SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Haweenku waxa ay neceb yihiin ninka go’aankiisu adag yahay,waxanay jecel yihin...

Aabe wiilkisii la dardarmaaya xiliga guurka, ayaa hadalkiisa ku bilaabay.Wiilkeygiiyow hodanimo iyo farxad heli meysid gurigaaga ilaa iyo inaad iga aqbasho todoba arimood mooyaane kuwaasi oo ad ku gaadhayso farxada qoyskaaga.


Midda koowaad iyo midda labaad: haweenka waxay jecel yihiin in la isku muujiyo , loona cadeeyo jaceylka, ee wiilkeygiyow xaaskaaga haka baqiilin inaad u bandhigtid jaceylka , hadii aad bakhiil dhankaas ka noqotid , adiga iyo iyada waxaa idin soo dhexgalaya mugdi iyo is afgaranwaa , waxaana hoos u dhacaya kalgaceylkii aad isku qabteen.

Midda sadaxaad: wiilkeygiyow haweenku waxa ay neceb yihiin ninka go’aankiisa uu adag yahay , waxayna adeegsadaan ninka laciifka ah ee jilicsan, ee tilmaan kasta waqtigeeda la imoow , waxaad –na xaaskaaga ugu baaqdaa jaceyl iyo xasilooni oo ay ku jirto deganaansho.

Midda afaraad : wiilkeygiyow dumarku waxay jecel yihiin in nimankooda ay ka helaan hadal macaan , muuqaal qurxoon,labis qurux badan iyo udgoonka carafka badan ee jirkiisa iyo dharkiisa ee sidaa ku dadaal , waxaana kaaga digayaa inaad xaaskaaga hoosta ka gashid adigoo dhidid badan uu qoyay jirkaaga iyo dharkaaga , waxaad-na xoojisaa nadaafadda iyo bilicda .

Midda shanaad: guriga waa boqortooyada dumarka , waxaana ay ku dhex dareentaa xaaskaaga in afartiisa gees ay iyada xukunto oo marwo ay ka tahay , wiilkeygiyow waxaan kaaga digayaa inaad burburisid boqortooyadaasi oo ay xaaskaaga ku nooshahay , ayna maamusho, waxaan kaloo kaaga digayaa inaad ka ceyridid boqortooyadaasi oo ay ku nasato , waxaan markale kaaga digayaa inaad awoodda guriga ka qaadid oo aad furtid , waayo taasi waxay abuuri kartaa cadaawad .

Midda lixaad: wiilkeygiyow , haweeneydu waxay jeceshahay inay ninkeeda kasbato oo ay soo jiidato ,qoyskeedana ay xiriiriso, waxaan kaaga digayaa in nafsadeeda iyo ehelkeeda aad isku mid ka wada dhigtid oo hal miizaan aad wada saartid , waa inaad xaaskaaga ku tiraahdaa inay kala doorato ehelkeeda iyo adiga , waxaad ogaataa hadii ay ehelkeeda ay doorato in had iyo jeer cadaawad joogto ay jiri doonto oo gurigaaga aanu deganaansha ka dhex jiri doonin marnaba oo faragelin hoose iyo mid muuqata laguugu sameyn doono hab maamulka qoyska.

Midda todobaad: dumarka waxaa laga abuuray feer qaloocan, taasina waxaa ku jiray sirta quruxda iyo soojiidashada , waxaadna ogaataa in abuurka allah aanu ceeb aheyn..hadaba hadii ay qalad xun oo aan naxariis laheyn ay sameyso xaaskaaga ,fadlan iskuday inaad toosidid qalooca jira adigoo ka taxadaraya inaad jabto , waayo jabkeeda waa furiin, hadii ay qaldanto haku siideynin inay qalooca sii wadato oo uu dhibka sii kordho, ha noqonin qof dabacsanaan badan , ha noqonin qof ad adeeg badan , waxaad noqotaa nin heer dhexe ka ah labadaasi arrimood.

Midda sideedaad: dumarka waxaa loo abuuray inay fogeeyaan ehelka , ayna diidaan wanaaga , hadii hal waqti aad wax wanaagsan u qabatid , waqtiga xigana aad xumeysid, waxay kuugu jawaabtaa oo ay ku oraneysaa " weligaa wax kheyr ah kaama arag, iimana aadan sameyn" , hadaba waa inaad ugu dulqaadataa arrinkaasi oo aanad u moodin naceyb ay kuu qabto , kadibna aad ka carartid , hadaba wiilkeygiyow waxaan kaaga digayaa inaad degdeg ku furtid xaaskaaga oo nin kale oo arrintan raali uga noqonaya uu guursado.

Midda sagaalaad: haweeneydu waxay la soo gudboonaada xaalado tabar darro jismiyadeed iyo mid nafsaani , xitaa allah wuxuu ka cafiyaa waxyaabo badan oo waajib ku ahaa gudashadeeda , waxaana loo cudur daaray dukashada salaada xilliyada ay qabto dhiigga caadada iyo dhiigga dhalmada , waxaa sidoo kale loo cudur daaray soon-ka inta ay qabto labadaasi dhiig ilaa iyo inta caafimaadkeeda uu ka soo laabanayo, waxaad xilligaasi u noqotaa kaaliye gacan siiya oo u fududeeya waxyaabaha ay u baahan tahay , waa inaad xilligaasi aad yareysaa amarada aad siineysid , waayo ma ahan qof ka bixi karta oo gudan karta howlo badan oo aad u dirtid waqtigaasi.

Midda Tobanaad: wiilkeygiyow waxaad ogaataa in gabadha xaaska kuu ah ay tahay mid kuu qafaalan oo maxbuus kuu ah ee fadlan u dhimri una naxariiso , hana ku xadgudbin , waayo waa qof tabar daran oo laciif ah , hadii aad wanaajisid waxay kuu noqon doontaa raaxadii aad filaneysay iyo kheyrkii aad sugeysay, hadii aad xumaan ku qaabishidna waxay kuu noqon murug iyo mugdi mustaqbalkaaga galay ee sidaa ku dadaal.

Aabe waan kuu duceeyay, cadowgaaga ha jabo, weligaa guul ku waar

somsal.blogspot. se

No comments:

Post a Comment