SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Wasiir Cadaani waxaa laga hayaa, waxa aanu isa soo aragnay Galabta Madaxwaynaha iyo Marwadiisa.



Waagi baryaaba waayo leh ,ayaan kasta oo aad Aduunka kor kiisa kusii noolatana waxa ay kuu kordhinaysa waya'aragnimo iyo wax cusub oo ku yaab galiya,taasi oo la odhan karo waa jadwal iyo jaangoyn Ilahay u sameeyay Dunidiisan.



Wax yabaha iga yaabiyay ee aan Qalinkan iyo Warqada isu dulsaaray waxaa ka mida ,waxa aan dawaday Maanta Xaflad amma wax loogu yeedhay Casumad balaadhan oo casho sharaf ah iyada oo lagu marti qaaday Casumadaasi loona sameeyay dhamaan Saxafada Somaliland,casumadaasi oo uu fidiyay Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Somaliland Mudane Cusmaan C/laahi Saxar'diid (cadaani)

Wasiirku isaga oo ka hadlaya una mahad celinaya Aqoonyahankii Saxafada ee kasoo qayb galay Casuumadaasi ayaa waxa hadaladiisi ka mid ahaa,Waxaanu isa soo aragnay Galabta Madaxwaynaha iyo Marwadiisa.

Runti markii aan hadalkaasi Wasiirka maqlay waxa aan is waydiiyay ,in Nin Wasiirii uu yidhaahdo Madaxwaynaha waanu isa soo aragnay waa mid qofkastaba uu fahmo karo lagana filaayay , balse maxay tahay xigmada ku jirtaa in uu nin Wasiirii madal ay dad badani fadhiyaan in uu yidhaahdo waxa aanu isa soo aragnay Marwadii.

Hadalkaygan yaan loo qadan in aan xumaan uga jeedo ,balse waxa is waydiinle wakhtiga aynu maanta marayno in nimankii wasiirada ahaa ay rabaan in ay markasta ku hadaqaan kuna Celcel ciliyaan Madaxwaynaha iyo Marwadiisa in aan laba kala reebin magacooda ,iyada oo markasta oo Madaxwaynaha lasoo hadal qaado Marwaduna ay ku daba jirto.

Mise saxiibayaal aniga ayaan wax ogayne Marwaduba Talada Dalka ayay wax ku leedahay oo Wasiirku waa uu saxan yahay,balse hadii ay sidaasi ay tahay miyanay ka wanaag sanayn in markasta talada iyo toosinta loo Nisbeeyo madaxwaynaha oo aan Magaciisa iyo sharaftiisa aan meel lagaga dhicin.

Miyanay ogayn Madaxda dalku maraka ay markasta Magaca Madaxwaynaha ay ku lamanaynayaan magaca Marwadiisa in ay isaga sharaf dhac iyo karaamo xumo u tahay,mise aniga ayaaba qodcur gudaaye Madaxwaynahu hadii aanu maqal Magaca Marwadiisa oo ku lamaan magaciisa cadho ayuu la suuxaytaa, Wasiirka aan sidaasi yeelina waaba e'ri.

Aniga waxa ay ila tahay in dhaqankani uu yahay mid aan fiicnayn mustaqbal'kana ay nu ka dhaxli doono waxyabo intasi kasii xeel dheer oo ay ka mid yihiin,in Madaxda dalku ay ina yidhaahdaan waxa aanu isa soo aragnay Galabta Madaxwaynahii ,Xaaskisii iyo dhamaan caruurtisii ,taasi oo aakhirkana inoo noqon doonta halku dhig aan fiicnayn.

Waxa aad in badan maqlaysaa Marwada ayaa waxa ay maanta Dhagax dhigtay meel heblaayo amma waxa ay cawinaysaa meel heblaayo, balse Marwadu lacag gaar ah oo ay leedahay oo ay wax ku cawinaysaa ma jirtee waxogagii yaraa ee Cashuurta laga ururiyay ayuunba laysu qaybinaya,hadii aan waxyabahasi aan hada laga hortagina waxa iman doonta in Madaxweaynaha iyo dhamaan Caruurta uu dhalo kuwa ay sii dhalaan ay iyaguna midkastaba inooga bahan doono maamuus iyo magac aanay xaq inoogu lahayn ,waana wixii aynu hore usoo eednay.

