SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ingiriisku ha arko in dadka buurbuurani, abaarta keeneen !

Qaarada afrika waxa ay noqotay,mid ku can baxaday baryada iyo gacan-hoorsiga wadamada sisheeye, gaar ahaan Yurub iyo wixii la halmaala,taasi oo sabab u noqotay in aanay afriki marnaba ka fikir in ay wax taransato.

Somalidu waxa ay deegaan ku yihiin qaarada Afrika,wakhtigan xadirka ahna waxa ay noqdeen kuwa u liita dhinaca baahida iyo baryootanka aan kala joogsiga lahayn,taasi oo ina dhaxal siisay,in aynu xataa beeran kari wayno dhunigii aynu cunayno,una bahanay in ay markasta ay ina caawiyaan Hay'adahu.

Hadaba inaga oo ka anba qaadaynaa sheekadan ,dhibaatoyinkaa ina haysta,ayaa waxaan sheekadan yar ee kooban kusoo bandhigay,qiso iyo wada-hadal kooban oo dhex maray laba nin oo Somali ah,kuwaasi oo mid kamidinaa uu ahaa Mashaa Allah nin aad u buuran (cayilan) kan kalana caatada aad moodo in uu xanuusanaayo.

Madaama ay wadanka ka jiraan abaaro in badan soo noqnoqday,ayaa waxaa markasta idacadaha iyo TV-yada aad ka maqlaysaa iyada oo loo qaylo dhaan diranaayo,dawladaha shisheeye iyo hay'adaha wax caawiya.

Labada nin xaladkasta ha ku kala sugnaadaane, hadana waa laba nin oo saxiib ah, midkamida ayaa waxa uu soo maqlay in gobolka ay deegaanka ku yihiin ay kusoo wajahan yihiin,niman Ingiriis ahi ,doonaya in ay wax ka ogadaan xaalada dalka ama gobolka ay markasi degan yihiin.

Hadaba ninkaasi oo ahaa kii aadka u buura ama cayilnaa,ayaa waxa uu u yimi saxiibkiisi kale ee caatada ahaa,waxaanu uga waramay waftiga kusoo fooleh wadanka ama gobolka waxaanu yidhi:- saxiib waxaa gobolkeenan kusoo wajahan,niman Ingiriisa ,kuwaasi oo doonaaya dalka in ay indha-indheeyaan .

Sidaa awgeed ,waxa aan kaa codsan lahaa,madamaa aad tahay nin aad u dhuuban, in inta aanay inasoo gaadhin,aad jidhkaaga nafayqayso waxna cunto,si aan dalka loogu arag in uu yahay mid dhaqaalahiisu liito.

Ninkii wayda ama caatada ahaa ,aadkana u dhuubnaa ,ayaa waxa uu ugu jawaabay; jidhkayga wax aan ka badalayaa ma jirto,waxa aan donayaa in ay cadaanku iyo Ingiriisku ay arkaan,sababta markasta inoogu wacan dhaqaalo darrada iyo abaarta in ay tahay ,dadka sidaadaasi oo kale u buurbuuran.

Jacaylka aynu caawimada u qabnaa waxa uu ina gaadhsiiyay,in dadkii qaar ka mida ay ku fanaan in caatada iyo waydu ay tahay mid marka la arko lagu caawin karo,hadiise la arko jidhkooda uu barwaaqaysan in aanay jirin caawomo la siinayaa.

W/Q:Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment