SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Dhakhtar Tumaal ayaan la tashaday ,kadibna i daaweeyay !

Shakiga iyo waswaasku waxa uu ka mid yahay xanuunada adka u daran ee dadka wakhtiyada aadka u badan haya,shakigu waa dareen iyo ismoodsiid ku tusinaya in ay wax kugu dhacayaan amaba ay kugu dhaceenba.

Nin dhalinyaro ah,ayaa waxa uu naftiisa ka dareemay shaki iyo waswaas aan kala go'lahayn ,gaar ahaan xiliga hurdada uu u diyaar garoobo ama uu seexdaba,waxa uu soo toosaa saqda dhexe ama habeenka badhtankiisa kiyoo qaylinaaya.

Inta badan maalintii marka uu meelahiisa iska joogo,waa uu cafimaad qabaa,balse waxa ay dareenka shakigu uu ku badanayaa marka uu damco in uu seexdo,arintasi waxa ay ku keentay warwar iyo walac joogta ah.

Ninkan isaga ah qolka uu seexdo waxa u taala hal sariir,xiliyada shakiga iyo waswaasku u imanaayana sariirtiisan uu ku seexdo hoosteeda,ayaa looga gacan haadinayaa, sida uu u jiifo ayaa jidkiisa kor ilaa hoos taatabasho lagu bilaabayaa,marka uu sariirta hoosteeda uu eegana ma jirto wax uu arkayaa.

Maalin maalmaha ka mida ayaa waxa uu ku tashaday in uu arintan la socodsiiyo nin dhakhtar ah,markii uu dhakhtarkii la kulmay ayaa, waxa uu uga sheekeeyay sida xanuunku habeenkii ugu bilaabmo,kaasi oo hoosta ka xariiqay, in markastaba ay dhibtu kaga imanayso sariirtiisa hoosteeda.

Dhakhtarkii waxa uu ninkii u qoray,daawo ilaw siinaysa ,waswaaskaasi,habeenkiina hurdo u keenaysa,dawaadaasi oo la qadanaayo habeenkii oo kaliya ,balse waxa uu kula taliyay in todobaadkasta uu dhakhtarka u yimaado,loona qori doono daawo cusub,waxaana loo sheegay in todobaadkasta uu soo qaato lacag aan ka yarayn 100 dolar.

Ninkii waxa uu qaatay taladii dhakhtarka,waxa uu sidii lagula taliyay u isticmaalay dawadii,waxa uu kasoo baxay balantii iyo imaatinkii dhakhtarka ee todobaadkasta,balse ninkii waxaa ku adkaatay in todobaadkasta oo boqol doolar soo qaato.

Muddo ka bacdi isaga oo aan wax isbadala aan ka dareemin taladii iyo dawadii dhakhtarka ,ayaa waxa uu la kulmay nin ay saxiib yihiin,waxaanu uga sheekeeyay xaalkiisa iyo xanuunka shakiga ah ee baryahan danbe kusoo biiray.

Waxa uu saxiibkii u sheegay in lacagtii yarayd ee uu haystay ay kaga dhamaatay, daawo iwm,waxa uu saxiibkii ku wargaliyay in xanuunkiisu uu yahay oo kaliya xiliga hurdada kana imanaayo,taataabasho iyo xanshaashaq kasoo baxaaya sariirta uu ku seexdo hoosteeda .

Ninkii dhalinyarta ahaa,markii uu saxiibkii uga waramay xanuunka iyo dhibta kusoo korodhay,aadna uu u fahmay mushklilada haysataa in ay u badan tahay shaki iyo waswaas,waxa uu kula taliyay madamaa uu yahay isagu nin Birtume ah ama uu ka shaqeeyo Geerash in Sariirta dhibatadu ay ka imanayso Lugaha loo gaabiyo oo dhulka la dhigo.

Ninkii bukaan socodka ahaa ee waswaaska iyo shakigu uu hayay waxa uu qaatay taladii saxiibkii,sariirtiina inta geerash al geeyay ayaa cagaha loo gaabiyay,kadibna halkaasi ayaa waxa kaga tagay shakigii iyo waswaskii naftiisa daashaday.

Maalin danbe ayaa ,isaga oo suuqa maraaya,ninkii dhalinyarada ahaa ee waswaaska qabay,ayaa waxa la kulmay dhakhtarkiisii uu la xidhiidhi jiray,xiligii uu bukaanku ku cusbaa,kaasi oo markasta lacag badan ka qaadi jiray.

Dhakhtarkii markii uu arkay ninkii dhalinyarada ahaa,isla markana uu ogyahay in aanu in muddo ah aanu dhakhtarka kusoo noqon,ayaa inta uu u yeedhay waxa uu ku yidhi,maxay ayaa kugu dhacay dhakhtarkii kumaad soo noqone,miyaanad ogayn in xanuunkan oo kale aakhirka lala waasho.

Ninkii dhalinyarada ahaa,halkii dhakhtarku uu ka filaayay warkale,ayaa waxa uu ugu jawaabay,dhakhtar waxa aan la tashaday nin farsamo yaqaan ah,waxaanu igula taliyay sariirta lugaha ka jar, waxaanu iga qaatay lacag aad u yar,kadibna waan ka jaray,laga bilaabo malinkii aan sariirta lugaha u gaabiyay ila hada ma jirto cid danbe oo jidhkayga waswaasgalisaa,dhakhtarkii inta uu qoslay ayuu ka dhaqaaqay.

Shakigu waa wax aad u xun ,waana xanuunada ay adkaato in laga bogsado,balse hadana dawadoodu ka hawlyar xanuunada kale ee jidhka ku dhaca,taasina waxa ay ku xidhan tahay hadba sida aad u aaminto in aad ku dawoobayso.

W/Q.Khadar Aar.

2 comments:

  1. Imisa ayuu ukaal.baxaa qabilka tumaal?
    ma asalbaa mise waa farax yacnii maqabilka wanaa mise waa laf laftaasna yee gashaa jwb

    ReplyDelete