SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Macalinkaaga ugu wanaagsani,waa qaladkaaga kuugu danbeeyay.

Hadiiba aad tahay ruux ku nool wakhtigan xaadirka ah Dunida,walina aad ka mid tahay dadka aan wali u hayaamin ama loo qaadin Iilka iyo Xabaasha,waxa aad ogataa in saacad kasta iyo maalinkastaaba ay tahay mid aad arkayso wax aad ku faraxdo iyo wax aad ka naxdo.
Waa sunaha iyo jadwalka Ilahay SWC uu ugu talagalay Dunidiisan, in ay markasta noqoto mid is gagadib badan, maalinkastana waxa ay wadataa cashar iyo darsi lama ilaawaan ah oo ku tusinaaya shalay wixii aad ahayd.

Ha ku mashquulin markasta qaladka iyo qalooca aad gashay balse ku mashquul,qaladkasta sidii uu macalin kuugu noqon lahaa,hadaad ka doonto dunida guudkeeda inta aad joogto in markasta aad ku noolaato sida aad adigu jeceshahay,taasi ma kuu suura galayso,waayo Nolosha iyo maamulkeeda adigu gacanta kuma haysid,waxa ku haya oo maamula Allah.

Macalinku waa kan wax ku bara kuuna soo kordhiya wax aadan aqoon u lahayn,qaladka aad markasta naftaada iyo tan aadanaha aad ka gashaana,waa macalinka iyo aqoonyahanka kuu kordhiya wax aadan shalay aqoon.

Khaladkaaga u danbeeyey ee aad gashay,waxa uu noqonayaa macalinkaagii kuugu danbeeyay ee darsiga kuu dhiga,waxaanu kaaga bahan tahay in aad xafido waxna ku qaadato,hadii kalese way adag tahay in aad casharkaasi barataa.

W/Q.Khadar Aar

No comments:

Post a Comment