SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Wax ka barro taariikhda wadanka Singapore.

Waxaanu si taxano ah u billaabi doona taariikhda wadamada ayagoo kooban si aanu cashar uga barano oo aan uga dayanno waxyaabaha fiicfiican ee aan ku horumari karno bulshadeena. Hadabba waxaan ka bilaabi doona taxanahan wadanka Singapore .

Wadanka Singapore waxa uu ku yaalaa koofur bari ee qaarada Eeshiya,

Jamhuuriyadda singapor waxaa loo kala qeybiyaa taariikhdeeda sadex marxaladood oo aasaasi ah:-

1. Marxaladii isticmaarka boqortooyooyinki ganacsi.

Meesha juquraafi ahaan ee ku taalo Singapore aawadeed oo ah meel xiriirisa shiinaha iyo hindiya waxay quwadihii barigaa jiray u kala tartameen sidii ay u qabsan lahaayeen meeshaasi istaraatiijaga ah qarniyadii 16aad iyo kii 17aad, waxaana ka mid ahaa quwadihii ku loolamayey boqortooyadii bortaqiiska iyo boqortooyadii holan.

2. Marxaladii isticmaarka ingariiska.

Bilawgii qarnigii 18aad qaas ahaan sanadku marka uu ahaa 1819 ayaa ninkii lagu magacaabi jiray Raffles Thomas Stamford qabsaday wadanka Singapore halaasi oo ka aas-aasyay dakkad weyn sababo ganacsi aawgeed,kadib waxa ay ka mid noqotay mustacmarooyinki ama meelihii uu gumeysanaye ingariiska halkaasi oo qiimo aad u weyn u laheyd mandiqada koofur bari eeshiya hadee ahaan laheyd dhanka ganacsiga iyo milatariga.

Waqti kadib qaas ahaan dhamaadkii qarnigii 19aad iyo bilawgii qarnigii 20aad waxaa aad u ziyaaday ahmiyadda Singapore ee dhanka isku socodka ganacsiga iyo dhoofinta badeecooyinka ceyriin qaas ahaan birta iyo rabadhka ayadoo laga keenayo wadamada bariga kuna sii jeeda wadamada reer galbeedka, markii uu ziyaaday dhaqaalaha waxaa ziyaaday dadkii u soo hijroonaye Singapore si ay nolol fiican u helaan ayagoo dadkaasi ka imaanayey shiinaha iyo hindiya.

Japan ayaa awood u yeelatay in ay qabsadaan wadanka Singapore intii lagu guda jiray dagaalkii 2aad ee aduunka (1942-1945) laakiin ingariiska ayaa dib ula wareegay Singapore sanadku marka uu ahaa 1945.

3. Marxaladii gobanimadda.

Singapore ayaa xornimadii ka qaadatay wadanka ingariiska sanadka marka uu ahaa 1959. Sanadkii 1963 ayaa Singapore ku biirtay midawgii Malaysia waxa ayna noqotay qeyb ka mid ah. Sanadkii 1965 ayaa Singapore dib ugu noqotay la midowgii Malaysia waxala aasaasay jamhuuriyad oo madax ka noqday raiisul wasaarihii hore Lee KuanYew.

Tirada dadka Singapore:

Dadka wadanka Singapore waxaa lagu qiyaasaa 5,312,000 oo qof, waxuuna ka mid yahay wadamada cufnaanta dadweynaha ku badanyihiin ayadoo lagu qiyaaso in halkii km ku noolyihiin dad dhan 6112 qof.

Asalka dadka Singapore:

Dadka Singapore waxa ay ka kala yimaadeen markii laga reebo dadkii horey u daganaa oo kalluumeysato malaay ahaay wadamada shiinaha,hindiya,Pakistan,Indonesia, sirilanka bariga dhexe.

Luuqada Singapore:

Wadanka Singapore waxaa looga hadlaa 4 luuqadood oo kala ah malaay,mandarin, teymal iyo English.

Luuqada rasmiga ee xafiisyada dowlada, iskuulada,jaamacadaha waa English .

Diimanka ay dadka haystaan:

Diimanka ay dadka aaminsanyihiin dalka Singapore waxaa ugu weyn budistaha waxaa xiga islaamka kaalinta 3aadna waxaa ku jira armin 4aadna masiixiga ama kirishtanka.

Dhaqaalaha:

Sanadkii 1960 dakla Singapore waxa kaliya oo uu heestay waa mandiqada uu ku yaalo oo ah meel istiratiiji ah iyo shacab go’aan shaqo adag leh iyo hadaf cad, kasoo bilaabato waqtigaas ilaa hadda Singapore waxee gaartay horumar dhaqaale oo aad u weyn.

Waxbarashada:

Wadanka Singapore waxaa lagu sheegaa wadamada ugu tayada fiican caalamka dhanka wax barashada waana waajib in muwaadinka wax barto.

Waxa aan ka bara karno wadankaan waxaa ugu muhiinsan in aan noqono dad shaqo badan hadafkooduna waadix yahay oo isku daya mar waliba in ay xaqiijiyaan ahdaaftooda si ay ayaga iyo caruurtoodaba ugu noolaadaan nolol wanaagsan .

Sidoo kale waxaan ka bara karnaa wadankaan in aan noqonaa dad isku meel wax u wada wadankooduna horumariya ayagoo dhinac iska dhigaya kala fikir duwanaashaha hadii ay ahaa laheyd jinsiyad luuqad amaba diin laakiin soomaalida intaba waa iskaga mid inkastoo aan anaga aad moodid in aan gadaal gadaal u socono halka dadyowga caalamkana ay horey u socdaan, waxaan ku soo gaba gabeynayaa qoraalkaan aan uga hadlaaye wadanka Singapore in aanu noqonaa dad horey u socda

xigasho.tukesomalis

No comments:

Post a Comment