SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waa Qaybtii 7-aad ee Shekadii TAHRIIBKA IYO TAHLUKADII AAN GALAY.

Akhristayaal intiinii sheekada qaybahedii hore la socotay waxa ay inoo maraysay iyada oo Wiilkii dhalinyarada ahaa uu ku sugan yahay Wadanka Libiya gaar ahan Magalada Tiripoli halkaasna uu ka shaqaysto . 


Isaga oo sheekada halkeedii inooga biilaba wakan:-

Asxaabeey Waxa aan daganahay oo aan muddo dhawr Biloodaba jooga Libiya ,waagii baryaba waxa aan u kalahaa shaqo tag ,Lacagta aan soo shaqaysto ciyaar igagama baxdo ,waayo waxa aan ogahay Lacag la'aani wixii ay isoo marisay . Salada Ilahay inagu faralka yeelayna midkasta wakhtigeeda ayaan tukadaa.waxa ad mooda in arimuhu ay isugu kay yar toosan yihiin.

Asxaabey waxa aan qoondaystay in aan Libiya ka baxo isla markana aan gallo Tahriibka Badda, inkasta oo ay tahay Bilihii qabawga oo anay Baddu fiicnayn, hadana waxa aan naftayda kula shawray in aan Libiya ka dhaqaajiyo ,si aan u xaqiijiyo hadafkii iyo ujeedadii aan usoo safray.

Waxa aan u tagay nin ka mida Mukhalasiinta dadka Lashashka saara,waxa an u sheegay in aan doonayo in aan Badda ku safro.runtii ninkaasi oo ah nin aanu Libiya isku baranay ,waxa uu ii sheegay in dhawaan ay diyarin doonaan Laash ka samaysan Cinjir wayn oo la neefeeyo iyo Sagxad hoose oo Loox ah.

Ninkaasi Mukhalaska ahi waxa kaloo uu igula taliyay in Laash kaasi dhawan la diyarinaayo aan ka noqdo Nakhuude (wade) isaga oo ii balan qaaday in uu tababar hal malin ah isii naayo sidii aan Laash kaasi u kaxayn lahaa ugana talabin lahaa isaga iyo dadka saranba Badwaynta wayn ee u dhaxaysa Libiya iyo Talyaniga .

Waxa kaloo iyana uu iigu bushareeyay madama aan Laashkasi anigu Naakhuude ka noqonaayo in aan aniga la iga qadayn wax Lacag ah ,balse aniga la-isiin doono Lacag kale oo dheraad ah, madamaa dadka Laashka racaya oo dhan aan anigu masuliyadooda kaxaynta aan qaadaayo.

Waan fahmi karaa arimaha uu igala hadlayaa dhib iyo dheef waxa ay leeyihin ,balse waa aan ka ogoladay ,kadib markii uu hunguri iga galay Lacagta dheeradka ah ee la isiinaayo iyo iyada oo aan wax Lacaga aan la iga qaadi doonin safarkayga Badda.

Fiiro gaar ah :-Saxibayaal aniga oo ah Ninka qoraalkan amma fariimahan idiin soo gudbinaaya ,waxa aan waydiiyay Dhibanaha dhalinyarada ah ,marka aad ninka Mukhalaska ah aad kula heshiisay in aad adugu Laashka kaxayso,adigu waligaa Doon amma Laash Badda ma kaxaysay,balse Dabaasha ma taqaanaa.

Waxa uu iigu jawabay : Horta anigu waligay Bad kumaan dabalan, balse tan Libiya ayaan Dabasha ku bartay,waxa kale oo aad ogataa mar hadii aad Hawada Tahriibka aad gasho naftaada iyo nafkale toona dan kama lihid ,waxkasta oo maskaxdada kusoo dhacana horay ayad ka samaynaysaa.waana sababta keentay in ay Mukhalasiintoay noqdaan kuwo manaxaano ah.

Isaga oo sheekadii halkii inooga bilaaba waxa uu yidhi :-

Asxaabey waxaa la i siiyay Tababar ku saabsan kaxaynta Laashka ,waxa la i baray qaabka loo wado iyo sida loo jaheeyo loona ilaaliyo in aanu kalumin dariiqa Badda ee laguu tilmaamay. waxa kaloo la i baray farsamo iyo hagajin kooban oo ku saabsan Mishiinka Laashka lagu xidhaayo ,waxaas oo dhami waa koorso hal Malin ah, ha moodin in Jamacado loo galaayo.

Akhristayaal maalin maalmaha ka mid ah, aniga oo ku jira hawl maalmeedkaygii caadiga ahaa ayaa waxa Talafon isoo diray nin aanu saxiib nahay .waxanu ii sheegay in ay si aad ah ii doonayso Gabadh ku jirta Dhakhtar ku yaala Magaladan aanu joogno ee Tiripoli .

Markii shaqadii aan hayay dhameeyay, ayaa waxa aan tagay Dhakhtarkii la iigu sheegay,waxa aan ugu tagay iyada oo jiifta gabadhii aanu Tahriibka inta badan kusoo wada jiray iskuna soo baranay ,markii iigu danbaysayna aan kaga imi xaruntii Magafaha .

Waxa ay ii sheegtay in ay dhakhtarkan ku jirtay muddo hal Bil ah,isla markana ay hadda aad u fiican tahay ,waxa kaloo ay ii sheegtay in ay dhakhtarkan keneen Niman Wadaado ah oo Libiyana kadib markii ay kasoo heleen iyada oo ku darxumaysan meel Magalata Tiripoli duleedkeeda ah .

Runtii akhristayaal arinta gabadhaasi waxa ay noqotay mid culays ku noqota dhamaan arimahaygii iyo qorshayashaydii aan isku hagajistay,waxaa lagama maarmaan noqotay in aan gabadhaasi markasta aan kaga warhayo dhakhtarka,waxa raganimo ila noqon waayday in Gabadhaasi oo dhakhtarka ku jirta aan cidlada hadana kaga tago.

Saxibayaan markii ay Dhakhtarka ku jirtay muddo ku dhaw Sadax Bolood ,isla markana ay noqotay Qof caafimaad qaba ,ayaan kasoo saaray Dhakhtarka ,kadibna waxa aan u geeyay gabdho Somaliyeed aniga oo u sheegay in aan Masuul buuxa ka ahay wixii dhaaqle dhankeeda looga baahdo.

Madama aan Wadanka Libiya muddo joogay kuna ilbaxay waxa aan gabadhii u raadiyay meel ay ka shaqayso,waxa aan usoo helay Qoys Masaari ah oo ay Guriga uga shaqayso,nasiib wanaag waxa ay noqotay Gabadh taqana kuna hadli karta si faseexa Luqada Carabiga kuna soo baratay Wadanka Yemen, kana gaadhay ilaa heer Jamacadeed ,iyada oo kasoo qalin jabisay Kuliyada Luqada.

Asxaabeey kulankii iyo is-aragayagii Gabadha waxa uu igu soo kordhiyay in aan safarkaygii Tahriibka ee Badda aan baajiyo,aniga oo ku sababaynaya in anan Gabadhan walashay ah aanan marnaba cidlo kaga tagin , isla markana wakhtiga ay doonta ha qadatee aan mar uun annaga oo wada jir ah aanu Laashka Tahriibka cagaha wada saarno .

Muddo hal Bil ah markii ay gabadhii Gurigii aan geeyay ka shaqaynaysay isla markana ay noqotayna gabadh sii fican ula qabsatay wadankii, ayaa maalin maalmaha ka mid ah, waxa ay Fariin Messag ah iga soo dirtay Mobaylkii ay sida tay , iyada oo iga codsanaysa in aan dhakhso ugu imaado ,waxaa kaloo Messagka ku qoraa, madamaa ay tahay wakhtigii Qadada in anan meel kale anan ka qadayn balse aan si toosa iyada ugu imaada ,halkasoo ay ii sheegtay in ay Casumad iigu diyarisay.

Ubax Jacayl ayay markiiba isoo fudisay ,anna waan ka gudoomay ,kadib markii aan Gurigii ay joogtay ugu tagay , waxa ay igu qaabishay farxad iyo soo dhawayn ka badan midii aan hore uga bartay ,waxa ay muujisay Shacnigii iyo Quruxdii ay lahayd ,iyada oo aan ka tagayn akhlaaqda Islaamka, kadibna waxa ay soo dhigtay Cunti iyo Cabitaan aad u layaab badan, naftaydana xusuus badan ku reebtay,

Asxaabey markii aan Casuumadii ka faraxashay ayaa waxa ay guda gashay in ay ii sheegto sababta ay iigu yeedhay ,iyada oo aad dareemayso in Indhaheeda ilmo ku soo joogsanayso ,ayaa waxa ay ka bilawday hadal keekii :-

Runtii aad ayaan kaga mahad celinayaa wanagii iyo naxariistii aad ii samaysay intii aan dhibta Tahriibka ku silcayay,waxa aad ahayd ninkii kaliya ee ii fidiya Gacan naxariisle ,waxa aad tahay Nin anan waligay ilaabayn ,ma gudi karo abaalka aad ii gashay ,waxa ad ii qabatay waxkasta oo aad kari karayso,waxa aad ila wadaagtay dhibta iyo darxumadii aan soo maray ,waxa ad gooni ka noqotay Rag badan oo Somaliyeed oo mid qudha oo ii arxama aan ka waayay.

