SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Fariin iyo talo ku socota jilayaasha Sooran iyo Jawaan .

Sooraan iyo Jawaan waa laba nin oo inta badan Majajileeya amma sameeya Waxyabaha ay dadku ku qoslaan ,balse hadana Hal-abuurnimadoodu waxa ay u badan tahay waxyabo badan oo la
odhan karo waxa ay faa'ido u tahay dadwaynaha dawada amma dhagaysta barnamij-yadoodaa,kuwasi oo soo bandhiga barnamijyo wax ku ool ah.



Saxibayaal Sooraan iyo Jawaanow runtii aniga laftaydu waxa aan ka mid ahay dadka idin xiiseeya mararka qaarna dawada Barnamijyo badan oo aad leedihiin oo aad dadka usoo gudbiseen ,kuwaasi oo hadii loo kuur galo la odhan karo waa fa'iido iyo talabixin ku wajahan bulshada Somaliyeed ee idin jecel .


Saxiibayaal Soraan iyo Jawanow waxa aan jeclaystay in aan qoralkan idiin soo gudbiyo aniga oo ay adkaatay in aan si gaara idiin la hadlo balse hada waxa aan go'aan saday in aan halkan idiinku soo Gudbiyo talooyin aan isleeyahay saxiibada in loo sheego ayay u bahan yihiin ,iyada oo soo gudbintan talada ay ila qabaan dad badan oo idin xiiseeya .

Soraan iyo Jawanow waxa aad inta badan soo bandhigtaan dhacdoyin Xaqiiqa ah,kana dhex dhaca bulshada Somaliyeed, waxa aad usoo bandhigtaan si kalsooni leh amma waqiciya oo ay dadku aad uga helaan, waxa aad dad waynaha tustaan waxbadan oo aan isleeyahay waa ay ilaw san yihiin. waana sababta keentay in wakhtiyar oo kooban aad ku noqotaan laa Nin oo caanka ah gayiga ay Somalidu dagto .

Soraan iyo Jawanoow waxaa baryahan danbe Saxiibayaal aad caado ka dhigateen in Filim kasata oo aad jilaysaan ay ka muuqato lana daawado idinka oo si darandoori ah Sigaar u cabaaya ,iyada oo aanay jirin sabab idinku kalifaysaa in aad idinka oo Sigaar cabaya aad dadka usoo gudbisaan,waayo idinku waxa aad tihiin kuwii la rabay in ay dadka xumaanta ka reebaan ee ma tihidin kuwii soo gudbin lahaa .

Waxa ay ahayd in aad soo duubtaan Barnaamijyo dadka ka wacyi galinaya Sigaarka cabis tiisa iyo khataraha uu leeyahay,ee may ahayn in Sooran iyo Jawaan inta ay Bakidh Sigaara soo qaatan in ay Bulshada horteeda lasoo fadhiistan kuna hor cabaan,may xumateen hadii Sigaarka aad cabaysaan uu qayb ka yahay barnajidka aad markasi ku guda jirtaan,amma uu wacyi galin yahay ,balse intaasi midna isaga oo aan ahayn ayaa waxa aad caado ka dhigateen cabista Sigaarka,taasi oo dadka qaar u arkeenba in aad shirkadaha Sigarka u xayay'siinaysaan.

Saxiibayaal aniga oo ixtiramaya Balwadiina idiin gaarka ah, hadana waxa aan ka hadlayaa waa waxa aynu wada leenahay ee inaga wada dhaxeeya, kasi oo ah ,Filimada aad noo soo gudbinaysaan in ay noqdaan kuwo markasta dadka wacyigalin u ah ee aanay noqon kuwo dadka ku dhiiri galinaya xumaanta.

Waxa aan ogahay in aad in badan ka hadasheen Qaadka iyo dhibta uu bulshada ku hayo ,idinka oo usoo gudbiyay si waaqici ah ,madama aad ka mid tihiin dadka aqoonta dheeradka u leh dhibatada uu Qaadku ku hayoi Bulshada Somaliyeed.

Soraan iyo Jawanow Saxiibayaal naga daaya Sigaarkan aad ku dhex cabaysaan Guryaha dhexdooda ,taas waxa aan uga jeeda Guri kasta oo la idinka dawado waxa aad Shaashada kasoo baxaysaan idinkoo Sigaar Qiijinaaya ,dadka waxa xun ka wacyi galiya lakiin idinku waxa xun horseed haw noqonina .

Waa in aad ogataan in aad tihiin Macalimiin dadka wax u sheegaya ,isla markana xummo iyo wanaag kolba kii aad dadka usoo gudbisaan ayaa Ilahayna idin kula xisaab tamayaa,waxaa loo bahan yahay in wanaaga aad umada ugu baaqaysaan uu markasta ka muuqdu barnamij-yadiina .

Aniga oo ixtiraam gaar ah idiin haya ,jecelahayna in Barnamij'yadiinu ay noqdaan kuwa midha dhala, waxaan idinkula talin lahaa markasta oo aad barnamij soo saaraysaan waxa aad u fiican in aad ka baran dagteen,idinka oo ka eegaya faa'iido iyo khasaare midkee ayuu dadka u leeyahay.

Waxa dhawan aad soo saarteen Filim yar oo gaaban oo aad kaga hadlaysaan Kufsiga Haweenka,waa sax in aad ka hadashaan soona gudbisaan dhibatada aadka u badan ee maanta lagu hayo Haweenka ,balse hadana Filimkiinasi waxaa laga dheehan karayay Fariin qaldan oo ka muuqatay dhamaadkii Filimka , taasi oo ahayd in ay is Gubtay Gabadhii Kufsiga loo gaystay, taasi oo dadka badankiisu u arkeen in uu ahaa Filim aan si fiican looga fiirsan fariinta uu gudbinaayo.

Waxa ay ahayd in Filimkaasi oo kale marka aad soosaraysaan uu wacyigalin u batto ee may ahayn in ay meesha timaado isdil amma Gubniin iwm,waan ogahay in ay dhacdo in ay sidan oo kale ay Gabdhaha qaar sameeyaan ,balse taas lafteeda ayay ahayd in aad idinka ka wacdidaan oo aad keentaan xalkale oo ay gabadhu nolol fiican ku heli kari lahayd inta aad Batroolka iyo Dabka sheekadi kusoo gunaanadeen.

Soraan iyo Jawaanow Saxibayaal soo dhawaada ,dadkuna markasta waxa ay idiin arkaan macalimiine macalimiin noqda ,balse idinku Arday ha noqonina.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com


W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment