SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Sida loo kala khalad badan yahay, ayaa loo kala khibrad badan yahay.

Khaladku waa wax aad garan wayday ,balse marka danbe u baahan in aad saxdo,khaladku maaha wax adoo garanaaya aad u badheedhay,khaladkasta oo kugu dhacaa waxa uu cashar kaaga noqonayaa in aad marka danbe saxdo.

Malaha kalmada Khalad waxa aan filaya in ay asalkeedii uu yahay Carabi,balse waxa aynu Somali ahan ku adhan karnaa garanwaa ama ismoodsiis.

Hadii aad tahay qof aad u khalad badan,waxaa lagaga baahan yahay in uu saxaaguna bato,sababta oo ah khaladkasta waa garasha la'aan ,khaladkastana waxa uu kuu sheegaa saxaaga danbe.

Hadii aynu tusale soo qaadano:-kaba soo qaad waxa aad ku socotaa magaalo,waxa aad markaasi maraysaa wadadii aad islahayd waxa ay tagaysaa magaladaasi aad ku socoto,balse mardanbe ayaa waxa aad aragtay in wadadani aanay ahayn tii tagaysa magaladii aad ku socotay ,khaladkaasi aad hada ogaatay waxa uu kuu faa'ideeyay in aad saxanto,waanay adag tahay in marlabaad in aad wadadii ka lunto.

Hadii aad maanta baranayso xisaab,waxaa dhici karta in marka hore aad wax badan khalado,balse waxkasta oo aad khaladaa waxa ay aakhirka ku tusinayaan in aad saxanto oo aanad mardanbe aanad khaldamin.

Qofkasta oo inaga mida waxaa hubaala in uu bartay ,wax aanu hore u aqoonin,taas awadeedna waxaa khasab ku ahayd in uu khalad badan soo maray ,aakhirkiina waxaa aynu aragna in badan oo aqoontii ay barteen ku najaxay kadibna shahadooyin ka qaatay.

Qofkasta oo inaga mida waxaa dhici karta in uu xasuusto waxyabahii ugu waawaynaa ee noloshiisa kasoo khaldamay,balse waa ay adag tahay in aynu xasuusano waxyabahii nolosheena aynu kusoo gulaysanay ama aynu soo saxnay.

Nolosha inta uu qofku khaldamo ayaa waxa ay ka badan tahay, inta uu saxmo, qofba qofka uu ka khalad badan yahay waxa ay ka dhigan tahay in uu ka dadaal badan yahay,kana shaqo badan yahay.

Waxa aynu markasta aragnaa caruurteena oo waxyaabo badan oo aanay garanayn ku khaldamaaya,taas awadeedna waxa laynaga rabaa in aynu inagu khaladka u saxno,waayo waxaa dhici karta in aanu ilmaha yari garanayn sida khaladkan looga fa'idaysto.

Khasab maaha khaladkasta in aad adigu awood u hesho in aad saxdo,balse waxaa dhici karta in khaladaad badan oo sixidooda uu wakhti badani kaaga lumi lahaa ,in aad dad waydiiso,waayo waxaa dhici karta in aad ka faa'idaysato khibrada dadkaasi oo iyagu wakhtibadan soo khaldamay.

Khaladkaaga badan ha isku canaanan ,balse waxa aad isku cananataa sida aad uga faa'idaysan wayday,khaladku waa macalin saxuna waa ardayga fiican.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment