SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Idinka ayaa diinta iibiyay Anaguna waanu Iibsanay !!

Wadanka faransiisku waxa uu kamid yahay wadamada ugu muslimiinta badan Qaarada yurub gaar ahaan bariga yurub. Waxaana lagu Qiyaasaa inay ku noolyihiin dad mulsimiin ah oo tiradoodu kor u dhaafayso Saddex-milyan 3 Milion, iyaga oo sanad ba sanadka ka danbeeya ku sii badanaya, badhtamihii sanadkii hore ayaa waxa go’aan ka soo baxay dawlada faransiiska lagu meel mariyay sharci dhigaya in gabadhii lagu arko niqaab la kulmi doonto ganaax lacageed iyo waliba xadhig.

Dhacdadaaasi waxay noqotay mid ay aad uga cadhoodeen dadka muslimiinta ah ee ku kala filiqsan Caalamka , guud ahaan dunida islaamka gaar ahaan dadka ku nool faransiisku. Balse go’aanka ayaan sidii la moodayay waxba ka badalin dhaqankii dumarka islaamka ah ee ahaa qaadashada niqaabka oo dhag jalaq umay siin halka ay rag ganacsato ahi ballan qaadeen inay bixinayaan lacagaha ganaaxa ah ee lagu soo rogo.

Badhtamihii bishii hore ee June ee sanadkan ayaa waxa ka dhacay rabshado u dhaxeeya booliska iyo dad Islaam ah oo ka gadooday haweenay niqaaban oo ay boolisku qashqasheen.

Waxa ka dhacday magaalo ku taala wadanka faransiiska tukaan wayn oo ku yaala kadib markii gabadh muslimad ah oo niqaaban oo ka adeeganaysay isla tukaankaas maalin maalmaha kamida markay dhamaysatay dukaamaysigii ayay u soo dhaqaaqday dhankaa iyo qaybta xisaabta ee lacagaha lagu bixiyo.

Qaybta lacag qabashada waxa fadhiday gabadh asalkeedu carab kasoo jeedo oo muslim ah hase ahaatee aan lahayn astaamaha dumarka muslimiinta lagu yaqaano oo timo qaawan .

Markii ay soo gaadhay gabadhii niqaabnayd halkii ay fadhiday gabadhii xisaabta ku shaqada lahayd ee carabiyada ahayd ayaa la kulantay aragti iyo eegmo aan naxariis iyo ixtiraam lahayn la madhan oo kaga timid gabadhii meesha shaqaalaha ka ahayd iyada oo alabtii ay xisaabninaysay si dheel dheel ka muuqdo miiska ugu dul daadinaysay.

Gabadhii Niqaabnayd waxay ahayd gabadh dagan oo dareenba may siin taas oo cadhada ku sii kordhisay gabadhii carabiyada ahayd ee shaqaalaha ka ahayd meesha oo marka horeba aragtideeda hiifsanayd, waanay is xajin kari wayday oo waxay tidhi halkan (Faransiiska) dhibaatooyin farabadan ayaa nagu haysta oo uu Niqaabku kamid yahay

Anaguna halkan waxaanu u joognaa Ganacsi ee uma joogno in aanu diinta ama taariikhda muujino markaa hadad rabto inad xijaabato ood niqaabato ku noqo wadankaagii oo sidaad doonto u muuji iyada oo moodaysa qof sideeda oo kale carabaha ka yimid oo wadanka ajnabi ku ah.

Gabadhii Niqaabka sidatay ayaa joojisay alaabtii ay kiishka ku guranaysay oo iyadu goorahaaaba aamusnayd, si kadisa ayay Niqaabkii iskaga rogtay mise waaba Gabadh cadaan ah oo indho-buluuga ah leh iyada oo leh ‘’ Waxaan ahay Gabadh faransiisad ah cidna uma joojinayo ……tani waa diintaydii halkana waa dalkaygi………..Idinka ayaa diinta iibiyay Anaguna waanu Iibsanay''.

Turjumidii : Mohamedshakir Saed Abdi (Shaakir)

No comments:

Post a Comment