SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Dadkii way wareereen,Tuugu ma hadba ninka xukunka hayaa misse... ???

Qofkastaa ma waxa uu Tuug yahay cayduna qabataa inta uu dawlada ku jiro ama uu xilka-hayo ,balse ma waxa uu daahir noqonayaa marka uu kasoo baxo ee uu xisbiyada mucaaradka ah midka mida uu ku biiro ,armay xisaabtu dadwaynow inaga qaldan tahay.
Waxa aad moodaa in ay inta badan caado iyo dhaqan inoo noqotay in aynu markasta la xisaabtano kuna qaylino hadba madaxda markaasi xilka dawladnimada haysa,kuwaasi oo aynu waxbadan ku sheegno in ay yihiin kuwo xatooyo ba'an ku haya xoolahii umada.

Maxuma in dadka ay ku baraarugsanadaan lana xisaab tamaan dadka xilka u haya,sheegaana kii qaldan iyo kiin hantidooda boobaaya,hadana iyada oo ay sidaasi tahay ayanu hadana kala xigsanaa madaxda qaarna waynu soo dhawaynaa kuwa kalana waynu dayrinaa oo waxa aynu ku sheegnaa Tuug.

Waxyabaha aadka u layaabka ah waxaa ka mida,hadii maanta dawlada jirta aynu u aqoonsano in ay dhamaantood dadka ku jiraa ay yihiin kuwo khaa'inimo kula kacay dadkii iyo dalkii loo doortay, isla markana dhamaanba cunay una aaba-yeelin ,maalkii iyo dhaqalahii uu dalku lahaa,waxa iswaydiinle tuugnimada aynu u aqoonsanahay intee inleeg ayay jiraysaa.

Waxaa iyana maalin kale imanaysa in nimanka laftoodii marka ay xilka ka daadagaan,ay dad waynaha lasoo saftaan kadibna ay farta ku fiiqaan kuwii markaasi dawladnimada kala wareegay, iyaga oo ku sheegaaya tuuk dadka iyo dalkaba dhacday waxna aan u qabanin.

Arintaasi markii aan u dhaba galay waxa ay ila noqotay mid aad u layaab badan,manaa waalan mise cadan ayaa laga heesayaa ayaa nin laga hayaa,dadku miyanay baraarug sanayn,hadiiba ninkii ay shalay tuuga u yaqaneen uu maantana dhinaca kale kasoo wareego,kadibna isaga laftiisu inta uu kusoo garab istaago uu farta kugula fiiqo ninkaad tuuga u haysatay.

Maxay ayay ku kala duwan yihiin labadan nin,hadiiba kani aad ku hubto in uu tuug yahay oo uu maalkii umada dhacay,maxay ayay tahay sababta tuuknimadii ka reebaysaa marka uu xilkii ka dhaadhaco ama laga eryo,taasi saw macnaheedu noqon maayo dadwaynaha ayaaban marka hore tuuga aqoon.

Waxyabaha aadka loola yaabo waxaa ka mida Tusaale ahaan, maanta Somaliland waxa la hadal hayaa in ay dhawaan doorasho ka dhacdo, waxaa ka jira Xisbiyo Ilahay uun ogyahay xaalkooda oo wadankii ku beeray kuna kobciyay qabiilkii iyo qabyaladii,dadkiina ku kala qoqobay.

Hadana iyada oo ay sidaasi tahay,ayaa waxa aad maqlaysaa niman wakhtigan xaadirka ah ka mid ah xukuumada, xisbiyada kasoo horjeedaana ay u yaqaanan ragaasi kuwo tuug ah oo maalkii umada dhamaantii xaday,ayaa hadana marka ay dawlada kasoo baxaan ama laga soo eryo ,waxa ay soo galayaan Mucaaradka kadibna waxa ay isu badalaytaan Ehelu'karam aan waligii maal umadi leedahay aan dhicin,waa maxay sababta shalayna uu tuuga u ahaa hadana uu u noqday ninka waliga ah.

Waxa aan in badan xasuustaa ninka lagu magacaabo Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan,waxa uu Somaliland ahaa ninkii loogu hadal haynta badnaa,Mucaarad iyo muuxaafidba waxa uu ahaa nin aan afka laga dhigin,ilaa heer la gaadhsiin jiray in uu yahay nin ku takrifala hantida umada iyo maamulka dawlada,gaar ahaan awoodo aanu lahayn.

Dadkii Xirsi eedaynta aadka u badan usoo jeedin jiray waxaa ka mid ahaa xisbiyada Mucaaradka ah gaar ahaan Wadani,kuwaasi oo mararka qaar ku sheegi jiray waxaan afka lasoo marin karin lagana xishoodo.

Hadaba maanta Xirsi waxa uu ka mid yahay madaxda Xisbiga Wadani, walibana waxaaba loo dhiibay xil cusub oo aan xisbiga hore looga aqoon,kaasi oo i xasuusiyay xilkii cusbaa ee Xirsi uu Madaxwayne Siilaanyo u magacaabay 2010 markii uu xilka qabsaday ,kaasi oo ahaana Chief Of Cabinet ,balse ay dadku fahmi wayeen xilkan cusub waxa looga jeedo.

Xirsi Cali Xaaji Xasan Xisbiyada Mucaaradka ahi shalay waxa ay u yaqaneen Tuug,maantana waxa ay u dhibeen xil aan horaba xisbiyada wadanka loogu aqoon,iyama ayay run sheegayaan,maxaan ku rumaystaa Xisbiyada Somaliland dhamaantood,haday tahay muxaafid iyo haday tahay mucaarid.

Ma diidani in qofkasta oo xaq u leeyahay in uu xisbiga uu doono uu galikaro,mana lihi yaan lasoo dhawayn cidkasta oo xisbi kale kasoo digarogata ,balse waxaa ii muuqata in aanay jirin ahdaaf iyo wax cad oo lagu kala doorto madaxda Somaliland.

Hadaba sidee ayaynu ula xisaabtanaa madaxdeena aynu kaga cabanayno shaqa xumada iyo hadti boobka,ma waxa aynu la xisaabtanaa oo aynu caynaa kan markasta xilka haya,mise waxa aynu ka daba tagnaa oo aynu qalin iyo buug daba qaadana kan inta uu dawladii kasoo baxay xoolihii umadana soo boobay hadana shaadhkale isoo gashaday.

Qofkastaa ma waxa uu xun yahay inta uu dawlada ku jiro,ma waxa uu daahir noqonayaa marka uu kasoo baxo ee uu aniga isoo raaco,hadiiba markuu xukunka hayay aan ku eedaynayay in uu Tuug aha waa maxay sababta uu maanta ku noqonaayo nin aan waligii wax xadin.

Ma inaga ayaa qaldan mise madaxdeena ayaa qaldan, Tuugu ma hadba ka xilka hayaa,oo markaasi wadanka imisa Tuug ayaa jooga oo xilkii ka tagay ama laga eryay,Dhaleecaynteenu ma mid wakhti go'an ku salaysanbaa,maxaa talo ah,sidee ayaynu madaxda u qiimaynaa,qaabkee ayaynu u kala garanaa kan wanaagsan iyo kan kale.

Arintan yan loo qaadanin sida unoo cadada ah in aan xisbi qudh ah weeraraayo ama aan waxkaga sheegaayo,waxa hubaala in dhamaan xisbiyadu ay arintan ka siman yihiin,siyasiyiintiina ay noqdeen kuwo hadba u dulaama halkay ay isleeyhiin kursi ayad ka helaysaa.

Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar101@gmail.com

Twitter @khadar_aar

WQ/Khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment