SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Dhibaatooyinka caafimaad ee Laga dhaxlo kali socod-nimada.

Cilmi-baadhis cusub oo ay sameeyeen khubaro ka tirsan jaamacado la yidhaa Buffalo iyo MT Sinai oo caafimaadka lagu barto, ayaa iftiimisay in qofka keli-socodka ah uu cuqdad ka qaado bulshada inteedakale, isla markaana ku adkaato in uu la dhaqmo ama dhex galo dadka.

Daraasaddan oo markii hore lagu tijaabiyey xayawaan meel goonni ah lagu hayey muddo dheer, ayaa jidhkoodu soo saaray maadada cad ee la yidhaa Myelin oo ka maskaxda ka dhigtay in ay noqoto mid
caaddiifaddu ku badan tahay oo dadka kale ka qaloota.

Maxsuulka cilmi-baadhistan ka soo baxay waxa uu soo bandhigay awoodda maskaxdu u leedahay inay isbeddelka bay’ada la qabsato, waxaanay khubaradu sheegeen haddii maskaxda dadku la qabsato
kelinimada iyo cidlada inay ku dhacaan cudurro sababa cuqdad iyo isku buuq badan oo qofku bulshada kaga dhex baxo.

Mr. Karez Dietz oo hoggaaminayey cilmi-baadhistan oo lagu daabacay wargeyska Nature Neuroscience, ayaa yidhi: "Daraasaddani waxay markii ugu horreysay daboolka ka qaadday doorka maadada Myelin ku leedahay cudurrada maskaxda ku dhaca ee dadka waaweyn, waxaanay keentaa haddii qofku kali noolaado in maadadaasi maskaxdiisa ku badato, sidaa darteedna neerfisyadu ku qasbaan keli-noolaansha, dadkana ka dhex baxaan.

Khubarada cilmi-baadhistan diyaariyey waxay sidoo kale u soo jeediyeen dadka in aanay la qabsan kalinimada, isla markaana isku dayaan inay qaybo ka mid ah waqtiyadooda la qataan eheladooda amma shaqsiyaadka ay asxaabta yihiin si aanay cudurrada maskaxdu u asiibin.

Xigasho: qurbo.net


No comments:

Post a Comment