SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Lix bilood Jidh-kayga biyo maan marin!!

MASCUUD, waa mid kamid ah Magafayaasha kuwooda ugu naxariista darran wuxuu darxumo iyo jirdil nafta uga siibay boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah. Mascuud waa Liibiyaan Madow wuxuu dadka ula dhaqmaa si Ibnu Aadan tinimada ka baxsan.

Waxaan la kulmay oo aan wareysi la yeeshay dhalinyaro xeradiisa kasoo baxday waxay iiga sheekeeyeen qaabka uu ula dhaqmi jiray iyo ciqaabta uu marsiin jiray kahor inta aysan lacagta bixinin.

Axmed Cali,, waa wiil kamid ah dhalinyarada Magafe Mascuud xeradiisa kasoo baxday oo aan kula kulmay xerada doonta lagu sugo. Axmed muuqaalkiisa waad ka naxaysaa wuxuu noqday laf iyo maqaar jirkiisana.

Waxaa meel walba kasoo baxay nabro waawayn, gacmaha wax kuma cuni karo, salka dhulka ma dhigi karo, kaadida iyo saxarada ma ceshan karo Axmed waxaan waydiiyay bal innuu wax iiga sheego mudada uu ku jiray Magafe Mascuul meeshiisa.

Wuxuuna igu yiri sidda tan, waxaan ku jiray 6 bilood, lixdaa bilood ee aan ku xirnaa ama ku xayirnaa xerada Mascuul hal maalin ma aanan qobeysan waxaan Ku joogay siddii aan saxaraha kaga soo galay xitaa ma aanan helin biyo aan wajiga isaga dhaqo.

24 saacadood waxaan ku noollaa oo raashin ah hal sacab waxka yar oo makaroone ah iyo galaas biyo ah waxaa noo dheereyd dil joogto ah meesha oo wasakh ah iyo injir malyan ah guriga aan ku jirnay wuxuu ahaa mid ka samaysan shub kor iyo hoosba.


Ma lahayn daaqad iyo meel daloosha toona, lixdaa bilood ee aan meesha ku jirnay hal ilbiriqsi cad-ceeda ma aanan arkin.

Labo xaaladood kaliya ayaad banaanka ugu bixi kartaa innay naftu ku dayso,, dhimato,, ama lacagta lagaa rabo bixiso, mudadii aan ku jirnay xerada mascuud waxay dhinaceyga midig bidix iyo horteyda ba naftu silic jirdil jaago iyo darxumo uga baxday inka badan 20 qof oo ay qaarkood ahaayeen kuwo aanu inbadan rafiiq iyo saaxiibo-dhow ahayn waxaanu ahayn kuwo aduunka ka samray aakhirana aan weli gaarin. Axmed wuxuu hadalkiisa Ku soo gaba-gabeeyay.

Runtii kama sheekayn karo dhibaatada iyo halĂ aga aanu nafteena lasoo doonanay. Axmed intuu sheekada ii waday indhaheygu waxay ceshan kari wayeen illinta waxaan gabi-ahaanba hilmaamay dhibtii aan soo maray welina aan ku jiro qaybna ii harsan tahay .

Waxaan xasuustay dhalinyarada weli Mascuud Godka ugu jira iyo xaalada ay ku suganyihiin waqti xaadirkan, dadkii ayaan isaga dhexbaxay waxaanan fariistay meel cidlo ah si aan oohintayda u dhamaysto. Waa qiso dhab ah Inshaa Allah iyadoo goos-goosana waan idinla wadaagi donaa


Xigasho.Tukesomali.com

No comments:

Post a Comment