SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waa qaybtii 9 aad sheekadii tahriibka .

Akhris'tayaal dhamaantiin aad ayaan idiin Salamayaa waxanan idin leeyahay SCWW ,intiinii sheekada qaybtii Sideedad la socotay waxa ay inoo maraysay iyada oo Ninkii dhalinyarada
ahaa ,Xaaskisii iyo Inankii yaraa ee uu dhalay dhamaan tood ay Doon ka raceen Wadanka Libiya iyaga oo u Tahriibay Wadanka Talyaniga .

Asxaabey aniga oo ah qoraaga sheekadan idiin soo gudbinaya ,ayaa waxa aan waydiiyay Saxiibkayga ay qisadani ku dhacday ,waxa aad iga warantaa Tahriibkagii hore waxa aan dareemaya in uu ahaa mid ay dhib badani ay kasoo gaadhay ,inkastoo aad ahayd kaligaa Dhulkana aad maraysay ,balse markan danbe waxaa kula socday Xaaskagii iyo Ilme yar oo aad dhashay ,walibana waxa aad ku safraysay waxa uu ahaa Bad ,maxay ayaad dareemaysay markaasi ?

waxa uu iigu jawabay :-

Runtii Tahriibkaygii hore ee Dhulka iyo kan aan Badda kusoo galay waa uu kala duwanaa,waayo markan danbe waxaa ila socotay Xaaskaygii aan aadka u jeclaa, waxaa kaloo na wehelinayay Curadkayagii aanu dhalnay, waxa kaloo aanu ku safraynay waxa uu ahaa Bad ,taasi oo xataa hadii dhibato idinku dhacdo aydaan helayn cid idiin gurmata Ilahay mooyaane.

Isaga oo sheekada halkii inoga sii wadana waa kan:-

Saxibayaal waxa aanu Libiya ka baxnay wakhti Habeenimo ah waxa aanu afka saaray Badwaynta ,waxaanu dhex mushaaxnay Biyo iyo Mawjado aan kala go'lahayn,waxaaanu galnay jawi aad u cabsi badan,waxaa isula kaaya eekaaday oo aanu kala garan waynay Baddii iyo Cirkii.

Donida aanu saranahay sida aanu mardanbe ku war helay waa Dooni muddo aad u badan cidla iskaataalay ,waa Dooni aanu soced keedu aad u fiic nayn ,waa Dooni yar oo aan loogu tala galin marka horaba in ay dad qaado,iyada oo aanu ku saaranahay dad gaadhaya inta u dhaxeeya 100 ilaa 80.

Dhamaantayo waxa aanu fadhinaa sidaan horeba idinku soo sheegay Khanka hoose oo Doonta ,marba marka ka danbaysa waxa nagu sii siyadaaysa cabsida naga haysa socodka Doonta oo aad u liita, waxaa lasoo gaadhay Shantii aroornimo waxa aanu aniga iyo Xaaskaygu u kacnay in aanu Tukano Salaadi subax .

Markii Waagii si fiican u baryay ayaan anigu waxa aan usoo baxay dusha sare ee Doonta ,si aan u indha-indheeyo meesha aanu marayno iyo sida uu xaalku yahay,cabaar markii aan korka iska joogay, ayaa Xaaskaygii waxa ay korka iigu keentay inankii yara ee aanu dhalnay ,waxanay igu tidhi walaal macaane waan yar seexanayaaye Ilmaha yar halkan korka ku yar hay,markaan soo tooso ayaan kaa qaadi doonaaye.

Aniga iyo inankaygii yaraa ayaa korka ku sugan wax dhibata ah oo na haystana ma jirto aan ahayn in aanu cabsi wayn ka qabno socodka Doonta oo ah mid aad u gaabis ah, mararka qaarna ciladoobaya .

Aniga oo korkii Doonta saaran ayaa Halmar waxa aan dareemay in Doontu ay Dhinac u ciirtay ,kadibna waxaa si lama filaana qaylo uga yeedhay dadkii ku jiray khankii hoose ee Doonta ee ay Xaskaygu ka mid ahayd .

Waxaa aan si dhakhsa ah Inankaygii yaraa dhabta ugu saaray Nin i agfadhiyay waxaan ku cararay bal in aan ka wardoono Khankii hoose ee ay Xaaskaygu ku jirtay,waxaa sida mawjada iga horyimi Dadkii khanka hoose ku jiray oo qaylo iyo isriix riix ku jira, waxa aan damcay in aan waydaarto oo Khanka hoose u dhaadhaco,waxaa iga horyimi markiiba Mawjado Biya ah oo Khankii hoosaba buux dhaafiyay.

Waa ay igu adkaatay in aan halkasi dhaafo,madamaa ay Doontiba halis u tahay in ay Dhinaca dhigto, hadana waxa aan usoo orday dhinacii Inankaygii yaraa,waxa aan arkay Inankaygii yaraa oo Ninkii aan u dhiibay uu cidla ku tuuray,kadibna waan soo qaaday isaga oo ooyaya,waxa ay Doontii Bilawday in ay dhinaca u ciirto.

Waxaa i qabsaday xaalad aad u xun,markan waan ka quustay raadinta xaaskaygii,waxa ay xaladu maraysaa sidii aanu u badbaadi lahayn aniga iyo Inanka yar ee aan dhalay,waxa aan Doonta dhinaceeda kasoo furfurtay Taayir Gaadhi oo ku xidhnaa,markii aan arkay in Doontii ay u dhamatay dadkiina intii Dabasha taqanay markiiba ay Badda isku tuureen ayaan inankaygii yaraa inta aan Xagasha gashaday waxa aan la dabashay Badwaynta aniga ooTaayirkii dacalka haysta .

Waxa aanu dul sabaynaynaa aniga iyo Inankii yara Badda dusheeda waxa dhamaan hareeraha iiga muuqda Dad badan oo baaxa dagaya,qaar ka mida waxa ay ku qaylinayaan oo ay leeyihiin,I BADBAADIYA,qofkasta oo i yidhaa i badnbaadi waxa aan ka fogadaa Labatan talaabo waayo ,ma badbaadin karo oo xaladaydii iyo tii Ilmahayga yar ayaa halis ku jirtay.

Sidaan u arkaayay ayay Doontii ay Badda quustay,dad aan ka badnayn Toban qof ayaa iiga muuqda Badda dusheeda oo dabalanaya,balse dhamaan dadkii kale oo dhami waa ay wada Geeriyoodeen,shaki igagama jiro in Xaaskaygii ay ka mid tahay dadka dhintay,ee waliba ku qaraqmay Doonta Gudaheeda.

Anigu waxa aan dacalka haystaa Taayirkii aan Doonta kasoo furtay waxa aan dusha ka saaray oo ku fadhiisiyay inankaygii yaraa,waa uu ooyaya waxanu ku sugan yahay xaalad aad u daran,waxa aan samayn karaa ma jirto aan ahayn in aan ka ilaaliyo in uu Biyaha Badda ku dhaco.

Goobtan ay Doontu nagula Gadoontay ma garan karno meel ay tahay,dhankasta oo aad eegto waxaa kaga muuqanaysa Baddi ,waxa aanu ku jiraa xaalad aad u xun,waxa aanu Badda gudaheeda dul heehaabaynaa sacado aad u badan ,waxa ay Doontu nala Gadoontay Wabarigii hadana Saacadu waxa ay maraysaa Casar gaaban.

Waxa aan cabsi wayn ka qabaa in hadii saacado kale aanu sidan Badda kusii ahaano anay dhici karayn in aniga iyo Inankayga yariba in aanu sii noolaano

Saxiibayaal annaga oo sidii Badda u dul heehaabayna ayaa waxa meel iga durugsan iiga muuqday, Qof ila eekaaday Xaaskaygii ,balse Madaxa Biyaha kula jira,waxa aan u fiirsaday dharkii ay xidhnayd,kadibna Tayirkii ayaan kusoo dabaashay aniga oo Inankaygii yarana Gacan ku haya.

Waxa aan kor imi qofkii, intii anan anigu garan ayaa waxa markiiba qayliyay Inankaygii yaraa oo gartay in ay hoyadii tahay,waxa uu damcay in uu iska kay tuuro una tago hoyadii,waxa aan soo qabtay qofkii Badda dul sabaynayay garabka aniga oo doonaya in aan ogaado qofka uu yahay.

Markii aan dhinaca u rogay waxa aan arkay in ay tahay Xaaskaygii aan jeclaa,Ilkmahaygan aan sidana Hoyadii ahayd,balse Mayd ah oo Dhimatay.

Aniga oo ah Qoraaga sheekadan waxa aan idiin sheegayaa Saxiibkeen markii uu sheekada halkaa marinayay ayaa waxa ay noqotay in aanu sii wadi karin waxa uu galay xalad aad u adag oo aniga laftayda igu noqotay argagax.

Wakhti yar ka bacdi waxa aan waydiiyay ma iiga sheekayn kartaa dareen kaga ,markii aad aragtay Xaaskagii oo Mayd ah isla markana Badda dul sabaynaysa, adiga iyo Ilmahagii yarana aad Badwayn ku dhex jirtaan idinka oo dacalka haysta Tayir yar, oo ay dhiciba karto mararka qaar in uu idinka fakado,bal ii sheeg xalada aad marka dareentay.

Waxa uu iiga bilabay sheekada:-

Waxaa wax lala yaabo ah in Xaaskayga markii aan dul tagay Maydkeeda intii anan garan waxaa iga hor gartay Inankayga yar ee aan dhalay,waxa aan ogaday Caruurto in ay ka garasho badan tahay Dadka waawayn xaaladaha qaar khaasatan Hooyada iyo sida ay u gartaan.taas waxaba kasii daran markii Inankii yaraa ka jeedsan wayay Maydka hoyadii,isaga oo Ilmo iyo oohinba dhamaystay ayaa waxa uu ku eegayaa Daymo naxarisle.

Bal qofkastaw waxa aad sawirataa adiga oo Badwayn ay Dooniyo kugula dagtay ,dhamaan dadkii wada dhinteen, Maydkii Xaaskaagu uu agtada yaalo oo Biyaha Baddu ay marba kugusoo dhirbaxayaan,adiga iyo Inanyar oo aad dhashayna aad dacalka ka laaladaan Tayir yar oo ay dhici karto in uu idinka fakado.

Iyada oo arimuhu ay hallkasi marayaan ayaan waxa aan afka ka dhigi waayay baryada Ilahay ,waxa aan ku celcelinayay anigoo waliba Ilmaynaya oo qaylinaya ILAHAW NA BADBNAADI ILAHAW NA BADBAADI.

Daqiiqado yar ka bacdi ayaa waxa si lama filaana noo kor timi Diyarad Helikobtara kadibna inta ay Sawiro naga qaatatay ayay naga tagtay,isla wakhtigii waxa meel aan nagaba dheerayn nooga soo muuqday Markab wayb oo Talyaniga laga leeyahay ,kaasi oo na badbaadiyay.

Waxa aanu nolol ku fuulay Markabkii aniga iyo Wiilkaygii yaraa oo xalad khatara ku jira,waxa kaloo na weheliyay oo dadkii doontana ka mid ahaa Afar nin oo kale,markii ay na daad gureeyeen ayaa waxa ay markiiba iga qadeen Ilmihii yaraa iyaga oo baadhis Cafimaad ula dhaqaaqay.

Akhristaw markii markabkii nala dhaqaaqay ayaa waxa aan soo milic saday Indhahayguna ay marqudha ka jeedsan wayeen Maydkii Xaaskayga oo mawjadaha baddu ay hadba dhinac u tuurayaan .ilmadu waxa ay qooysay dhabanadayda,murugadu way igu laban laaban-tay.waxa marba ii muuqanaya Maryaheedii ay sidatay ee aan ku aqaanay oo Biyaha Badda iiga dhex muuqda .

Waxa aniga oo arkayga aan Badwayn kaga dhaqaaqay qofkaan aduunka u jeclaa,Habarwadaagtay,Walashaydii Nolosha aan lasoo qaybsaday,wehelkaygii qaaliga ahaa ,gabadhii i bartay milgaha iyo sharafta Jacaylka, sidaan u eegaayay ee aanay markaliya iga libdhin ayaa mawjadaha Baddo iga qariyeen Maydkeedii ,kadibna aniga oo aan is ogayn ayaan Markabka Gudahiisa ku dhacay kuna miyir doorsoomay .

Dadka badan koodu waxa ay u haystaan hadiiba Badda adigoo ku jira uu idin badbaadiyo Markab laga leeyahay Dawladaha Yurub in diifta iyo darxumadu ay halkaasi kaga hadhayso,balse akhriste layaab wuu danbeeyaa,

la soco qaybta 10 aad.

khadar-aar.blogspot.com


facbook.khadaraar@hotmail.com


khadaraar7@gmail.com


W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment