SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Culimooy Masaajidka kasoo baxa, oo dadka dibada wax ugu sheega.

Wadankii waxaa laga cabanayaa dhibaatoyin aad u farabadan,waxa aad arkaysaa in maalinba malinta ka danbaysa aanay kasoo raynayn in ay kasii darto mooyaane,waxaa batay fasahaadkii ,Sinadii,la'luush qadashadii ,Qabiilkii iwm.

Waxa maalinkasta laguu sheegayaa ama aad TV-yada ka maqlaysaa dad ka hadlaya dulmi iyo dhac loo gaystay hanti ay lahayeen,waxaa yaraaday isfahamkii dadka,taasina waxa ay keentay in dadkii ay kala fogadaan.

Waxa aad moodaa culimadii dalka joogtay in ay ku xaraysan yihiin oo kaliya Masaajidka,balse aanay markaliya dibada uga soo baxayn ama aanay dadka kala hadlayn meelaha dadka laga wacyigaliyo sida Idacadaha iyo TV-yada.

Sheekh kastaaba waxa uu isku ooday masaajidka,waxanu markasta wacdinayaa ingaar ah oo iyada aan markan wacdiba u baahnayn,waayo maalinkasta waa ay soo xadiraan masaajidka kamana maqnadaan,mana aha dadka dhibatada wada.

Balse waxaa u baahan wacdiga culimada, dad badan oo aan markaliya aan masaajidka iman,sidee kuwaa loo gaadhsiinayaa wacdiga iyo waanada culimada ,sawmaahan in ay masaajida kasoo baxaan culimadu oo aanay kaligii ku eekaan.

Culimadu waa in ay isku dayaan in ay dalka meelkasta oo ay gaadhi karaan ay gadhaan,waxa aad moodaa in culimadii uu ku dhacay ,wahsi iyo fadhiid nimo,waxaa meesha ka muuqata in ay culimadii u eegyihiin kuwo dadkii iska ururinaaya oo aan dhexgal samaynayn.

Hadaan tusaale usoo qaato,waxaa dhici karta in maanta magalada Hargaysa ay ku nool yihiin dad ku dhaw , Hal Milyan iyo shan boqol oo kun oo qof,waxa aynu fahmi karnaa inta markasta masaajidka tagta ama soo dhagaysata wacdiga culimada in uu yahay wax kooban.

Culimadu waxa ay u taagan yihiin wakiilkii Nabiga csw ee aduunka,maaha markaasi in ay ku eekadaan oo kaliya masaajida iyo guryahooda,maaha in aanay dhinacna u dhaafin goobahooda shaqada iyo xarumahooda.

Dadku ma necba culimada waanay jecel yihiin,balse culimadu qaabkan ay hada u shaqayso wax ha ka badalaan,dadka hasoo dhexgalaan,wadanka tuulo ilaa xeeb ha umaraan,ha u sameeyaan wacyi galin dadka lagaga hadlaayo xumaanta ay leedahay qabyaladu,eexdo,boobku,sinadu,dhaqan xumadu iwm.

Waxa uu muuqada in culimadii ay godoon ku yihiin Masajiida,dadkiina aanay masajiidkii ku wada jirin,Culimooy kasoo baxa Masaajidka oo dadkii dibada iyo suuqyada iyo guryaha ayay u baahan yihiin in wax loogu sheego.

Waxaaan ahay nin culimida jecel ma ahi nin culimada ku xumaynaaya ,balse waxaa ii muuqata in culimadii iyo dadkii ay kala gaar noqdeen,taasina ay keentay in dadkii ay kaxaystaan shayadiin iyo shar wadayaal.

Waxaa ila fiican in ay culimadu baraha ay dadku ku kulmaan sida Facebooka twitter ka iwm in ay ku yeeshaan goobo ay dadka ku wacdi-galiyaan,maalinkastana ay wacdigooda soo galiyaan,waan ogahay in rag badani ay taasi sameyaan hadana,waxaan ogahay in aanay dadka ku filayn .

Waxaa soo baxay in culimadu marka ay rabto in ay dadka ka wacdidi Idacadaha iyo TV-yada,in ay soo galaan oo kaliya hal mar maalintii oo dhan,taasina ay u badan tahay barnaamijka Tafsiirka Quranka, arintaasi oo i xasuusisay, in aan waxba laga badalin hab dhaqankii dawladii Kacaanka iyo qaabkii ay Diinta ula macaamili jirtay,kaasi oo ahaa in wakhtiyar oo kooban la siiyo barnaamijyada ku saabsan Diinta.

Idacadkasta ama TV-kasta waxaa malintii ugu yaraan laga soo dayaa 20 Heesood oo wax ay umada u tarayaan aanay jirin,waxa kaloo soo raaca barnaamijyo aad aragto in ay ku wajahan yihiin,faanka iyo amaanta laga bixinaayo hadba cida markaasi Idacadaasi ama TV gasi iska leh.

Waan ogahay arintu maaha wax sahlan,xaalku waxa uu u eeg yahay mid aan hawlyarayn,dadkii iyoaqoonyahankii waa ay kala qo-qoban yihiin,culimadii iyo dadkii wax loo sheegi lahaa waxaa ku kala dhexjira Buuro aad u qoto dheer, una baahan in si farsamaysan wax looga qabto.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment