SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisi Masaajid ka dhacday,ninkii ragcadaha khalday.


Dadku inta badan waxaa dhacda in ay dib uga dhacaan ama ay ka habsamaan salaada Maqrib,waana shay inta badan inoo dabiici ah in aynu dib uga dhacno salaadaha gar ahaan salaada maqrib.

Hadaba nin ayaa waxa uu yimi ama uu soo galay Masaajid isaga oo raba in uu tukado Saladii Maqrib, waxa uu arkay salaadii oo laga baxay ,wakhtigiidiina uu dhamaad kusii dhaw yahay.

Ninkii isaga ahaa madamaa uu degdeg san yahay,waxba muu sugun jamac labaad'e kaligii ayaa saladii iska camirtay,intuu istaagay ayaa waxa uu ku bilaabay ,usali faradal salaatun maqrib arbaca ragcatayn Allahu akbar.

Waxaa markaaba maqlay nin aan sidaasi uga fogayn,kadib markii uu arkay in uu qaldamay ,salaadi maqribka ee sadaxda ahaydna uu afar ka dhigay, waxaanu u inshaaray in uu salaada ku celiyo.

Ninkii tukanaayay waxa uu isyidhi malaha waxbaad ku dartay salaadi laba ragcadood ,kadibna waxa uu marlabaad ku dhawaaqay,usali salatul maqrib ragcatayn Allaahu akbar, hadana sidii si leeg ayaa waxaa u inshaaray ninkii, kuna yidhi waad khaldantay.

Markii danbe ayaa hadana ninkii uu salaad xidhay isaga oo markan ka fikiray,in uu kordhiyo ragcadaha madamaa laba goor loo iinshaaray in uu qaldan yahay,kadibna waxa uu yidhi,Usali farad salaatun maqrib khamsa ragcaad Allahu akbar,sidii si leeg ayaa ninkii horfadhiyay u inshaaray isaga oo leh waad khaldantay.

Hadaba ninkii oo markan khaatiyaan taagan,isuna arka in uu yahay nin khaladkiisu badan yahay, ayaa waxaa hortiisa kusoo xidhay ninkale oo sidiisa degdegaaya,kadibna ninkii ayuu damcay in uu u fiirsado sida uu bal salaada u tukado iyo ragcadaha uu ku xidho.

Ninkii uu rabay in uu ku daydo,ayaa salaadii xidhay ,isaga oo ku bilaabay ,usali faradul salaatul maqrib talaata ragcaat Allaahi akbar,ninkii dhawrka jeer salaadu ka khaldantay ayaa inta uu yaabay waxa uu yidhi , khamsaa nalaga diiday markasaad talaate la ordaysaa.

Intaasi ka bacdi dadku waa in ay ogadaan in salaadu aanay u baahnayn wax layidhaa Usali Usali,balse ay ku xidhanto oo kaliya Alahu Akbar,kadibna waxa aad horya ka bilaabaynaysaa akhrintii quraanka oo ay u horayso Faataxadu.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment