SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waa Qaybtii 5-aad ee Shekadii TAHRIIBKA IYO TAHLUKADII AAN GALAY.

 
Intinii sheekada Qaybteedii hore la socotay waxa ay inoo maraysay iyada oo wiilkii dhalinyarada ahaa iyo dhamaan Akhayartii ay Tahriibka isku barteen ay ku tala jiraan in ay safar dheer usoo galaan Saxaraha u dhexeeya Sudan iyo Libiya .

Isaga oo sheekada halkii inooga qaadi doona waxa uu yidhi :-

Waa Malintii ay Balantu ahayd in aanu u diyaar garawno Safarka Saxaraha iyo Saxariirka ,Runtii markii naloo sheegay in Sacadaha soo socda aanu bixi doono waxa Qofkasta oo naga mida gashay cabsi iyo warwar aanu hore ugu jirin .

Waxa ay iigu darayd markii aniga oo aad uga walacsan Safarka khatarta badan ee aan galaayo ,ayaa waxa Talafon iga soo Wacay Wiil dhalinyaro ah oo aanu Saxiib nahay jooga Magalada Burco ,kulahaa Barri ayaan Safar Tahriib ah usoo baxayaa ,balse markii aan uga shekeyay dhibatada uu leeyahay waxa uu noqday mid aan iga garawsan , la yaabi maayo oo wakhtiyada qaar aniguba waxaan ugu necbaa Dadka kuwa Tahriibka igala taliya .

Waxaa Hortayada soo istaagay Babuurtii aanu ku Tahriibi lahayn, Asxabeey ha moodin in Babuurta Lagu Tahriibo Qofkastaba meesha uu doonayo uu ka fadhiisanayo,waxaa lagu fulayaan Nidaam iyo Baratakool iyada oo Garacistuna ay dheer tahay ,Qofkasta waa lajeebaynaya ,waxana la isu keenaya Gadhka iyo Labadiisa Low.

Waa iga talo, inkastoo marnaba aanan dhalinyarada kula talinayn in ay soo Tahriibaan ,hadana waxaan ku talin lahaa ,hadii aad tahay Nin Buuran(cayilan) amma Gabadh Buuran ku talagal hadii aad Dhul badan ku nabad gasho waxa anad marnaba ka nabad galayn Silica Saxaraha .

Babuurka aan nasiibka u helay in aan ku Safro Dadka saarani waxa ay u badan yihiin Dumar iyo Caruur ,waxa aad mooda in markasta aan nasiib u helaayo Safarada ay ku badan yihiin Dumarka iyo Caruurtu,kuwaaso oo aan karhay ,sababta oo ah waa Dad Maati ah markastana kaga baahan Cawimo ,inkastoo hadana ay jiraan Dumar ka adkaysi badan Ragga qaar.

Akhristaw Sacadu waxa ay maraysaa 4 Habeenimo ,waa Habeen Qudcur ah ma jiro wax Dayax layidhaa Babuurka aanu saranahay waxa uu ku socdaa si Xawli ah,inta badan Babuurtan lagu Tahriibo Nimanka wadaa waxa ay isticmalaan Daroogada ,hadii aad Babuurka ka dhacdo amma aad ka duusho Adigalee waaye.

Waxaa dhinacayga Midig fadhiya oo ii sheekaynaya Wiil dhalinyaro ah oo Darxumada ka muuqata aad yabayso, waxa uu iiga sheekaynayaa in Jidkan aanu hada marayno uu soo maray mudo ka hor ,kadib markii Magafe u gacan galay, isaga oo waayay Lacagtii Magafahu uu ka rabay .

Waxa Babuurka nala saran Gabdho Somaliyeed oo badan kooda ay Ilmadu ka qubanayso ,sababta oo ah raja-xumada ay kala kulmeen Tahriibka iyo iyaga oo ogsoon dhibta ka horaysa inta ay leeg tahay,isla markana an helayn cid uga gargaarta ,Rajada ALLAH mooyaane.

Asxabeey waa xilli Habeenimo ah, waa aanu Guuraynaynaa, Gadhigu marba Janbi ayuu dhigayaa ,kadibna Halmar ayaa si lama filaana Gadhigii aanu saarayn uu nala gadoomay (Qalibmay)markaliya ayaa qaylada iyo Oohinta la isku daray.

Nasiib wanaag aniga waxbadan imay soo gaadhin ,balse waxa aan ka Jabay Gacanta Midigta gar ahaan Mataan ,Dad Tiradoodu ay gaadhayso 10 Qof ayaa Gadhiga hoos tiisa ku jira kana qaylinaya ,intayadii kale waanu badqabnaa .

Nimankii Babuurka waday oo Laba Nin ah ayaa Daqadaha Babuurka mid ka mida iska furay ,kadibna inta ay Qoryahii noo cabaysteen waxa ay naga dalbadeen in Dhakhso aanu Babuurka u toosino.

Qofkasta oo dhaaqaqi karayay waxa uu ka qayb galay Toosintii Babuurka ,xataa anugu qayb ayaan ka ahaa iyada oo Gacantuna ay ikala lulato ,kadibna waa aanu toosinay ,Gadhiga hoos tisii waxa aanu kasoo saaray Dhawr Qof oo ku geeriyooday ,balse dan lagama laha halkaas ayaa Maydkooda lagaga tagay.

Nasiib wanaag aniga iyo Dhawr qof oo kale waxa ay nasareen madama aanu dhawac nahay Babuur kale oo Safarka nagula jiray,Wax aanu rafaad kusoo jiraba waxa aanu goor Habeenimo ah si lama filaana aanu usoo gaadhnay Hoygii Halaaga ,Gurigii lagu Goblamay ,waa Ehelunaarkii Magafayasha ee Dhiiga dadka ku noolaa.

Markiiba waxaa Babuurkii aanu wadanay isasoo garab istagay Magafihii ugu waynaa ,Hadalkii u horeeyay ee aan ka maqlaa waxa uu ahaa,halkan Xiniinyo lalama yimaado,waxaa Magafaha Turjumaan nooga ah Nin Somali ah isla markana meesha lagu haysto isaga iyo Xaaskisiiba ,Ilma yar oo Caruuriina ugu dhashay Ayaan aan sida u fogayn,iyada oo Magacii Ilmaha yarna Dadkii socotada ahaa ay u Bixiyay Magafe .


Waxaa amar nalagu siiyay in aanu dhamaantayo si dhakhso ah usoo dhaadhacno ,waxa aan kasoo dhadhacay Babuurkii aniga oo aan Cagahaba Dhulka dhigi karayn Xanuun iyo Awood darro awadeed ,Gacantii i Jabnaydna Laaladiinaya ,waxaa nala geeyay Goob aanu seexano ,Gacantii i Jabnayda waxa aan ku Xidhxidhay Shaankaygii .

Waxaa la gaadhay Aroornimadii kale ,waxa nala siiyay waxoogaa Shaah Madaw ah iyo Roodhi (Rooti) aad u qalalan oo aan Cunaha kuu marayn ,waxa kaloo la isugu kaaya daray si anan u Haraadin Naafto iyo Biyo ,waxa aan markiiba Indhaha ku dhuftay Dad Soomali ah oo meesha jooga isla markana ay ka muuqato Rafaad iyo Durxumo anan ka sheekayn karayn.

Waxaa naloo garacay Siidhi kadibna waxaa nala galiyay Saf aad u dheer waxa markasta dhacaysa in adiga oo Safka ku jira isla markana aan samayn wax dhiibata ah in hadana aad aragto iyada oo Laad iyo Feedh lagala daalayo. .

Qofkasta waxa loo sheegay Lacagta laga rabbo inta ay leeg tahay,Runtii waxaa markiiba ii muuqatay in anan sidan Lacagtaasi uu Magafe ku yaboohay ,waa naxdin wayn iyo Murugo igusoo korodhay.

Markii lasoo gadhay Safkii aan taagna ayaa waxa uu Magafe oo Xanaqsan Indhahana Galka ka saaraya igu yidhi ,keen Lacagta waaryaa,kadibna waxa aan aniga oo Daymo Naxariisle ku eegaya Gacanta ka galiyay wixii Lacag aan sitay ,waa uu iga qaday kadibna waa uu tiriyay, waxa uu arkay in aanay dhamayn ,waxa la isugu kay daray Dhirbaaxo iyo Laad waxa uu i fadhiisiiyay meel Bacaad ah aadna u Kulul .

Wakhti yar ka bacdi Waxaa ii yeedhay MAGAFE waxa uu iidhiibay Talafon,waxa uu igu yidhi hada la hadal Hoyadaa Lacagna ka dalbo.

Saacadu waa ku dhawaad 12 Duhur-nimo ,waxaa si lama filaana Talafoonkii iiga qabtay Abahay,waxa aan u dadajiyay Hadalkii la ii Laqimay ee ahaa ,Aabo waxaa i haysta Magafe waxa uu iga rabaa Lacag hadii aad isoo Diri waydaan Hadda ayuu i dilayaa, kadibna Abahay oo i maqlaaya ayaan Oohin qabsaday .


Hadalada Murugada leh markii uu Abahay maqlay waxa uu iigu Jawabay ,isaga oo qalbigaygana dajinaya ,Aabo waxaad ii sheegtaa Xawalada Lacagta lagu soo hagajinaayo ,aniga oo hiinraagaya Oohin darteed ayaa waxa aan u sheegay Xawalada Lacagta lagu soo diraayo Magaceeda.

Runtii Abahay waxa uu ila hadalnay si Masuuliyad iyo naxariisi ku jirto,waxa uu i dareen siiyay sidii uu Lacag Gacanta ku hayo ,balse Xaqiiqdu intaasi waa ay ka fogtahay ,Abahay iyo Hoyadayna waxaa marlabaad u Bilaabmay Baryadii iyo Baryootankii Labaad ee aan Sababtooda aan anigu lahaa.

Waxaa Babuur lagu guray dhamaan Dadkii aanu wada soconay Badankoodii oo dhan kuwaasi oo ahaa Dadkii Lacagaha sitay iyo kuwii loo soo dirayba,kadibna waxa ay nooga anbabaxeen dhinacaa iyo Liibiya ,aniguna waxa aan Dib Magafaha agtiisa usii joogay 20 Casho .

Waxaa aanu Magafaha ku wada suganahay Wilal iyo Gabdho Somaliyeed kuwaaso qaar ka mida Maskaxdoodu aanay dhamayn,isla markana aad dareemayso Niyad jab wayni ka muuqda.waxa kaloo ay ii shegeen in Agagarkan ay hada jogaan Dhalin farabadan oo Somaliya Lafahoodu ku Duugan yihiin.

Asxabeey waa Maalin Khamiisa Sacadu waa Sideedii Aroornimo waxaa isla Goobtii Magafaha isa soo taagay Safar Cusub oo Tahriib ah una Badan Somali ,waxaa sidayadii laga soo dajiyay dhamaan Babuurtii ,waxa aan markaliya Indhaha ku Dhuftay Safarkana ka mid ahayd Gabadhii aanu isku soo baranay Safarkii Adis-ababa inta badana aan gargaarka u fidin-jiray.

Kadibna markii ay Gadhiga kasoo Dagtay ayaa waxa ay ku dhacday Dhulka waa ay Miyir doorsoontay ,wali dhibtii iyo Xanuunkii aan ku ogaa kama hadhin,Qaliinkii Caloosha kaga yaalayna waa uu kusii xumaaday ,waxa aad Korkeeda iyo Dharka ay gashan tahayba ka dheehanaysaa Dhibta haysa inta ay leeg tahay.

Cid u naxday ma jirto ,aniga ayaa inta aan u tagay Garbaha qaybtay kadibna waxa aan geeyay Hadhqoodaal yar ,ma hadli karayso ,madama aan meesha in badan joogay waxa aan bartay Dabecadaha Magafayasha ,waxa aan helay waxyar oo Biyo ah kadibna afka ayaan ugu Qabtay Madaxana waan kaga shubay,markasi ayay soo miirawday,kadibna waa ay i garatay.

Asxabeey aniga oo gabadhii Dul fadhiya kana waraysanaya Xaalkeedu sida uu yahay ayaa Magafe waxa uu xadiriyay Magacaygii waxanu ii sheegay in Lacagtaydii loo soo diray kadibna Babuurta hada baxaysa aan ku qornahay.

Aad ayaan uga xumaday in Gabadh Somaliyeed oo walashay ah aan Cidlada iyo Cadawga kaga tago ,balse danta ayaa didhi in aan ka tago ,hadii aan la joogi lahana wax aan u qaban karaba ma jiro, kadibna waxa aan fuulay Baburkii Gabadhiina sidasaan Cidlada ugaga dhaqaaqay.

Waxa aanu galnay Safar runtii aad u dhibaato badan balse hadana Akhirkii waxa aanu ku Guulaysanay in aanu si nabad galyo ah ku gaadhno Dalka Liibiya,gaar ahaan Magalada Tripoli ,halkaasi oo aanu ku kulanay dhalinyaro aad u badan ,oo isu diyarinaysa Safarka Badda u dhaxaysa Libiya iyo Talyaniga .

Asxaabeey Sheekadu hada waxa ay isu badalaysaa Dhibatooyin aad u badan oo midiba ay mid ka daran tahay.

la soco qaybta 6 aad.

Qofkasta oo Sheekadan Qaybaheedii hore ay dhaaftay waxa uu kala soconayaa Barahayga hoos ku magacaban :-

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com


W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment