SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Sideeda arimood ee Ragga iyo Dumarku isu Guursadaan.

Waxa aan halkan doonayaa in aan kusoo bandhigo,waxyaabo badan oo an isleeyahay waxa ay sabab u yihiin mushkiladaha iyo dhibaatooyinka maanta ka dhextaagan qoysaska Somaliyeed.

Waxaa jira sababo farabadan oo ragga badan kiisa ku kalifa in ay u guursadaan,kuwaasi oo aakhirkana qayb ka noqdo jiritaanka iyo wada noolaanshaha labada qof ee is guursaday.

Ragga iyo Dumarka Somalidu kolay anigu sida aan isleeyahay inta badan xiliga dhalinyaranimada si fiican ugama fikiraan guurka iyo milgaha uu leeyahay,waxa kaliya oo iyaga iyo guurka isu geeyaana waxa uu noqdaa ,waxyaabo aan isleeyahay asal uma aha daganaanshaha qoyska iyo guriga la dhisi doono .

Qofkasta oo inaga mida rag ama dumar ,waxbaa ku kalifa in uu guursado,waxyabaha ku kalifayaana waxa ay xidhiidh la yeeshaan hadhaw jiritaanka iyo wada noolaanshaha labada qof ee isguursaday.

Hadaba sababaha keena ama ku kalifa in ay Ragga Somalidu guursadaan ayaa waxa an isleeyahay waxaa ka mida,arimahan aynu hoos kaga sheekayn doono,kuwaasi oo aan isleeyahay malahayga waxa ay u dhaw yihiin xaqiiqda jirta ee guurka Somalida.

Sideed arimood marka ay ninka Somaliga ah qaar kamidii ay horyimadaan ,ayuu guur ku fikiraa ama uu hawaystaa in uu gabadh guursado,sideedaa arimoodna waxa ay asaas iyo bud-dhig u yihiin guurkeena.

Guurka Dhaqaalaha ku dhisan.

Guurka Guun ka cararka .

Guurka goblan ka cararka.

Guurka Furaashka iyo Sariirta.

Guurka shaqalaha iyo danaysiga ku dhisan.

Guurka Alaabta.

Guurka aragaaga iga qari .

Guurka sharafta leh.

Hadii aan Sideedaa waxyalood aan is idhaahdo midkasta waxa aad ka bixisaa faalo kooban,waxa laga yabaa in aad iswaydiiso hadiiba midkastaaba ay sidan tahay,taasi saw markaasi cadayn mayso dhibatooyinka inta badan ka dhextaagan qoysaska.

1. Guurka Dhaqaalaha ku dhisan :-hadii aan ku horeeyo arintan,waxa ay noqonaysaa ragga qaar badan oo ka mida guur ma hawaystaan mana ku hamiyaan ilaa inta ay Lacag ka helayaan ay ku guursadaan,guurkiisu waxa uu ku xidhan yahay oo kaliya in uu dhaqaale holo,maalinta uu arka oo uu gacanta wax ugu jiraana in uu gabadh guursadaa waxba ku qaadan mayso,kadibna waxa ay ishelayaan gabadh dhaqaale kusoo raacday,balse aan dankale ka lahayn,halkaasna waxa ka abuurmaya guri dhaqaale ku dhisan.

Hadaba iyada oo ay fiican tahay in dhaqaalahu uu yahay lafdhabarta qoyska la dhisaayo,ayaa hadana waxa meeshii soo galaaya in aanu ninkaasi u midaan dayeyn habkii iyo sidii uu uga fikiri lahaa gabadha uu guursanaayo,waayo guurkiisu waxa uu ku xidhnaa dhaqaale,dhaqalahaasina hadii uu baxo waxaa suura gal ah in reerkiiba uu burburo,ilayn waxa kaliya ee reerka isu hayay waxa uu ahaa lacage.

2. Guurka guun ka cararka:-Yaad gaboobine guursobaan lahaa,waa hees Somaliyeed,Guunka ama guunta waa eray aanay Somalidu jeclaysan,waana kalmad ku tusinaysa nin ama gabadh aan guursan wakhtigii ku minaasabka ahaa.

Guun-nimadu maaha wax wanaagsan,waxkastaaba waxa ay ku fiican yihiin xiliga tamartaada iyo taagtaadu ay shaqaynayso in aad wax qabato,guurkuna kama gadisna kuwaasi,taas awadeed ayaa rag badan oo Somali ahi ay u guursadaan yaad Guun noqone dhakhso u guurso ama yaan Guun lagugu caayine dhakhso gabadh u keenso.

Hadaba arintaasi lafteedu waxa ay iyana qayb ka noqotay,waxyaabaha guurkii macna darida u yeelay,sababta oo ah, marka uu ninku ama gabadhu uu guursado isaga oo ujeedadiisa ugu wayni ay yahay yaan guun lagugu odhan,taasi waxa ay nuxurkii iyo kalgacalkiiba ka qaadaysaa milgihii iyo sharaftii uu guurku lahaa,kadibna waxaa soo galaysa guur ku dhisan in dhaliisha guunimada lagaga baxsado.

