SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Jimcahu waa maalin khayr Muslimiinta,dadka qaarna waa u maalin shar.

Maalin jimco ah oo ay bishu tahay 13 waxay galbeedka dadka aad u badan ayaa u haystaa in ay tahay maalinta ugu nasiibka daran sannadka Miilaadiga ah (Gregorian).
dad badan ayaa is ilaaliyo oo aan guryahooda ka bixin, ka fogaada mukulaasha madow, jaranjarooyinka iyo muraayadaha, waxayna boobaan in ay xirtaan xirsiyadood shar xijaabka ah.

Run ahaan ma cadda halka ay salka ku hayso arrinta, waxaase la sheegaa in ay ka soo jeeddo qarnigii 19aad, waxaana lagu xusay maalinta qoraal ahaan buugga taariikh nololeedka halabuure talyaani oo la oran jiray Gioachino Rossini, kaasoo dhintay maalin Jimco ah oo bishuna ay tahay 13, haddana buug la qoray 1907 oo magaciisu ahaa bil 13aad Jimco ah, oo uu qoray ganacsade Maraykan ah oo magaciisu ahaa Thomas Lawson ayaa sii baahiyay khuraafada.

Waxaa la yiri arrintu waxay la xiriirtaa, diinta masiixiga oo Nebi Ciise nabad galyo korkiisa ha ahaatee sida ay rumaysan tahay diinta masiixiga, maalinta la salbiyay waxay ahayd Jimco, waxaana joogay 13 qof cashadii u dambaysay (Last Supper) habeenkii ka horreeyay salbinta.

Waxaa kale oo lala xiriiriyaa maalintaa guuldarada illaa sannadkii 1307dii, markaasoo uu amray boqorkii Faransiiska in la soo xirxiro kooxdii loo yiqiin Dagaalyahaynada Macbadka (Knights of Templar).

"Friggatriskaidekaphobia" waa magac cilmiyeedka maalintaa waxa uuna ka kooban yahay Frigg oo ah Ilaahadda xikmadda ee Norse, waana Ilaahadda loogu magac daray maalinta jimcaha (Friday). Triskaidika, oo ah afka giriigga oo la micno ah "13" iyo phobia oo la micna ah "cabsi".

Malaayiin dad ah ayey saameeysaa maalinta bil 13aad Jimco ah, waxa jug dhanka dhaqaalaha ah soo gaadha hoteellada iyo ganacsiyo kale, eraboorada qaar ayaan lahayn albaaka 13aad ( Gate 13), meela badan oo dunida ah ayaa in 13 qof casho lagu casuumo ay tahay mid nasiib darro keenta.



Goorta ay Timaado Bil 13aad Jimco ah

Bil 13aad jimco ah inta badan waxay dhacdaa halmar sannadkii laakiin waxay ku imaan kartaa saddexlay sannadka gudahiisa, nasiib wanaagse ma dhacdo in ay ka badato saddex mar sannadkii, muddada ugu dheer ee ka soo wareegyana waa 14 bilood. Marka soo socotana waxay ku soo beegan tahay Jimco 13 May 2016.

Bil 13aad Jimco ah waxaa u sabab noqda markay bishu bilaabato maalin Axad ah. Mar kasta oo sannadka caadiga ah (Common year ) "sannadka bisha Febraayo ay ku dhamaato 28" waxaay soo noqnoqtaa saddex mar, bisha Febraayo, Marso iyo Nofeembar, waxayna dhici doontaa 11 mar qarniga 21aad.

Habka Febraayo, Marso, Nofeembar wuxuu ku imaadaa wareegto 28 sannadleey ah, qarnigan aynu ku jirno wareegtadu waxay bilaabantay 2009kii. 6 sano ka dib 2015 haddana 11 kadib 2026, ugu dambayntana wareegtada waxay soo geba gabagobaysaa 2037. Wareegtada waxay dib u bilaabanta 2043.

Sannadka aan caadiga ahayn (Leap year) waa sannadka ay bisha Febraayo ku dhammaato 29ka markuu ku billowdo maalin Axad ah, bill 13aad jimco ah waxay dhacdaa Jannaayo-April iyo Luuliyo.

Mar Kasta Jimcaha Ma Aha Nasiib Darro

khuraafada meesheey doonto hagaartee waxaa cad in cilmiyan aysan wax saameeyn ah ku lahayn dhacdooyinka shileed iyo masiibooyinka, balse ay meelaha qaarkood ay maalinta jimcaha iyo lambarka 13 ay yihiin kuwa lala xiriiriyo nasiib wanaagga.

Diinta Islaamku iyada waxay iska taagtay meel cad in wax la sharaysto ama la baaseeysto, waqti iyo shary kuu doonaba ha ahaadee, Jimcose gaar ahaa waa maalin wanaagsan.

-Tusaale ahaa Islaamka maalinta Jimcaha ah waa maalin nabadeed iyo cibaado, waxaana jirto salaad loo qaas yeelay Maalinta jimcaha.

- Masiixiyadda (Good Friday) waa jimcaha ka horreeysa Easter, siday qabto diinta Masiixiga markii nebi Ciise la salbiyay.Madaahibta orthodoxka maalinta Jimcaha iyo Arbacda waa maalin oo xurmaysan sannadka oo dhan, waxayna ka caagaan labadaa maalin cunidda hilibka iyo guud ahaan oonta xoolaha, walow la malayga la ogolyahayk.

-Diinta Hinduuska waa maalin nasasho, tan Yuhuuddana Sabtidu waxay bilaabantaa gabbaldhaca jimcaha.

Waxa loo yaqaan (Dress-down Friday or Aloha Friday ) waa maalin la debciyo xeerka dharka ee shaqaalaha sharikadah qaarkood. (POSTS day) oo u taagan " Piss Off Early Tomorrow’s Saturday" waxaa kale oo jirta cibaarada (TGIF) oo iyadana u taagan " Thank Goodness it’s Friday

W/Q. Eng Mohamed.

No comments:

Post a Comment