Intaasi markii ay i tidhi waxaa is badalay shucuurkedii ,waxa dhabanadeeda qooyay ilmadii ka qubanaysay ,kadibna iyada oo cod aad u gaban igula hadlaysa ayaa waxa ay hadalkedii kusoo gaba-gabaysay ,WAXA AAN DOONAYAA MADAMA ANAN GUDI KARAYN ABAALKII AAD II GASHAY, IN AAN NAFTAYDA KUU HIBEEYO, SIDEE AYAY KULA TAHAY IN AYNU IS GUURSANO** ??!!

Runtii hadalkaasi u danbeeyay ee Gabadhaasi walashay ah afkeeda kasoo yeedhay waxa uu ila noqday mid aan si dhakhso ah jawaab ugu waayo, ,waxaa markaliya maskaxdaydii kusoo xadiray arimo badan oo iska wada hor-imanaya ,kuwaasi oo ay kow ka tahay,wakhtiga iyo waayaha adag ee aanu ku jirno aniga iyo iyaduba .

Arinta Guurka ee ay walashay ka dhawaajisay maahan wax la diidi karo sidoo kalana maha wax si fudud haye loo odhan karo ,waxaa aanu joogna oo aanu ku suganahay Cir kaa dheeri Dhul kaa dheeri, waxa aniga iyo iyadaba na suugaya Safarkii Badda oo aanu u qalab urur sanayno ,Alla Tahriib Jacayl kugu galay dhibadanaa.

Saxibayaal Intii aanu wax hadalii Dibnahayga kasoo bixin ,ayaa iyada oo garashada iyo caqliga Ilahay siiyay wax ku qiimaynaysa waxa ay igu tidhi ,waxba haysku adkayn arintan aan kusoo bandhigay, waxa aad yeeshaa aniga way iga go'an tahay waana sidaa aan kuugu sheegay ,adigana waxa aan ku siinayaa in ilaa barri aad kasoo fikirto .

Markii aan imi Gurigii aanu ku jirnay ,ayaa sidii Nin xanuusanaya waxa aan markiiba jiifsaday Furaashkii yaraa ee Dhulka ii yaalay ,tasoo aan uga jeedo in aanay i mashquulin dhalinyarada aanu Guriga wada joogna,si aan ka fikiro wixii aan ka yeeli lahaa cidsigaasi Gabadha iiga yimi.

Kadib markii aan falan qeeyay codsigii Inanta walashay ah , waxa uu igu noqday Laf Dhuun gashay,way igu adkaatay in si sahlan aan go'aan uga gaadho, dhinac marka aan ka eego ,waa gabadh Boqol kala bax ,sharaf iyo akhlaaq Ilahay u dhameeyay ,quruxna daa hadalkeed ,balse hadana layskama indha tiri karo duruufta nagu xeeran ,kadibna aniga oo an Go'aan gaadhin ayaan sidii ku seexday.

Asxabeey waxaa inta badan ii caado ah in marka aan seexanaayo aan Mobaylka iska xidho, balse markii aan aroortii soo toosay ayaa waxa aan furay Mobaylkaygii , waxa aan ku arkay fariin message qoraala oo iga timi Gabadhii codsiga Jacaylka isoo gudbisay ,fartiinta messagka ay isoo dirtayna waxa ay u qorayd sidan ,iyada oo ku hal-qabsanaysa hees Somaliyeed:-

Hadaan anigu go'ayoo - Cudurkaad i galisay

Intuu halistaa ii galay - Aan gabay talabada

Geeri iyo god mooyee- Ifka gogolii ii ool.

Waxa sidatan ii galay - Garaad xumme jacaylka

Heeryo igu ganbiyayoo- Goobtaa i joojee.

Gu'i-waaye haydhigin - Gagi laga hayaamee

Kaalay gacanta iga qaabo .

