SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Alla dadka qaar cadawsanaa ,bal Toorayda ay ku dhufteen eeg waynideeda!

Waxaa dhici karta in aadan waliga danbi galin ama aadan danbi samayn,waxa kaloo laga yabaa in aanad intii aad nolayd noloshaada aanad xabsi ama jeel galin,waana wax Ilahay lagu mahadiyo,balse taasi macnaheedu maahan in aan danbi la galin karayn.

Danbi kasta oo qof loo haystaa ,macnaheedu maaha in uu isagu gacantiisa ku gaystay,ama uu galay,balse waxaa dhici karta in danbigu uu kaaga yimaado meel aadan markasi ka filayn ama aadan ka warhayn.

Somalida inteeda badan waxa ay dhaqan u leedahay in meelkasta oo danbi uu ka dhaco in ay ku cararto, halka dunida kalana meesha danbi ama dhibaato ka dhacdo markaaba laga kala cararo.

Maxay ayay tahay sababta inoogu wacan in aynu kusoo orodno yar iyo wayn meel danbi ama dhibaato ay ka dhacday,maxaa inagu kalifaaya,faa'idada inoogu jirtaa maxay ayay yahay,miyay-naan ka shaki qabin in danbiigaasi mesha ka dhacay, cida joogta markaasi ee lagu qabto in loosoo raaco.

Dhamaan tood, su'aalahaasi waa kuwo u baahan in aynu iswaydiino ,si aynu uga joogsano ku oradka goobaha ay danbiyadu ka dhacaan,nafteenana aynu uga ilaalino in khatar ayanaan inagu gaysani in ay inagu timaado.

Wakhtiyadii hore ayaa waxaa la yidhi, nin oday ah oo ku nool Magalada Berbera ayaa waxa uu arkay nin yaala meel banaan ah,kaasi oo markaasi la filaayo in ay dad dhibaato u gaysteen ama ay dileenba.

Halkii ay ahayd ninkaasi odayga ahi in uu markaaba raadiyo hay'adaha ku shaqada leh arimaha noocan oo kale ah, ama uu dadkii agagaarkiisa marayay uu u sheego waxa meesha ka dhacay,ayaa waxa uu sameeyay in uu dul istaago qofkii meesha lugu dilay,kadibna uu marba dhinac u rogo,si uu u ogaado in uu ninkani nool yahay iyo inkale.

Ninkii odayga ahaa,waxa uu arkay in ninkan uu yahay nin mayd ah isla markana inta Tooray lagu dhuftay in laga cararay,waxa kaloo uu arkay in caloosha badhtankeeda Tooray ay kaga taalo ama ay ka qotonto.

Halkii laga filaayay in uu wax kale sameeyo,kulahaa inta uu Tooraydii kasoo fujiyay iyada oo dhiigu ka da'aayo,Ilahay imaanka idinka qaad, bal Toorayda ay galiyeen inta ay leeg tahay eega.

Hadaba intaasi wiixii ka danbeyay maxaa dhacay,isaga oo Tooraydii kor u haya,dhiiguna uu ka da'aayo ayaa waxaa markiiba dul yimi niman Boolis ah,halmar ayaa sawiro hareeraha lagala maray,kadibna inta Kadiinad cagaha iyo lugahaba lagaga jabiyay ayaa gaadhi lagu qaaday.

Muddo ka bacdi ninkii odayga ahaa , waxaa lakeenay Maxkamada,waxaana la daba wadaa oo cadayn looga dhigay in uu danbiga galay,sawirkii oo la hayo iyo Boliska laftiisa oo caday naaya in ay kor takeen ninkan oo tooray gacanta ku haysta,dulfadhiayana ninkii maydka ahaa.

Ninkii waxkasta oo uu sheego waa laga dhagaysan waayay,aakhirkiina waxaa lagu xukumay in uu yahay ninkii ninka dilay,Ilahay amarkii markii uu xidhnaa sanado aad u farabadan,ayaa waxa lasoo ogaaday in ninkan odayga ahi aanu wax danbiya aanu galin,balse danbiga iyo dilka ay galeen niman kale.

Hadaba maxay ayaa sababay in ninkaa odayga ah xadhig iyo danbi aanu galin in loo xidho ,sawmaahan in uu sameeyay in uu isagu danbi gacantiisa ku raadsaday,taasna ay u keentay aqoondaradii ka haysatay sida danbi aadan galin la isaga ilaaliyo.

W/Q.Khadar Aar

No comments:

Post a Comment