SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Dood ka dhex dhacday labada gacmood Midig iyo Bidix iyo garnaqsigii Aakhiro.

Sheeko Tusaalayn ah : Somalidu waxa ay ku maahmaahda gari laba nin kama wada qosliso,hadaba hore miyaad u maqashay gari laba gacmood kama wada qosliso, kadib markii ay dood aadi ka dhex dhacday laba gacmood oo hal qof ku wada yaala.

Waxaa dood iyo dood celin yeeshay labada Gacmood ee inagu yaala waa Bidix iyo Midig,midkastaaba waxa ay ku dooday in ay iyadu tahay tan kaliya ee wax qabata ama waxkasta oo loo baahdo iyada ku shaqada leh.

Gacantii midigta ayaa doodii ku horaysay waxa ay tidhi,anigu waxa aan ahay Midig waxkasta oo loo baahdo in la qaado la qoro,la jabiyo la riixo iwm aniga ayaa la ii adeegsadaa,kadibna Bidixdii ayaa tidhi been ayaad sheegaysaa, aniga ayaa waxkasta qabta,hadii aad midig tahayna wax aanan kaa caawin ma qaban kartid mana awoodid.

Halkaa markii ay doodii maraysay lana kala bixi waayay, ayaa waxa la go'aan saday in gartan adkaatay loola tago cid ka garqaada, kadibna waxaa gartii loo dhiibtay,Af(afka wax lagu cuno) kaasi oo markii uu gartii qaaday labadii dhinacba Midig iyo Midix u sheegay in waxkasta oo ay soo kala gooyaan isaga ay Afka usoo galiyaan, kadibna uu ridqo isaguna uu iska cuno ama iska calfado.

Waxaanu gartii kusoo gaba-gabeeyay labadiinuba aniga ayuunbaad ii shaqaysaan,waxkale oo aad qabataan ma jirto,hadana waxa aan idin kula talin lahaa ,kala tago oo midkastawba shaqadaada qabso.

Waxa aad moodaa in gartii iyo is-haysadkii waxaaba kusoo biiray Afkii, kaasi oo ku andacoonaaya in uu isagu waxkastaba calaaliyo oo uu ridqo la'aantiina aanay jirin waxkala soconaaya ,hawshuna ay isaga ku xidhan tahay.

Arintuu markii ay halkasi gaadhay,ayaa waxa sadaxdii dhinac oo is-haysta midkastabana oo goonidiisa ugu doodaayo in uu yahay kan kaliya ee shaqada haya ,ayaa waxa ay go'aan sadeen in ay garta u dhiibtaan Lugo si ay iyagu u kala saraan.

Lugahii markii ay garti dhinac kasta ka eegeen,waxa ay la noqotay in dhinacyadan is-hayaaba ay isku hayan shaqo aanay iyagu qaban,kadibna waxa ay lugahii go'aankii ka dhigeen in shaqada la isku hayaba ay iyagu qabtaan,waxna aanay kala socdoon hadii aany luguhu ahayn kuwa lagu socoonaayo;hadana waxa gartii loola tagay iyada oo la isku dhan yahay Calool.

Calooshii markii gartii iyo waxa la isku hayo loo sheegay,waxa ay dhinacyadii is-hayay oo markan ka kooban laba luguud,Af iyo laba gacmood ,usoo jeedisay in aanay jiran cid iyada ka awood badani,waxanay ku boorisay dhinacyadii is haystay ,in waxkasta oo ay soo shaqeeyaan ay iyada kusoo dhacaan kuna gabagaboobaan.

Is-haysadkii waxa uu sababay in gartii loola tago markale Indho si ay uga garnaqaan,dhagayso ka bacdi waxa ay go'aamiyeen Indhahii, in hawlkasta oo la qabto ay iyagu yihiin kuwa lagu arko laguna bindhaansado la'aantoodna ay adag tahay in shaqo fiican la qabto;taas awadeedna waxa ay gartii kusoo gaba-gabeeyeen Indhahii in iyagu ay yihiin kuwa hawsha ugu muhiimsan jidhka u haya.

Gartii xumaatay,waxaa markan loo guntaday in gartii loola tago Dhago,lana yidhaa dhagaw waanu is-haysanaa noo garqaad,balse dhagahii markii ay doodii iyo dood cilintii dhagaysteen waxaaba u muuqday in waxa la isku hayaaba uu yahay shaqada ay iyagu qabtaan,waxaanay go'aan kusoo sareen in hawliba aanay kala socoteen hadii aan dhagaha lagu maqlayn ama aan lagu dhagaysanayn.

Waxa aad mooda in gartaasi iyada ah aanu Sanku ku jirin,ma aqaano sababta Sanka garta loogu dhiiban waayay ,ma waxa loo arkay in uu yahay xubin aan muhiim ahayn,miyaa laga maarmay urtii iyo hawadii fiicnayd ee laga qaadan jiray,waxa aynu waydiindoonaa cida is-haysata iyo sababta ay garta ugu dhiiban wayeen San.

Halkaa marka uu xaalmaraayo is-haysadkiina uu noqday mid markastaba ay cid gaari kusoo biirayso,laysuna garaabi la'yahay , midkastabana uu sheeganaayo in uu yahay xubinta muhiimka u ah jidhka,ayaa waxa la go'aan saday in sideedaba aan mardanbe gar loola tagin xubin jidhka ka mida.

Waxa la gudoon saday in garta loola tago markan Dhul (Ciid),si uu isagu garta ugu qaado kaasi oo loo arkay in uu dhamaan ka madaxbanaan yahay xubnahan jidhka ee midkastaaba sheeganaayo in uu isagu yahay halbawlaha kaliya ee jidhka bini-aadmigu ku shaqeeyo.

Dhamaan tooda yaalkii waxa ay u tageen Dhul ,midkasta oo ka midiina waxa uu sheegtay isla markana uu sharaxaad dheeraada ka bixiyay sida uu shaqada u qabto iyo in uu yahay lagama maarmanka kowaad ee la'aantii aan la noolaan karayn.

Dhulkii markii uu dhamaantood dhagaystay hadaladoodii iyo doodii ka dhexaysay halbawlayaashii waawaynaa ee nafta Bini'aadmiga ,waxa uu dhamaantood u sheegay in uu isagu yahay kan kaliya ee marka ay soo dhintaan lagu aaso,waxaanu gartii kusoo gunaanaday in waxkasta oo ay soo qabtaan dhamaantood uu yahay isagu kan munaa-facaadsada aakhirkana godkiisa(Xabaashiisa) ay kusoo dhacaan.

Yaab iyo amakaag,dhul baaba ugu daran kulahaa aniga ayaaba idin Xabaala idinka oo Mayda oo aan lahayn laf dhaq-dhaqaqda ; sheekadii iyo is-haysadkii,meel xun ayuu marayaa ,waxaa doodii iyo gartii isaguna kusoo biiray Dhul (ciid) kasi oo sheeganaya in uu isagu yahay Qabriga iyo Xabalaha dhamaan Aadanaha lagu aaso.

Hadaba dhinacyadii is-haystay oo uu markan dhul ka mid yahay,ayaa waxa ay noqdeen kuwo aan garaw-shiiyo isu ogolaan,doodii oo markan uu Dhulna ku jiro,ayaa waxa la go'aansaday in loo garnaqsi tago Qiyaame(maalinta Qiyaame)madamaa meesha la joogaaba ay tahay Aakhiro ; maalintaasi oo ah mid Ilahay Quraanka sharafta leh inoogu sheegay.

Markii Qiyaame loo tagay ,loona sheegay doodihii iyo waxa la isku haysto ,ayaa waxa uu dhinackastaba uu sheegtay in uu yahay kan kaliya ee maalinta Qiyamaha loo imanaayo isla markana aanay jirin cid markaasi meelkale ku noolanaysaa,taas awadeedna waxan aad isku haysaanba aniga ayay igu soo gaba-gaboobayaan.

Cajiib xajadii waa ay cuslaatay markan sheekadii Qiyaame iyo Aakhiro ayay gaadhay,lakala bixi waa,waxaa la go'aansay hadana in aan laga daalin inta la helaayo garnaqsi cadaalad ku dhisan,waayo nafahani Ifkii ayay iskala soo tageen Aaakhirana gartii waa ay joogtaa ; ku darsoo waxa kaliya ee is-haysataa waa hal naf oo hal qof oo Bini-aadmi ah ku jirta,balse is-diido dhexdeeda taalo.

Markan way adkaatay cidloo tagaa,waa la wada hadlay,waxbaa la iswaydiiyay,waxa la go'aan saday in gartan in iyo murankan hadhi waayay cida kaliya ee loola tagi karaa ay tahay madaamaa Aakhirana la joogo Janada iyo Cadaabta.

Markii Janadii iyo Cadaabtii loo bandhigay dacwadii xubnaha jidka ka dhaxaysay ee ay ilaa intay noolayeen ay isasoo haysteen aakhirana ay la yimadeen,ayaa Janadii iyo Cadabtii waxa ay ku dhawaqeen :-

in go'aanka kama danbaysta ah laga sugaayo Ilahay SW naftaasi is-haysatana hadii ay wanaag samaysayna waxa ay gali doontaa Janada hadii ay Xumaan samaysayna waxa ay gali doontaa Cadaabka Ilahay ha inaga nabad galiyee.

Hadaba naftastaaba hada waxa ay sugaysaa ama u yaalaa waxa uu yahay,waxa uu camal sameeyo,shar iyo khayr waxa aad samaysana ilahay agtiisa ayay kuu talaa,hadaad hal khayr samayso toban khayr ayaad leedahay hadii aad hal danbi samaysana hal danbi ayuunbaad leedahay.

Ilahay waxa aynu ka baryaynaa in naftaa aynu maanta Dunida la joogno ay ku gaba-gabawdo Janada Fardawsa Ilahayna inaga dhigo dadka Nabi Muxamad CSW la jaarka noqda Qiyaamahana uu u shafiica qado.

Qisadan mala'awaalka ah waxa aan uga jeedaa,in Dunida waxkasta oo aynu ku dadaalno iyo waxkasta oo macaan ama qurux badani waxa ay ku danbeeyaan qashin iyo kudaafad,taasna waxaa u daliil ah,murankii ka bilaabmay Labada gacmood waxa uu kusoo gabagaboobay Camal Janno lagu galo ama Cadaab lagu mutaysto.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment