SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Miyiga Ilmadeer ku lahow, magaalana Saxiib.

Dhaqankii hore ee Somalidu waxa uu ahaa mid ku dhisan kuna qotoma Qabiil iyo qaraabo,taas awadeed hadii aadan ahayn nin qabiilkiisa iyo qarabadiisa ku xidhan way adkaan jirtay in aad ku noolaato dhulka miyiga ah.

Wakhtigaasi ay Somalidu ku noolayd dhulka miyiga ah isla markana aanu jirin magaalo joognimadu ,waxaa qofkasta oo Somali ah uu ku khasbanaa in uu tageero iyo cudud markasta uu ka helo qabiilkiisa iyo Ilmaderadii.

Dhulka miyiga waxaa ka jiray dagaalo inta badan ku dhisnaa qabiilka,taasina waxa ay keenaysay in qabiilba qabiilka uu ka xoog badan yahay uu ku duulo kana qaato dhamaan waxa uu xoolo iyo dhul haysto.

Waxyabaha lakala qaadi jiray wakhtiyadaasi waxaa ka mid ahaa, Dumarka ama haweenka,taasi oo caado iyo dhaqan u noqotay Somalida wakhtigaasi,gabadhabiga gabadha ay ka qurux iyo karti badan tahay, waxa loo kala dhci jiray sida Geela.

Gabadha lasoo dhaco ee roorkoodi lagalasoo tagaa ,waxa ay ahayd mid ku faanta kuna faraxda dhacaasi iyo boobkaasi loo gaystay,sababta oo ah waxa ay isu arkaysay in ay tahay mid qiimo wayn ugu fadhida bulshada deegaankaasi iyo cida soo dhacdayba.

Madamaa ay arimuhu wakhtigaasi ahayeen kuwo ku dhisin dagaal iyo colaado aan kala joogsi lahayn ,kuna salaysan dhinaca qabiilka ,way adkayd in nin aan ilamadeero fara-badan lahayni in uu ku noolaado si farxadi ku jirto.

Ninba ninka uu ka ilmadeer badan yahay ayuu ka xoog iyo xiniiyo badnaa,hadii aad tahay mid aan ilmadeero uu ku abtirsado lahayn, waxaa aad markasta halis ugu jirtay wakhtigaasi,in la iska kaa dhaco xoolahagana lagaa qaato,aad noqotana mid ku nool si dulinima ah.

Ninkasta oo Ilmadeer lihi wakhtigaasi,hadii uu gabadh uga baahdo in uu kasoo kaxaysto reerkale,waxa uu kaxaysan jiray ilmadeeradii kuwa ugu dhaw iyo kuwa ugu dheerba,waxanay u ahayeen ciidanka iyo cududa kaliya ee uu ninkastaba uu ku faano.

Dhulka Miyiga lagama yaqano waxa loo yaqaano saxiibka iyo saaxibad,ninkasta waxaa saxiib iyo tolba u ah inadeerkii,gabadhana sidoo kale waxaa xigto iyo xigaalba u ah inadeerteed,gabadh aan inadeer lahayni waxa ay wakhtigaasi ku suntanayd mid cidkastaaba ay damacido ,awood badana aan ku dhex lahayn deegaanka ay ku dhex nooshahay.

Hadaba Inadeerkii waxa uu isbadal waynui ku yimi markii magaalo galkii Somalida ku bilaabmay,kadib markii la bartay wax layidhaa Saxiib iyo saxiibad,ninkasta da'da uu joogaba waxa uu yeeshay saxiib,odaykasta waxa uu yeeshay saxiib,gabadhkastana waxa ay yeelatay saxiibad.

Magaladii waxa ay noqotay mid gabi-ahaanba dhalin gadiday,noloshaii iyo dhaqankii miyiga ee Inadeerka ku dhisnaa,taasna waxa sabab u ahaa markii ay dadkii isku dan iyo isku deegaan ay noqdeen.

Waxaa isku dan noqday dadkuu ku wada noolaa xafadaha iyo degmooyinka,waxa isku dan noqday dhalinyaradii Dugsiyada iyo Malcamadaha isugu timi iskuna baratay,waxaa isku dan noqday dadkii aqoonyahanka ahaa ee ay fikrada iyo aqoontu ay midaysay, taasina waxa ay noqotay in Inadeerkii miyiga uu badalay Saxiibkii magaaladu.

Magaladii waxa ay dadkii isugu xidhay kooxo kooxo,midkastabana ay aragti iyo fikir kooniya ay leedahay,dhalintii waxa ay saxiib ka wada dhigay kooxo kubadeed iyo kuwo aqoon korodhsi.

Waxyabaha iyagu layaabka ku ah dhaqanka Magalada waxaa ka mida,in halkii dhulka Miyiga ah aad garab sanaysay Inadeerka ,magaladii waxaa tol iyo ehelba kuu noqonaya saxiibkaa,kaasi oo markasta Sirtaada iyo noloshadaba si taako-taaka ah ula socda,waa hadii uu yahay saxiibka dhabta ah ee wanaagsan.

Marka labadan dhaqan la isku soo duubo kan Miyiga iyo Kan Magalada,waxa aad odhanaysaa dhaqankii Miyigu waxa uu ahaa mid dhamaantii is-haysta oo isku xidhan,balse kan magaladu waxa aad moodaa wakhtiyadan danbe in uu yahay mid isku badhxan isuguna jira kii Miyiga iyo kii magalada oo aan isqabanayn.

Si aynu taasi u xaqiijino,waxaa markasta aad magalooyinka ku arkaysaa qabiilkii oo xoogaystay,hadana ay ka madhan tahay isugu hiilintii Ilmadeernimada ee miyiga,waxa aad magaalo ku arkaysaa siyasadii oo usu badashay qabiil,hadana ay ka madhan tahay isu naxii iyo kalgacalkii Ilmadeeradu ay lahayeen.

Waxa aan ku talin lahaa,carro waliba ha loo daayo camalkeed,dhaqamadana wixii aan isqabanayn yaan la isku khasbin, magaalo ha loo daayo saxiib keeda fiican,miyigana ha loo daayi Ilmadeerkooda ay ku fanaan.

W/Q.Khadar Aar

No comments:

Post a Comment