SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Maxaad ka Taqaan Taariikhda Sheekh C/raxmaan Al-Sudeysi.? Xafidahu Allah .

Assalaamu Caleykum Waraxmatullahi Wabarakaatuhu, walaalayaal maanta waxaan idiin soo gudbineynaa Taariikh nololeedka "Qaari’a" ugu caansan dunida Muslimka iyo casriga maanta "Ilaahay ha Xifdiyee" Sheekh C/raxmaan Al-Sudeysi.

"Waa Imaam, waana Khadiibbka Masjidullahil Xaraam ee Makkah Al-Mukarram, Codkiisu wuu ku dhiirrinayaa, carrabkiisuna waa fasiix, Aqrintiisuna waa ku saameyneysaa, Wuxuu si’ dhab ah ugu dadaalay barashada cilmiga Sharciga ah ilaa uu gaaray heerka Digtoorada isagoo ku taqasusay kulliyadda shareecada Islaamka" qofkaasi qof kale maahan waa Imaamka beytka Allah Sheekh C/raxmaan Al-Sudeysi.

Sheekh C/raxmaan, wuxuu ku dhashay wadanka Sacuudiga sanadkii 1382 ee Hijriyah, wuxuu ka soo jeedaa qabiilka Cinzah oo dega magaalada Riyaadh, wuxuu Quraanka

Kariimka xifdiyey isagoo aan gaarin 12-sano, waxaana taas mahadeeda leh waalidkiis, oo ku dadaalay, waxaana kalaamka Allah uu ka bartay Sheekh C/raxmaan Ibnu C/llahi Aala Faryaan, Sheekh Maxamed C/maajid Daakir, iyo Sheekh Maxamed Cali Xasaan.

Sanadkii 1979-kii ayuu Sheekh Sudeysi, shahaadada xifdiga Quraanka ka qaatay machadka cilmiga Riyaadh darajada "Mumtaaz", Sheekhu wuxuu waxbarashadiisa sare ee Jaamacadda sanadkii 1983-kii ka qaatay shahaadada sharciga, isagoo 1987 Jaa’isad ka qaatay Jaamacadda Islaamiga ah ee "Mohamed Ibnu Sucuud".

Sanadkii 1995-kii ayuu Sheekh Sudeysi, shahaada Diktoorada ee Sharciga Islaamka uu ka qaatay Jaamacadda "Umul Quraa" ee ka mid ah jaamacaadka ugu tayeysan wadanka Sacuudiga.

Sheekh C/raxmaan Al-Sudeysi waxaa loo aqoonsaday qofka ugu saameynata badan quluubta ee Quraanka markuu aqriyo loo khushuuca, wuxuuna noqday qofka cajalaadkiisa loogu dhageysi iyo doonis badan yahay caalamka Islaamka iyo Internet-ka.

Kadib waxbarashadiisa Sheekh C/raxmaan Al-Sudeysi, wuxuu billaabay inuu faafiyo diinta Islaamka, isagoo dhowr munaasabad iyo maraakiz ku dhiirraday ilaa loo doorto muciinka kulliyadda sharciga ee Makkah.

Wuxuu Imaam iyo Khadiib ka noqday dhowr masaajid oo ku yaal wadanka Sacuudiga, wuxuuna macallin ka noqday machadka "Imaam Dacwah Cilmiyah".

Sanadkii 1404 ee Hijriyah, ayaa Sheekh Sudeysi loo dooray si’ buuxda inuu imam iyo

Khadiib ka noqdo masjidul Xaraam, markaas kadib wuxuu ka mid noqday Jaamacadda Umul Quraa qeybteeda sharciga Islaamka.

1995-kii ayuu Sheekh Sudeysi noqday qofka ugu Quraan Aqriska wanaagsan caalamka

Islaamka kadib tartankii sagaalaad ee "Dubai" waxaana uu helay Jaa’isadda ugu qaalisan Caalamul Islaam.

Wuxuu Sheekh Sudeysi xoogga saaray faafinta Diinta Islaamka isagoo carab iyo cajab u maray gudashada dacwadda diiniga ah, wuxuu sidoo kale asaasay Masaajid iyo Maraakiz fara badan, wuxuuna leeyahay baro internet-ka uu ku faafiyo Diinta Islaamka.

Sheekh C/raxmaan Al-Sudeysi waa tusalaaha wanaagsan ee caalamka Islaamka xilligaan la joogo, waxaana aad u yar qof sidiisa oo kale ilaahay siiyey dhowrsanaanta nuucaan ah, wuxuuna aad uga hadlaa qadiyaadka Islaamiga ah isagoo kutub fara badan ka qoray mashaakilaadka Caalamka Muslimka ah ee maanta.

Waxaa Qormadan isku soo duway oo noo tarjumay

Abdishakur Hussein Mohamed
Wariyeshakra@gmail.com
Facebook.com/diintaislaamka

No comments:

Post a Comment