Runtii markii aan Erayadaasi damqashada leh akhriyay waxa kacay shucuurkaygii iyo dareen kaygii, jawaabta kaliya ee aan bixin karana waxa ay tahay,in aan shuruud la'aan aqbalo codsigii gabadhaasi, iyada oo anan wax shuruuda ku xidhnayn waxanan ugu jawaabay:-

Sida haro gingimanoo  -  Biyo galac kaleeyihiin

Geestana doogiyoo      -  Ubaxii isgadheen

Laga guurin waligeed   -  Waxa tahay gadeedii.

Sida galab cadceedoo    - Fadka lagu ganbiyay

Gabban maayo aniguye - Waan is-guursanaynaa

Adna gacaladayday , Aynu guri yagleelne, geestada ila-qabo.

Markii aan fariimahasi aanu iswaydaarsanay kadib waxa aanu qabsanay balan aanu ku gor-faynayno hawlaha iyo caqabadaha faraha badan ee na horyaala sidii aanu isula eegi lahayn,hadaba markii aanu isu nimi aniga ayaa waxa aan waydiiyay hal su'aal oo igu mudnayd taasi oo ahayd:-

Waxa aan ogaa in aad tahriibka soo gashay adiga oo Uur lagugu soo qalay sida aad ii sheegtay,ma ii sheegi kartaa xaladaha uu ku yimi Uurkaasi , ?

Kadibna waxa ay iiga sheekaysay qisadan xanuunka leh, iyada oo ku bilawday :-

Anigu waxa aan ahay Gabadh si fiican wax usoo baratay ,waxa aan ka qalin jabiyay Jamacadaha Wadanka Yemen mid ka mida ,kadibna markii aan wadanka kusoo noqday ,ayaa Walid-kay waxa ay i siiyeen Nin aanu Ilmaabti nahay,inkastoo aan in badan diiday hadana markii danbe aniga oo ixtiramaya talada Waalidkay waa aan iska ogoladay.

Nasiib darro Ninkii isaga ahaa waa aanu heshiin waynay, waxanu igu noqday nin dhib mooyane anan markaliya dheef kala kulmin ,waxa uu noqday Nin hankaygii iyo aqoontii aan soo bartay oo dhan iga hama jabiyay,waxa uu iga dheereeyay naxariis oo dhan , waxa uu in nacsiiyay nolosha Guurka ,waxa uu mugdi galiyay farxadii iyo noloshii cusbayd ee ii iftiimaysay.

Waalidka labada dhinacba waxa ay in badan ku tala'galeen in mushkiladayada xal u helaan, balse dhinaciisa ayaa waxba ka hagaagi wayeen, waxa uu igu noqday xadhig lama sitaan ,waxa uu diiday in uu si fiican oo Islaanimo ku jirto ila dhaqmo ,amma ii siidaayo oo Warqadayda ii siiyo .

Markii arimahasi foosha xumu ay ilasoo kulmeen ,waxa an go'an saday in aan Tahriib miciin moodo ,waxaa aan Habeen madaw kasoo guureeyay aniga oo aan cidna u sheegin Gurigii aan daganaa,waxaaan safar ku imi Magaladii Adis-ababa .

Madama aan Uurlahaa ,waxaa maalin maalmaha ka mida igu soo booday Nabar anan filayn ,kadibna Dad aanu asxaab nahay ayaa waxa ay iila carareen Dhakhtarka ,kaasi oo ii sheegay in Ilmahii Calooshayda ku jiray uu yahay mid Bakhti ah una bahan in lagaa soo saaro ,kadibna waa la i qalay waana la iga soo saaray.

Markii aan Dhakhtarka kasoo baxay ayaa waxa aan la xidhiidhay Magafahii (ninkii) aan Uurkan ulahaa ,waxanan u sheegay in Ilmihii calooshayda ku jiray uu dhintay ,waxaa kaloo aan ka dalbaday in uu si walal nimo leh Warqadaydii furiinka iigu soo diro ,ina soo furo ,Ilahay mahadii waa uu yelay ,hadana waxa aan ku hayaa Warqadii Furiinka oo sharciyaysan waana tan.

Akhristaw waxa ad moodaa in sheekadii ay isu badashay Jacayl balse hadana dhibta soo socota waa mid laga Acuudu bilaysto!!

la soco qaybta 8 aad.

Qofkasta oo Sheekadan Qaybaheedii hore ay dhaaftay waxa uu kala soconayaa Barahayga hoos ku magacaban :-
khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com


W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment