SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Dawadaan Kudafada ku tuuray, halkee laga soo helay?

Wadamadan Yurub waxa ay horumar aan la taaban karin ay ka gaadheen,wada shaqaynta iyo xodhiidhka ka dhexeeya hay'adaha dawlada,waxaa laga yabaa laba wasaradood oo aan isku shaqo ahayni in ay hadana leeyihiin xidhiidh dhanka shaqada ah.

Wadanka Sweden oo xiliyadan aynu ku jirno ay dadka Somalidu aad ugu badan yihiin,ayaa hadana waxa aad moodaa in dadka badan kiisu aanay ka warhayn, xidhiidhka ka dhexeeya hay'adaha dawlada iyo sida ay isaga warhayaan.

Gabadh Somaliyeed ayaa wadanka Sweden waxa ay soo gashay muddo hada laga joogo dhawr sanadood,maalin maalmaha ka mida ,ayay gabadhii waxa ay tagtay dhakhtarka si ay ugu bandhigto xanuunka ay markaasi ka cabanayso.

Gabadhii markii ay dhakhtarkii u tagtay,waxaa lagu sameeyay baadhis aad u dheer,markii la helay xanuunkii ay ka cabanaysay waxa uu yahayna , dhakhtarkii waxa uu u qoray daawo loogu talagalay in ay qaadato muddo dhan laba bilood.

Dawada gabadhan uu dhakhtarku u qoray ,waa daawo qaali ah ,balse kharashka waxaa ka bixinaysa dawlada, madamaa aanay wax shaqo ah aanay haynin,taaso inta badan loo sameeyo dadka bilaa camalka ah.

Gabadhii markii ay dawadii qaadanaysay muddo ku siman sadax casho,ayaa waxa ku adkaatay in ay dawadii sii waddo,sababta oo ah qadhaadh aad u badan oo ay ka dareentay liqitaankii dawada.

Halkii ay dawada uga celin lahayd dhakhtarkii usoo qoray, ayaa sida inoo cadada ahayd marka aynu wadankeenii joognay , waxa ay samaysay,in ay dawadii ku tuurto kudaafada,kadibna waxaa qaaday baaburta loogu talagalay in ay kudaafada magalada ka guraan.

Gabadhii maalin maalmaha ka mida ,ayaa waxaa boostada waraqaha ugu soo dhacday ,warqad uga timi dhakhtarka ,taasi oo looga bahan yahay in ay dhakhtarka ay timaado,xiligii balanta ayay gabadhii waxa ay tagtay dhakhtarkii,markii ay la kulan tay qofkii balanta u qabtay,ayaa waxa la waydiiyay cafimaadkeedu sida uu yahay iyo in ay dawadii loo qoray qadatay iyo in kale.

Halkii wax kale laga filayay ,ayaa waxa ay ku tidhi dhakhtarkii,xanuunkaygii wax iska badalay ma jiro,walibana waa uu igusii siyaaday ,iyada oo aan hadana dhamaan dawadii la ii qorayna sidii dhakhtarku igula taliyay aan u wada qaatay.

Dhakhtarkii oo la socda in aanay dawadii qaadan,ayaa waxa uu ku celiyay hadal ah,ma hubtaa in aad dhamaan dawadii wada qadatay,ilayn Indha-adayg waa la'inagu yaqaanaaye ,waxa ay tidhii haa waan qaatay dhakhtar, hal-xabana kamaan tagin.

Dhakhtarkii isaga oo aan dhanna u jeedsan, ayaa waxa uu furay khaanadii miiskiisa, kadibna waxa uu kasoo saaray ,dawadeedii oo aan waxba iska badalin ,sidii ay ku tuurtayna ah,taasi oo laga soo qaaday,xarunta wayn ee la isugu geeyo kudaafada magalada.

Waxa uu tusay dhakhtarkii,qolofkii iyo intii xabbo ee ay ka isticmaashay,waxa kaloo uu tusay in qolofkan uu hayo uu ku qoran yahay magaceeda iyo goobta ay degan tahay,taasina ay cadayn u tahay in aanay dawadii qaadan.

Hadaba markii gabadhii beentii ay sheegaysay lagu qabtay,ayaa hada waxa ay sheegtay runtii iyo sababta ku kaliftay in ay daawada qashinka ku darto,waxa ay uga sheekaysay dhakhtarkii in ay xamili wayday dhadhankii iyo qadhaadhkii faraha badnaa ee ay dawado lahayd,kadibna ay garaadkeeda ka heshay in ay daawada tuurto.

Dhakhtarkii waxa uu u sheegay gabadhii,in ay adag tahay iminka wixii ka danbeeya sida loo aminaa,isaga oo kula taliyay gabadhii,in daawo kasta oo dhakhtarku uu siiyo,hadii ay qaadan kari waydo ,hal xabo oo kiniini ahna ha ahaatee, in ay dhakhtarka kusoo celiso oo aanay ku tuurin goobaha qashinka iwm.

Marka loo eego inaga dhaqankeenii ,arintan oo kale waa wax lala yaabo oo inagu cusub , goobta qashinka ee dawadan laga soo helay waa xarun wayn oo hadii aad aragto inta ay leeg tahay iyo waxa baabuur isugu imanaysa oo qashinkan dhigayso aad layaabayso,hadana waxaa dhacday in qolofkii yaraa ee Kiniinku ku jiray inta laga soo saaro in la horkeeno qofkii ku tuuray.

Gabadhani waxa kaliya ee ay samaysay waxa uu ahaa, caado iyo dhaqan aynu lahayn balse marnaba maskaxdeeda may galin in wadamadani ay ka hormareen dhinaca,maamulka iyo maaraynta dawlada.

marka loo eego dhaqankeenii,maaha wax lala yaabo ,sababta oo ah, inaga daawo kasta oo aad soo iibsato hadii ay cunisteedu ay kugu adkaato,waxa aad ku tuuraysay goobaha kudafada lagu rido,hadii aynaanba wadooyinkaba ku tuurin,ama aanay caruurteenu iyada oo daqadaha guryaha saran aanay cunin,waayo inaga ma jirto dhakhtar aad ku celiso oo kaa qadanaya,nidaamkaasina maaha mid iminka inoo dhisan.

Hadaba waxa aan kula talin lahaa,dadka Somalida ah ,in markasta nidaamkaasi aynu ka barano dadyawgan aynu u nimi,si aynu wadankeena uga dhigno mid horumar la taaban karo ka gaadha dhinaca horumarka iyo dibudhiska dalka.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment