SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Dawlad fiican waxaa yeesha , dadka iyagu fiican.

Markasta waxa aynu ka cabanaa dawlada iyo xukuumada,waxa aynu ku sheegnaa tuug iyo waxmatarayaal, iyaguna waxa ay kasoo baxaan lagana soo dhexdoortaa waa dadka ee maaha dad samada ka yimi.

Waynu isku dhibanahay inaga iyo madaxdii dalka u talinaysay,waynu la yaabanahay iyana waa ay yaaban yihiin,waynu jecel nahay oo waynu dooranaa ,hadana waxa ay inagu ridaan qalbi jab iyo horumar la'aan.

Sarac kasta oo aad dhulka ku beerta ,waxa aad ka heeshaa wixii uu ahaa,hadaad beerto ama aad saracdo Tamaadho ,way adag tahay in ay kusoo baxdo Baradho,taas awadeed ayaa qoomkasta waxa madax u noqda cid iyaga ka timi ,dhiig iyo dheecaanna la wadaagta.

Way dhacda mararka qaar in Ilahay umad kasoo saaro dad fiican ama hogamiyayaal wanaagsan,taasina waxa ay u bahan tahay sidii ay dadkaasi ku iman lahayeen masraxa siyaasada.

Dad wanaagsan oo Diin iyo dhaqanba leh waynu leenahay,balse markasta dadkaasi waxa ay dhaafi la yihiin dad waynaha oo Edig iyo Qool ugu jira siyasiyiin fara-kutirisa,taasina waa mida ina dhaxal siisay in aynu dhinacna u irkan wayno.

Way adag tahay in aynu markasta doono dawlad fiican oo dalka dhista dadkana horumar iyo wax qabad gaadhsiisa,iyada oo qaabka aynu wax ku dooranaynaa uu yahay kan qabaliga ah, waxa aynu ka fikirnaa in aynu helno dawlad inoo samaysa dhakhtaro iyo goobo cafimaad oo dadka lagu daaweeyo, iyada oo ay inaga qaldan tahay qaabkii iyo nidaamkii aynu ku keenilahayn dawladaasi.

Waxa aynu markasta ka cabanaa madaxda iyo dawlada,waxa aynu ku sheegnaa in ay yihiin khaayimiin dadka iyo dalkaba dulmiyay,hadii dhan laga eegana waa run,balse innaga ayaa soo doorana oo dawlada kusoo darsana raga caynkaasi ah.

Ninkasta iyo gabadhkasta oo inaga mid ahi,waxa ay dawlada iyo xildhibaanada kusoo darsadaan una soo codeeyaan ninkii ay islahayeen wax ayuu idiin qabanayaa,taasina waxa ay keentaa in uu dabadiisa ka jeesto, raacdana dantiisa iyo tan caruurtiisana.

Wakhtibadan iyo dhaqaale badan ayaynu ku luminaa dhismaha dawlad nimo,balse hadana wakhtiyar ayaynu kaga cabanaa dadkii aynu dooranay,taasna waxaa inoogu wacan qaabka iyo qorshaha aynu madaxda ku dooranayno oo inaga qaldan.

Dawlad fiican ma helayno ,hadii aynaan inagu ahayn dad fiican oo dantooda garanaya, dadka wanaagsan ee daacada ah ayaa dawlad fiican hela,dadka sideena qabiilka iyo qudhunku daashadayna sidaas ayuunbay ilaa Qiyaamaha cabashadoodu u taagan tahay.

Hadii aynu doonayno in aynu dawlad fiican yeelano,waa in aynu inagu isbadan degdeg ah aynu samaynaa ,kana hawlgalnaa sidii aynu isaga baraarujin lahayn nidaam xumadan qayrken inaga reebtay.

Waxyabaha kale ee iyaguna khatarta inagu haya waxaa ka mida,dadka aqoonyahanka lagu sheego oo laftoodu qayb wayn ka qaata nidaamxumada dadka iyo dalkaba haysata,taasina waxa ay inoo keentay dib u dhac wayn.

TV-yadeena hadaad u fiirsato,markaliya arkimaysid iyaga oo laga soo daynaayo wacyigalin iyo baraarujin ku wajahan dadka iyo dalka,TV-gu waxa uu mashquul ku yahay qabilooyin isu jawaabaya iyo Heeso 24 sacadood ka socda .

Waxa kaloo iyana layaab kugu ridaaya guruubo ama kooxo dad ah oo marba calan yar soo qaadanaya,kuwaasi oo ku dhawaqaaya in ay maanta kasoo diga rogteen xisbi hebel unasoo diga rugteen xisbi heben Kut ka kuur oo Qanjo u guur.

Dawlad wanaagsan hadaad doonayso,adigu horta noqo qof wanaagsan.

W/Q.Khadar Aar.

1 comment: