SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Dhiibaato kasta ma dhaqaale ayaynu ku xalinaa, misse sharciga.

Maanta waxa Somali caado u noqotay in dhibaato kasta oo dhacdaba,la yidhaada qofkii ay ku dhacday aynu lacag u ururino,taasi oo aan anigu u arko in tahay, markii taladii iyo tusaaloyinkiiba aynu gabnay in aynu isticmaalno dhaqaale iyo Lacag.

Qofkasta oo wax ku dhacaan ma dhaqaale ayuu u bahan yahay,taasi waa maya,qofkasta oo mushkilad ka cabanayaa dhaqaale uma baahna ee waxa uu u baahan yahay mushkilada haysa in xal loo raadiyo.

Dhaqaalahu waxa uu wax ka taraa oo kaliya meesha ama qofka dhaqaalaha u baahan,hadii maanta aynu aragno qof oo baahan wax uu cuno isla markana aan haysan,taasi sax ayay inagu tahay in aynu dhaqaale u raadino.

Wayadan danbe waxaa bulshadii Somaliyeed kusoo kordhay arin ah dhaqaale ha loo ururiyo,qofkasta oo ay wax ku dhacaan,xataa waxa dhici karta in aanu qofkaasi dhaqalaba aanu u baahnayn balse uu u baahan yahay wax ka duwan, sida cadaalad iyo garson xalaala.

Waxaa ayamahan aad meelkasta aad ka maqlaysaa kofsadka iyo ceebta lagu hayo gabdhahii Somaliyeed iyada oo ay arintaasi samaynayaan isla Somalida dhalinyaro ka mid ah,tasi oo ah markii akhlaaqdii dhamaanteed inaga xumaatay in ay soo baxaan arimahaasi iyo qaar kale oo la mida.

Hadaba waxa aan goobaha warbaahinta ee kala gadisan markasta ka maqlaa iyada oo la isku wacdinaayo, qofkaas dhibatadaasi ku dhacday waa in dhaqale loo ururiyaa, taasi oo ay ka mid tahay gabadhan maskiinta ah ee dhaawaca iyo ciibta loo gaystay.

Hadaba su'aasha aan iswaydiiyay waxa ay tahay,gabadhaasi iyo qayrkeed marka ay waxan oo kale ay ku dhacaan,ma dhaqale iyo lacag ayaa daawo u ah ,mise garsoor iyo cadaalad la horkeeno kuwii dhibatada u gaystay ayaa daawo iyo niyad samaan u ah.

Anigu kamasoo horjeedo wixii dhaqaale iyo lacag lagu caawinaayo qofkasta oo la dulmiyo ,balse waxa aqoondarro u arkaa in baryahan danbe ay dadka Somalida ay taladii ka halawday,aqoontii iyo garashadiina ay ka noqotay dhaqaale,fikirkaasi oo badankiisu kasoo abuurmay dadka qurba joogta ah,oo iyagu in lacag uun in wax lagu xaliyo mooyaane aan talo kale aqoon.

Garashadii iyo aqoontii ma waxa ay inaga gashay jeebka ,taasi sawmahan in ay soo kobciso xumaankii iyo khaladadkii la samaynayay madamaa xalkuba uu yahay Lacag,hadii maanta gabadhan yar iyo qayrkeedba xumaanta lagu sameeyo aynu kumaankun lacag ah aynu siino ,taasi saw hadhaw inoo keenimayso in arimahani aysii bataan ama ay isu badalaan dhaqan lacagdoon.

Waxa aan ku talin lahaa hablaheena yaryar ee sharafta iyo karamada leh ha laga qabto dhalinta kibirtay ee xumaanta ku samynaysa,hana la horkeeno maxkamadaha,hana wajahaan garsoor cadaalad ku dhisan ,tasaa ila fiican in aynu dhamaanteen isugu tagno,intii aynu jeebka halmar gacanta galin lahayn.

Dhibane kastaa uma baahna aduunyo,waayo markii horaba si xalaal ah ayuu qofkastaa u noolaa,garashada iyo niyada oo la isu dhisaana maha in lacag la isasiiyo,balse naxariista iyo cadaaladu waxay tahay in qofkasta oo dhibana ah kii dhibaateyay sharciga loo horkeeno ,danbigii uu ku sameeyayna lagu ciqaabo.

Qorba joogtana waxa aan kula talinlahaa,sidii dadka wadankii joogaa lacag uun idiin waydiinayeen,ayaa waxa la qabsateen in aad u fahantaan in waxkasta lacag lagu xalinkaro, talada iyo cadalada ayaa lacagta ka fiican kana sharaf badan.

Wakhtigii hore Somalida marka ay danbiyada oo kale ay dhacaan sida kufsad iwm ,ma jirin lacag iyo xoolo inanta la kufsaday la siinjiray,balse cidii kufsatay iyo reerka uu ka dhashay ayaa sharciga markasi yaalay lala tiigsan jiray.

Qofkasta oo dhibaato la gaadhsiiyaa lacag uma baahna,balse qofkastaa waxa uu u baahan yahay dhibta haysata sidii looka korqaadi lahaa,Ilahayna looga cabsan lahaa,xalada maanta lagu jirana looga gudbi lahaa.

Hadii maanta dhalinta danbiyada galaysaa ay wajihi lahayeen,xadhig dheer iyo ganaaxyo adag,waxaa hubaala in ay badbaadi lahayeen gabdhaha yaryar ee masaakiinta ah ee danbiga laga galayaa.

Aynu ku cadaadino dadka sharciga gacanta ku hayo ,in dhalintaasi iwm in ay xadhig iyo ciqaab mutaan,balse yaynaan ka hordhicin in waxkasta aynu ku xalino dhaqaale iyo lacag ururin isla markana aynu sugno inta lacagta looga baahanaayo.

Wariyayaashana waxaan kula talin lahaa arimahan noocan ah ha laga dayo buunbuuninta iyo fadeexada loo gaysanaayo qofkii dhibanaha ahaa,taasi oo ay markasta makarafoonyar ay la hoos ordayaan dad aan lahayn khibrada sida loo waraysto dhibanaha dhaawacan.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment