SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Macalimadayda waxaan u keenay, Cadarkii Hoyaday ka dhimatay!

Haweeney macalimad ah, ayaa is dhextaagtay ardaydii ay wax u dhigaysay oo fasalka Shanaad ku jirta, wayna salaantay iyada oo ku tiri waan idin jeclahay dhamaantiin iyada oo isha ka dad-baysa ama ka duweysa Hal Wiil oo lagu magacaabo Cabdi.

Wiilkaas dharkiisu had iyo jeer waa wasakhaysan yihiin, uskag ayaa ka muuqda, aqoontiisa waxbarasho aad ayey u hoosaysaa, had iyo jeerna isaga ayaa isku maqan oo wuu fakerayaa.

Xukunkan ay macalimadu wiilkan dusha ka saartay ,ee ay u aragto wiil aad u liita, waa aragti ay ka dhaxashay muddadii ay wax u dhigaysay, sababtoo ah had iyo jeer lama ciyaaro aradayda, muuqaalkiisa guudna waa mid aad u liita, had iyo jeerna musqusha ama suuliga ayuu u cararaa.

Murugada ka muuqata awgeed ayey macalimadu kuba raaxaysataa .marka ay buugiisa iyo waraaqahiisa imtixaanka saxayso, qalinka cas iyo isku talaabta ayey u badisaa, waxayna ugu qortaa wuu dhacay ,warqad kasta.

Xaaladda wiilku ku sugan yahay markay aragtay ,ayey maalintii danbe waxay codsatay Faylashii iyo warbixinahii laga qori jiray sannadadii hore , waxayna guda gashay in ay ka soo bilowdo sanadkii uu ku jiray fasalka koowaad, iyada oo akhriyeysa ayaa waxa ay aragtay arrin ay u qaadan weyday.

Macalinkiisii sanadkii koowaad waxa uu ka qoray Cabdi, waa wiil caqli badan, oo dadaala, hiba ilaahay siiyey, shaqada loo diro si wanaagsan u qabta, si wanaagsan u habeeya casharada.

Macalinkii Fasalka Labaad ayaa isaguna waxa uu ka qoray warbixin oranaysa Cabdi, waa wiil wanaagsan oo ay jecel yihiin saaxiibadii, hase yeeshee wer-wer iyo wal-bahaar ayaa ku soo kordhay ka dib markii hooyadii cudurka Kansarku ku dhacay.

Macalinkii Fasalka Sadexaad ayaa isaguna waxa uu ka qoray, Cabdi geerida hooyadii ku timi waxay u taabatay si adag, wuu dadaalay laakiin aabihii ma ahayn mid daryeela wiilka oo ihtimaam siiya, xaaladda gurigooda ama aqalkooda ka jirtaana raad weyn ayey ku yeelan doontaa, haddaan arrintaas wax looga qaban si deg deg ah.

Macalinkii Fasalka afaraad ayaa isaguna ka qoray. Cabdi waa wiil isku maqan oo intaa fekeraya, wax niyad ah uma hayo waxbarashada, saaxiibo uu la sheekaystana fasalka kuma leh, wuuna seexdaa xilliga casharada lagu jiro ee wax la baranayo.

Halkaa markay warbixinihii macalimada la marayaan ayey ogaatay oo garawsatay Dhibaatada jirta, waxayna dareentay in ay ku xad gudubtay wiilka,wayna isku khajishay ama isku xishootey oo is canaanatay.

Xaalku macalimadu wuxuu ugu darnaa markii ardaydii ay hadiyado waraaqo qurux badan ku jirta u keeneen, marka laga reebo wiilka Cabdi, oo isagu ku soo duuduubay waraaqaha caadiga ah ee dukaamadu dadka adeega ugu laabaan.

Arrintaasi macalimadii raad ayey ku reebtay, ardaydiina waxay galeen in ay ku qoslaan Cabdi iyo hadiyadiisa foosha xun, hadiyada Teddy waxay ahayd silsilad yar oo qoorta la surto iyo quraarad ama dhalo cadar ah oo kala baran ama aan buuxin.

Si lama filaan ah ayaa ardaydii qosolkii u joojiyeen markii ay macalimadii hadiyadii ka guddoontay Cabdi , isla markaana u sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay, si diiranna ugu mahad celisay, way xiratay silsiladii yarayd markiiba, cadarkiina way isku shubtay, "buufisay".

Wixii maalintaas ka danbeeyey Cabdi marka iskuulka laga baxo toos gurigooda uma tagi jirin, wuxuu sugi jiray intay macalimadiisu soo baxayso, maalintii danbe ayuu ku yiri maanta waxaan kaa urinayaa hooyaday, oo aan kaa dareemayaa, markii uu intaas ku yiri macalimadii oohin ayaa indhaheeda ka soo daatay, waayo Cabdi wuxuu u sheegay in Cadarkii kala barnaa ee uu hadiyadda ugu keenay in hooyadii isku shubi jiray, meelna uu dhigtay oo uu ku ilaashan jiray, sidaas daraadeedna markii ay macalamidiisii isku shubtay uu soo xasuustay urtii iyo cadarkii hooyadii.

Maalintaa wixii ka danbeeyey macalimadii waxay guda gashay in ay aad u daryeesho Cabdi, wuxuuna bilaabay Cabdi in uu dadaalkiisii dib u soo celiyo murugadii iyo walbahaarkiina ka yaraado, sanad dugsiyeedkii markuu dhamaaday Cabdi wuxuu ka mid ahaa ardaydii ugu darajada saraysay.

Cabdi sanad dugsiyeedkii markuu dhamaaday wuxuu u qoray macalimadiisi warqad uu ugu mahad celinayo uguna sheegayo in ay tahay macalimadii ugu wanaagsanayd ee soo martay intuu waxbarashada ku jiray, waxayna macalamadisii ugu jawaabtay warqad kale oo ay ugu mahad celinayso, waxayna ugu qortay, waxaad i bartay sidaan u noqon lahaa macalimad wanaagsan, oo daryeesha aradayda.

Cabdi Muu ilaawin macalimaddiisii markii uu ka gudbay dugsigii sare warqad ayuu u soo qoray uu ugu mahad celinayo sidii ay u soo garab istaagtay.

Muddo ka dib oo sannado badan ka soo wareegeen waxaa sanduuqa boosatada gurigeeda ugu soo dhacday warqad casuumad ah in ay ka qayb gasho xaflad qalin jabin ah oo lagu qabanayo jaamacadda gaar ahaan kuliyadda Caafimaadka waxayna uga timi Casuumaddu Cabdi,oo ay tahay xafladisii qalin jabinta.

Macalimadii iyada oo ku labisan hadiyadii silsiladii yarayd ee Teddy u keenay ayey ka soo qayb gashay xafladii qalin jabinta ardaygeedii Cabdi.

Cabdi wuxuu noqoday Dhakhtar caan ah oo ku takhasusay daaweynta cudurka kansarka, oo ah cudurkii hooyadii u dhimatay.

Tolow imisa arday ayaa macalinkiisu qayb ka ahaa in uu ka dhigo damiin, dhibaato jirtay oo markaa la daweyn kari lahaa haddii caqli loo adeegsado awgeed.Imisa Caruur ah ayaa xaalad la soo daristay aawadeed doqon ka dhigtay, ama uu waxbarashadisii ku waayey, waa dhanbaal ku socda qof kasta oo bare ah, ama macalin in uu dhugmo u yeesho ardayda uu wax u dhigayo in uu waraysto ardayga dhibaatada jirta.

Waa dhanbaal ku socda waalidka in uu ilmihiisa daryeelo oo uu ogaado in ay qayb ka tahay horumarka ardayga guriga oo uu daryeel iyo deganaansho ku helo.

Xigasho: Bahda Maskaxmaal.


No comments:

Post a Comment