in uu la fal-galo dawooyinka ka samayn kiikimada ee loo adeegsado daawaynta kansarka.

Khubarada ayaa ku beeray dawadan maskaxda kalluunka, taasoo ugu dambayn muujisay in uu si fiican u shaqeeyey.

Baadhitaankan waxa lala kaashaday oo gacan ka geystay jaamacad ku taal dalka Spain oo ku shaqo leh arrimaha uur-ku-jirta ama unugyada il-maqabadka ah.

Waa markii ugu horreysay taariikhda ee la ogaaday in macdanta dahabka lagu daweyn karo mid ka mid ah cudurrada sababa dhimashada ugu badan ee aadanaha.

Wariye siciid Xuseen Yuusuf

Siciidm2090@gmail.com

No comments:

Post a Comment