3. Guurka Goblan ka cararka:-goblan ka cararku waa ninka ama gabadha caruur uun raba,balse aan guurka dankale oo uu ka leeyahay aanay jirin,taasina aakhirkii waxa ay keentay in ninkaasi ama gabdhaasi ay caruur hesho in aanay dan ka galin waxyabaha kale ee uu guurku qiimaha ku leeyahay.

Waxa aad in badan dumarka Somalida ka maqlaysaa,iyaga oo meelahaasi ka leh, walaal ninkii waanu kala tagnay, balse maxaa iga galay hadii Ilahay Caruur iga siiyay,caruurtu waa wax wanaagsan,waana nuurkii qalbiga ,balse hadana waxaa halkaasi kaaga muuqanaysa ,in aanay khasaare u arkin burburkii qoyska balse ay ku farax san tahay madama ay caruur haysato.

Waxa kaloo jirta in ragabadan oo iyaguna marka ay caruur dhalaan isu arka in ay goblan ka baxeen,taas awadeedna ay u tahay farxad iyo sidii ay rabeen oo Ilahay u fudaydiyay,balse guurku maaha caruurta oo la dhalo oo kaliya.

4.Guurka Furaashka :-Rag ama dumar badan ayaa waxa ay guurkaba ku qiimeyaan furaashka iyo sariirta,balse marka ay intaasi aakhirka helaan,ayaa waxa soo baxda ,niyad jab iyo is faham la'aan,taasi oo ay sabab u tahay qaabkii gurigan lagu dhisay oo ku koobnaa oo kaliya Furaash ama sariir.

Arinta furaashku inkastoo ay tahay wax muhiim ah,ay fiican tahayna in uu qofku kaga dhawrsado xaraanta ,hadana markay ay dhisme guri iyo reer tahay arintu intaasi waa ay ka guda balaadhan tahay.

5.Guurka shaqaalaha iyo danaysiga ku dhisan :-Rag badan ayaa u guursada dumarka in ay guryaha uga shaqeeyan,dharkana ay u maydhaan inta uu guriga ka maqan yahayna cuntada iyo kolba waxa uu u baahan yahay usii qabata ,sidii gabadh jaarid ama boo'iso oo kalana ula macaamila.

Ilama-aha in ay arintaasi tahay mid fiican,gabadha guriga kugula nooli maha jaariyad ama shaaqiyad balse waxa uu yahay qof aad axdi iyo balan aad ku wada nooshihiin,midkiina kan kala kama sharaf badna ma jiro mid si gaar ah loogu shaqeeyaa iyo mid isaga lagu shaqaystaa.

6.Guurka Alaabta:-inta badan Guurka ku dhisan quruxda guriga iyo kolba alaabta guriga taala caynka ay u eeg tahay ,waxaa u badan dumarka,hablo badan oo Somaliyeed ayaan guur oo dhanba diiday kan caagay ,hadii aan loo dhigayn guriga alaab iyo qalab laga keenay dibada ama gudahaba,taasina waxa ay noqotay Guur ku dhisan kolba wixii yaala guriga.

Dumarbadan oo Soomali ah ayaa ragooda waxa ay kula joogan ama ay farxadeedu ay tahay hadba alaabta u talaa nooca ay tahay,maalinta alaab qurux badan loo dhigana waa ay farax san tahay,maalinta alaabta guriga u taala ay baali noqotana, iyana farxadeedu waa mid baali ah ama aan fiicnayn.

7.Guurka aragaaga iga qari :-Guurkan la magac baxay aragaaga iga qari, ,waa guur wakhtiyadan danbe aad Somalida ugu soo badanaaya ,waana guurka ku dhisan maalinta galinkeeda danbana ila joog, habeenkiina iga caraw oo aragaaga iga qari.

Guurkaasi intiisa badan waxa uu ka jira wadamada qurbaha gaar ahaan Yurub iyo wixi la halmala,waana guur ku dhisan in ninku ama gabadhu labada guri ee ay ku kala jiraan midba kan kale oo maalin soo booqdo, kadibna lasoo kala caraabo fiidnimada habeenkii.

Guurka noocaasi ahi maaha mid waara ama wakhti badan jira ,waana guur ku dhisan xaqdaro iyo dulmi,manaha aha guur faa'ido keena.

8.Guurka sharafta leh :-Guurka sharaftu waa kan ku dhisan Diinta iyo Allah ka cabsiga ,Guurka farxada ku dhisani waa midkii uu ku dardarmay Nabi Muxamad csw ee ka waramayay in qofka lagu doorto Diin iyo Akhlaaqda.

Guurka sidiisaba waxa uu sharaf ku leeyahay,in loo meel dayo,taas waxa aan uga jeeda qofka nolosha kula qaybsanaaya,ee aad doonayso in uu dunida kuu noqdo wehelkaaga rasmiga ah ,waxa fiican in aad looga fikiro,ee aanu noqon sidii neef xoolo ah ee melahaas lagasoo kaxaystay.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment