SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Shib ka dheh,sheekha waa la kariwayee!

Wakhtiga iyo wayaha kolba isbadalayaa ,waxa ay kuu noqonayaan cashar lama ilaawaan ah, xurkufta iyo is-xagashada dadka ka dhaxaysaana maaha mid waligeed istaagaysa,balse waxa ay ugu daran tahay marka ay Diinta gasho.

Waxaa laga sheekeeyaa nin wadaada , ayaa waxa uu imaam ka ahaa Masaajid ku yaala magalalo ka mida dhulka ay Somalidu degto,ninkaasi inta badan waxa uu noqday nin caado ka dhigtay dheeraynta Salaada Ilahay.

Markasta oo uu Salada dadka tukunaayo,suurada ugu yar ee uu soo qabsadaa waxa ay tahay "Qadsamic" ,dadkii uu tukinaayay ee Masaajidka ku xidhnaa ayaa waxa ay noqodeen kuwo sheekha ku-daba-tukashadiisa karha.

Sheekha laftiisa in badan ayaa lala hadlay ,iyada oo loo sheegaayo in aanay Diintu ogolayn,in ninka Imaam ka ah masjid Ilahay in uu dadka sida uu doono u Tukiyo,balse Sheekhii isaga ahaa arintaasi waa uu iska dhaga tiray.

Markasta oo sheekha lagu waaniyo in uu dadka salaada u dhimriyo una gaabiyo,waxa uu ku tilmaama dadka, kuwo aan Imaankoodu gaadhsiisnayn halkii loo baahno,waxaanu u fahmay hadii imaan koodu fiicnaan lahaa in ay salaadisa iyo suuradaha dhaadheer ee uu ku tukinaayo ay aqbali lahayeen kuna qushuuci lahayeen.

Sheekhi Imaamka ahaa iyo dadkii masaajidka ku xidhnaa ,waxa ay noqdeen kuwo aad u kala fogaaday ,ku-daba tukashadii sheekhuna waxa ay noqotay,mid niyada laga nacay oo aan wax kalgacal ah haba-yaratee aan loo haynin.

Waxaa kaloo dadka masaajidka ku tukada ka mida ,niman wadaado ah oo aan isaga ka cilmi yarayn,kuwaasi oo madamaa uu markasta jecel yahay in uu suurado dhaadheer dadka ku tukiyo, marka uu qaldamo ka raasa qaladka una saxa akhrinta quraanka.

Maalintii danbe ayaa ayada oo sheekhii sidii u cadada ahayd ,uu dadkii ku tukinaayo Suuratul Baqra,ayaa marka uu suuradii meel dhexe marinaayo ,ayaa waxaa ku adkaatay Aayadii uu markaasi akhrinaayay ,kadibna waxa uu u baahday in ay u saxaan culimada ku daba tukanaysaa,kuwaasi oo uu hore uga bartay in ay saxaan.

Sheekhii iyo Ayadii Quraanka ahayd oo isla cadilan,ayaa nin ka mida culimadii ku daba tukanaysay ayaa waxa uu damcay in uu sheekha Aayada u saxo,balse nin kale oo ku dhinac tukanaayay ayaa inta uu garabka ku shuftay waxa uu ku yidhi " Shib ka dheh waa la kariwaayee.

Hadaba markii sheekhii uu waayay cid ayadii u saxda,ayaa xanaaqii uu furka tuuray,kadibna waxa uu jajabiyay Quraanka dhamaantii ,waxyar ka bacdina waxa uu u diyaar garoobay in uu Salaada ka baxo,markii u horaysay ee uu dhinaca midig u salaama naqsaday ayaa waxa uu arki waayay cid agagaarkiisa ku tukanaysa ,hadana waxa uu u salaama naqsaday dhanka bidix,bal adba maxaad ii dhiibatay ayaa ka dhacday.

Sheekhu ilayn war ayaanu iska hayne, intii ay isaga iyo Aayadii Quraanka ahayd ee uu ku qaldamay ay isla rafanayeen,ayaa dhamaan dadkii ku daba tukanaayay inta ay salaadii sheekha ka goosteen ayay waxa ay samaysteen Imaam cusub.

Ma fiicna in Imaamyada masajidu ay dadka ay tukinayaan ay ku dheereeyaan akhrinta Quranka,Nabiguna csw waxa uu ka digay in dadka lagu dheereeyo,akhrinta suuradaha dhaadheer,waayo ayuu nabigu csw uu yidhi dadka waxaa ka mida mid waayeela,mid xanuusanaya ,mid caruura iyo qofmarkaasi degdegaaya,ilaa Nabigu raga qaar ka mida oo sidaas samayn jiray uu ku tilmaamay in ay Diinta Fidno ku yihiin ,dadkana ay ka eryayaan.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment