SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ilayn qofkastaaba Madaxwayne wuu noqon karaa!!

Somalidu waxa ay hal-hays u leedahay Caruurnimo waa ciil laga waynaaday,xiliga aad ku jirta caruurnimada, waxkastaba waa ay kuu cusub yihiin,waxkasta oo dunida guudkeeda ka dhacaana adiga saamaynba kugu yeelan mayaan,sababta oo ah waxa aad haysataa tahaadh kaa celiyo oo ah Hoyada iyo Abaha ku dhalay.

Walidkeen dhamaantii Ilahay khayr badan ha siiyee, Alla maxay dabayl iyo darxumo inaga ilaaliyeen ,dugsina ay inoo sameyeen, ,marka aad yartahay dhibkasta oo waalidkaa dhibaysaa adiga cayaayir iyo cada-lool ayay kuu tahay.

Marka aad dib u xasuusto xiligii yaraan taydii,wa ay adkayd amaba mabay jirin wax aan kala socdo siyasada dunida iyo waliba tan dalkaygii aan markaasi kuu noolaa,waxa i mashquulin jiray oo iga batay shaqada iyo hawlmaalmeedka ay leedahay caruurnimadu.

Wakhtigaa aan idiin sheegaayo,anigu waxa aan u haystay ,in ay aduunka madaxwaynayaal ka noqon karaan oo kaliya,dadka aadka u buurbuuran ee madaxooduna uu yahay midka aadka u wayn,ninkasta oo buuran ama madaxwyan oo aan meelahaasi ku arko waxaan u qaadan jiray in uu madaxwaynahii dalka yahay,kalmada madaxwayne sideeda ayaan u qaatay.

Waxa kaloo aan madaxwayanaha u haystay, in uu yahay nin markaasi uu cilmigu ka buuxo,oo dadkan uu hogaaminaya isagu ugu aqoon badan,waayo waxaa ila adkaa sidee ayuu qof madaxwayne u noqonaya hadiiba dadkiisa badankiisu ay ka aqoon iyo imaan badan yihiin.

Sifaha noocaasi ah,ma jirto cid iga dhaadhicisay balse waa mala'awaalkayga, waxaa kaloo iga dhaadhacsanaa in qofkasta aanu madaxwayne noqon karin ,ilaa dad gaar ah mooyaane,sababta oo ah madaxwaynahu waxa uu ila ahaa,sidii wax samada kasoo dhacay oo aan la taaban karin, lana arki karin, ilaa marka uu isagu dadka la hadlaayo mooyaane.

Hadaba maxay ayaa isbadalay,ilayn waa yaabe ,"waaaaar ba'a" ilayn madaxwaynaha qofkastaaba waa uu noqon karaa,ninkasta iyo gabadh kastana waa ay hawaysan kartaa,waana loo dooran karaa madaxwayne ,oo maba aha yaraan taydii sidaan moodaayay,wax cilmi sidaasiba kuma fadhiya.

Hadii aan wakhtiyada qaar u haystay in uu madaxwayne noqon karo oo kaliya,nin markaasi jidh ahaan buuran oo aan baruur dhaqaaqi karayn,ilayn waxaaba madaxwayne noqon kara mid la tiicaaya taagdaraan.

Hadaba iyama aayaan saxsanaa waagaasi aan yaraa iyo hadda ,ma dhici kartaa in wakhtigaasi aan yaraa aan ka saxsanaa maanta,ma kula tahay in aan wakhtigaasi madaxwaynaha siinayay meeqaamka iyo malaha saxa ah ee uu leeyahay.

Marka laga tago,buurnaanta iyo madaxawayn ee aan caruurnimada wax ku qiimaynayay,hadana waxaa ii muuqata in sida kale aan sax ahaa,sababta oo ah in qofkastaa uu madaxwayne noqon karo umaan arkayn xiligaasi,waxaanan dareemaayay in qofkan madaxda laga dhiganaayo masuuliyad gaar ahi ay fuulayso.

Hadaba maanta waxaa aan arkay iyada oo qofkastaaba uu madaxnimadii usoo hungoroonaayo,xataa hadii uu yahay midkii dadka ugu doqonsanaa iyo kii ugu fariidsanaa,kii dadka ugu cilmiga badnaa iyo kii u jaahil-sanaa,dadku maanta isku si ayay u qiimaynayaan.

Maanta in aad madaxwayne u hungurooto waxaa kaa xiga,waxoogaa shilimaad ah iyo qabiilkaaga oo aad afar afmiishaar ka samaysato,hadiiba masraxa marka aad soo korayso laguu qaado halku dhigga la yidhaa "waa geesigii aan godob lahayn" madaxnimo waxaa kaa xiga maalin guur in ka yar.

Uma baahnid marka aad madaxwayne isu sharaxaysid, warqad iyo qoraalo aad u farabadan oo aad soo diyaarsato,kaliya waxaa kugu filan, in aad markaba weerar ku qaado qolada markaasi dalka xukumaysa ama kuwa mucaaradka ah.

Dadku iyaga ayaaba sacabka la diyaar ah,wa lasoo dhaafay wakhtigii la odhan jiray madaxwaynaha u sacabiya, adaaba khaati ka istaagi doona marka aad aragto sacabka dadwaynaha oo aan kala joogsanayn,taas macnaheeda ha umalayn in ay ku jecel yihiin,balse waa uun caado iyo dhaqan iminka la bartay.

Waxaad arki, iyada oo kalmad kasta oo afkaaga kasoo baxda loo garacayaa sacab iyo mashxarad,khasab maahan in ay dadku fahmaan waxa aad ka hadlayso,iyaga taasi ma khusayso,waxa kaliya oo ku iyaga farax galinayso in aad yeelatay han madaxnimo iyo in aad isku qabiil tihiin.

Dadku ma jecla wakhtigana mana xiiseeyaan ,in aad ka sheekayso waxa aad qabandoonto marka madaxnimada laguu doorto, ,waayo taasi bari hore ayaa buugeedii la laabay, war-laqabaa xiiso malaha.

Dharka iyo Suudhka aad tolaynayso,maaha kuwo ay adiga lacaga kaaga baxayso,dadkan aad beenta u sheegayso ayaaba kusoo tolaya kuna soo iibinaaya,dadku waa dad wanaagsan iyaga ayaa kuu shaqaynaaya,balse umaba bahna in aad adigu u shaqayso.

Gaadhiga aad kaxaysanayso maaha mid ay dadku iibsan karaan,waayo lacagba ma haystaa,adiga ayay kuu ogoladeen in aad hantodooda isticmaasho,guriga aad dhisan doonto,waa mid ka mamnuuca dadka badan kiisa,balse waxa aad albaabada u furaysaa afmiisharada kula shaqaysta.

Caruurtaadu caruuraha kale waa ka mamnuuc lama cayaari karto,waayo nolol ahaan ayaad ku kala tagteen,hadii ay wakhtiyada qaar caruurtaadu la cayaari jireen,caruurta kale ee jaarka,hada waxa ay la cayarayaan Computarada iyo Geemka.

Ha ku noolaan xafadii ama degmadii markii hore lagaa yaqaanay ee aad kusoo ababtay,ka guur kana xamaan ururso, waayo waxa ad tartan iyo tamashle aad la galaysaa dadka xoolaha leh.

Xidhiidh aad u fiican la samayso, qurba joogta kasoo jeeda qabiilkaaga,waxa ay kaa cawinayaan kuulana diyaar yihiin ,waxkasta oo aad u baahato,sida Viise aad ku booqato wadamada Yurub iyo Maraykan,waaxanay talo kasiin karaan halka aad caruurtaada hadhaw dhigan lahayd marka xilka lagaa qaado.

Ma jiro qof kuugu yeedhayaa,magacaagii aad hore u lahayd,madaxwayne iyo sacadatal wasiir waxaan ahayn dadka ha ka aqbalin,goobaha la isku xidhi iyo saldhigyada boolisku waa kuwo aad adigu amarkooda haysto,ninkii kuu iljabiya waad taqana sidaad uga aarsanayso.

Waxaas oo dhan shayga kuu goynayaa waxa uu yahay,in qabiilkaagu yahay mid ku taageersan,oo aad isku halayn karto,adiga dantaadana ka shaqaynaaya,balse aan markaliya dantooda eegayn.

Waxyabahaasi aan kasoo sheekeeyay oo dhami waxa aan isleeyahay,waa wax jira oo aan maanta qofka ka qarsoonayn,qaladka iyo mushkiladuna halka ay ka taagan tahay waxa uu yahay ,shacbiga oo aan wali fahmin ninkan madaxwaynaha iyo wasiiradiisu in ay yihiin kuwo looga baahna in ay umada daacad ugu shaqeeyaan,balse hadiiba shacbigii sidan u fikiraayo ma jirto mana la helaayo dawladnimo waarta.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment