SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Lacagta si fudud laguma helo.

Qofkasta oo inaga mid ahi waxa uu jecel yahay in uu si fudud lacag ku helo,isaga oo aan shaqo iyo hawltoona aan usoo marin, hadana iyada oo sidaasa ,ayaa waxa adag in uu ka fikiro qofna sidii uu fudaydkaasi lacag ugu heli lahaa.

Maalin maalmaha ka mida ayaa nin madax ka ahi shirkad wayn oo ay ka shaqeeyaan dadbadani,ayaa dhamaan waxa uu isu wada yeedhay shaqalahii,kadibna qofkasta oo shaqalaha ka mida waxa uu u dhiibay hal warqad oo aanay jirin wax ku qorani,isaga oo ka qodsaday in qofkastaaba uu wax ku qoro.

Dadkii waxa ay fahmi wayeen warqadan cad waxa la rabo in ay ku qoraan,balse ninkii madaxda ahaa waxa uu ka codsaday oo kalya kuna celceliyay fadlan warqada wax ku qora,balse uumuu fasirin waxa laga rabo in warqada lagu qoro.

Dadkii oo yaaban ayaa ninkastaba waxa uu warqadii iskaga feegaray,wixii markaasi maskaxdiisa kusoo dhacay,midkastabana waxa uu ku qoray wax uun uu is-yidhi warqada isakaga buuxi.

Markii dhamaan ay dadkii warqadahii wax ku wada qoreen ,ayaa ninkii madaxda ahaa,inta uu warqadahii ka wada ururiyay,ayaa waxa uu isaga oo hortaagan oo aan dhinacna uga dhaqaaqin ku yidhi :-

Midkasta oo idinka mida waxa aan maanta siinayaa waxa uu warqadaasi kusoo qortay,dhamaan dadkii farta ayay dhexda ka wada qaniineen ,waayo marnaba kamay filayn in waxa warqada lagu qorayaa uu yahay wax la isasiinaayo ama la isku abaalinaayo.

Ninkii madaxda ahaa,waxa uu midmid u akhriyay warqadahii ay dadku wax ku qoreen,waxaanu ka waayay hal qof oo ku qortay Lacag ayaan doonayaa,ama guri ayaan doonayaa iwm ,waraqaha qaarkood amaba sida ay u badnayeen waxa ku qoraa,wax aan markaasi macno badan u samaynayn ninka madaxda ah.

Hadii aan mid iyo laba kasoo qaadano wixii warqadaha ku qoraa,waxaa ka mid ahaa:-

Aduunyo dhib badanaa, magacaygu waa xasan iwm,waan ku salaamay iwm.

Intaasi markii ay dhamaatay ayaa ninkii madaxda ahaa waxa uu dadkii shaqalaha ahaa ku yidhi,waxa aad ogataan in Lacagta sida lagu helaa ay adag tahay,hadii ay fududaan lahayd sida lacagta lagu helaa, midkasta oo idinka mida hada ayuu qaadan lahaa dhib la'aan.

Waxaana idinku wacan in midkiina aanay maskaxdiisa ku soo dhicin in aad warqada ku qortaan Lacag isii iwm,waxa aad wada dareen santihiin in aan Lacag si fudud la'isu siin,balse hadii aad maanta ku wada qori lahaydeen waan idin siin lahaa.

W/Q.Khadar Aar

No comments:

Post a Comment