Waan jeclahay in Marwada Madaxwaynaha ixtiraam iyo sharaf loo muujiyo waanay inaga mudan tahay balse hada qaabka ay wax u socdaan maha kii saxa ahaa ,waa kii aynu hore ugu soo aragnay Dawladahii inaga horeeyay ,waana qaab aan fiicnayn aakhirkana ku danbeeya ceeb iyo fadeexad.

Madaxda dalku waxa ay milgo iyo sharaf ku lee yihiin marka lagaga daydo wanaaga iyo anshaxa wanagsan ee ay leeyhiin,ninka madaxda waxa looga bahan yahay in uu dadka u noqdo tusaale fiican oo dhankasta lagaga dayan karo,balse hadii uu noqdo mid lagaga daydo xumaanta iyo faxishada waa mid subxanala.

Waxaa kaloo iyana layaab noqotay in casumadasi uu Wasiirku fidiyay waxa si toos ah oo qofkastaba uu arki karo uga muuqda Wasiir Cadaani oo si aan gabasho lahayn Laabta laabta ugu saaraya Gabadh Fanaanada ,taasi waxa ay ku tusinaysaa Wasiir Cadaani halka uu ka tagan yahay Akhlaaqda iyo milgaha islaamka .

Wasiir Cadaani waa Wasiirkii Warfaafinta iyo wacyi'galinta ,wa ninkii laga rabay in uu bulshada uu madaxda u yahay markasta wanaaga faro xumahana ka reebo,waa ninkii laga rabay in ay dadku wanaaga iyo sharafta uu leeyahay ay ku daydaan,waa ninkii ay ahayd in Warbahanta iyo Idacada oo Madaxda ka yahay laga arko isaga oo samaynaya wax wanaagsan oo Ilahay iyo umadiisuba ay ka raali tahay.


Qudhaanjoy ku quuso ,Wasiirkii ay ahayd in uu umada wanaaga tusa xumaantana ka reebo ,ayaa waxa uu Masraxa iyo idacadaha lasoo istagay Gaada ka cayaar iyo Laabta laabta u saar Gabadh aan Muxramkiisa ahayn,kaga siidarane mabay xumateen hadii uu ku sameeyo meel qarsoon, waxa uu xumaanta uu samaynayo Markhati uga dhigay bulshada .

Waxa baryahan danbe Somaliland dhaqan iyo caado xun u noqotay Casuumado aan kala go'lahayn oo ay markasta samaynayaan Madaxda dalku ,iyada oo Fakhriga iyo Gajada dalka ka jirtaana ay tahay mid aan la qiyaasi karayn.

Casumadkasta oo la dhigo waxaa ku baxda Lacag aan la qiyaasi karan,taasi oo ah Cashuurta yar ee Shacbiga masakiinta ah laga qaado,waa dulmi iyo dibindaabyo waxyabaha ay ku kacayaan Madaxda qaranku,waxa la xalalaystay oo aan cidna lagala gabanayn Boobka iyo dhaca Hantida Dadka Somailand (agoonta ah).

Waxa kaloo iyana hada aad arkaysa in ay Somaliland kusoo biirtay dhaqan ah in Dawladnimadiiba ay noqotay wax ay Sheer gareyan Afarta Hotel ee waawayn ee Hargaysa ku yaala,Madaxda dalka iyo Dadka maalqabeenada.

Somaliland hadii ay sidan kusii socoto waxa iman doona in aakhirka la waayo wax Dawladnimo layidhaadaba,kadibna ay Gacanta u gasho Dad Dawladnimadaba ka bayac mushatara dadkana ula dhaqma sidii oo ay Adoon u yihiin.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com


W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar