SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Somalida badankoodu way ka fanaan in magacyadooda far Soomali ku qoraan.

Dadka Somalida badan koodu waxa ay jecel yihiin in ay magacyadooda ay ku qortaan luqada Ingirisiga ,taasi oo ay ka faanayaan kana xishoonayaan in luqadooda ay iska leeyhiin in ay magacyadooda ku qortaan.

Hadii aad u fiirsato baraha warbaahinta sida Facebook ,Hotmail.Gmail iwm dhamaan tood waxa aad arkaysaa in dadka somalida badankoodu ay magacyada ku qortaan luqada ingiriisiga oo aanay ab iyo isirtoona aanay u lahayn.

Hadii aynu waxyar iska tusno sida ay badanka magacyadaasi u qoran yihiin, waxaa ka mida Ahmed ,Hassan,Jama, Abdilaahi ,Osman,Asha ,Haliimo iwm,xataa waxa aad mararka qaar arkaysaa in magalooyinkeena magacyadoodiina loo badalayo luqadasi aynaan lahayn.

Waxyabaha kale ee aadka ku yaab galinayaa waxa ka mida ,hadii qof Somalida ka mida aad tidhaahdo waxa aad ii yeedhisaa xuruuf af Somali ah,tusaale ahaan Axmed,waxa dhacaysa oo aan isleeyahay qofkastaa waa kula arkay in magacaasi laguugu yeedhinaayo sidan:-

aa,eges,em,ii iyo dhii, way adag tahay in qofkaasi Somaliga ahi uu kuugu yeedjyi magacaasi sidan a.xa,ma,e iyo da ,intaasi oo ka fudud kana sharaf iyo akhris fudud luqadahan kale,balse hadii qofkuba uu af Somali wax ku yeedhiyo waxa loo arkayaa isaguna iska dhaadhciyay in uu yahay badaw hadii aanu ereyo Faranji ah wax ku qorin.

Waxa aan naftayda iyo tiinaba aan kula talin lahaa,waxkastaba bal haynoo joogaane horta magacyadeena yanaan ku qoran luqada aynaan lahayn,balse aynu wax ku qorano kuna xafidano luqada aynu inagu isla leenahay inta aynu magacyadeena wax ku qorayno luqad aynaan lahayn.

Qofkastaba waxa uu sharaf iyo karaamo ku leeyahay waxna ku fahmi karaa luqadiisa,hadii aadan luqadaada adigu ilalin cidina kuu ilaalin mayso,waxanan isleeyahay dhamaanteen bari dhaw waxa ay u dhawdahay in aynu luqadaba wayno,hadii aynu sidan kusoo wadno.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment