SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qoso cajiib ah: Adeer maxaan ka sheegaa naag Uurleh !!

Dhaqanka Somalidu waa mid aad u adag una qalafsan marka aad meelaha qaar aad eegto,waa dhaqan ay adag tahay marar badan in aad ku aragto waxyaabo badan oo naxariis laga dareemi karo,waa dhaqan qalafsan .

Inkasta oo aynu dhaqankaasi adag ee axmaqnimada ah intiisa badan ,aynu kala nimi tariikhdeena soo jireenka ah ee dhinaca dumarka ,tasoo keentay in xataa intii aynu magaalo galka baranay in aanay inaga bi'in.

Dumarku waxa nolosheena aynu ku dhisan nahay ,waana kuwa dhidibada ugu adag sida ,waxaanay ka kooban yihiin: Hoyada,walaasha ,Eedada,Habaryarta,Ayeeyda iyo xaaskii aad qabto, intaasi oo dhan hadii aanay jirin way adkaan lahayd in ay nolasheenu jiri lahayd.

Uurku wa caloosha Hooyada,gar ahaan meesha ay Ilmaha ay siddo ku qaado,waana makaan iyo goob Ilahay ugu talagalay in uu ku xafidu Ilmaha ay Hooyadu sido, taas awadeed ayaa loo baahan yahay in Hooyadaasi la xanaaneeyo ixtiraam iyo niyad-samaan dheeradana in la siiyo.

Gabadh joogta wadamada dibada mid ka mida, ayaa waxa ay talafoon u dirtay dadka mida faamliga ay ka dhalatay,gaar ahaan kuwii iyada ehel ahaan ugu dhawaa,iyada oo rabta in ay ka waraysato xaalkooda iyo kolba wixii kusoo kordhay,madamaa dhulka miyigu uu yahay mid duruuftiisu ay iska badan tahay.

Gabadhii markii ay talafoonkii kula hadashay dadkii ehelkeeda ahaa,ayaa waxa ay sii gaar ah talafoonkii loogu dhiibay ninkii markaasi reerka ma masuul ahaa iyadana adeerkeed ahaa ,waxa ay waraysatay xalkiisa iyo kan reerka uu masuulka ka yahay.

Ninkii isaga ahaa waxa uu gabadhii uga waramay waxkasta oo agtiisa muhiim ka ahaa,waxa uu u sheegay in dhibaato aad u badani ay maanta haysato,taasi oo uu ku sifiyeeyay ,Adhigii oo intisii badnayd ay dhicisay ,waxfiicana aanay u dhalin sanadkan isaga ah.

Ninkaasi isaga ahi waxa uu kalee uu gabadhii uga waramay ,waxkasta oo agtiisa ku waynaa oo ay ka mid ahayeen adhigaasi Dhiciyay iyo neefafkaasi xanuusanaya ee kanbalka reerka aan dhinacna u dhaafin.

Waxa kaloo iyana warkiisa ku jirtay, wakhti aad u dheerna ay ku qaadatay ka warbixinta Awr uu lahaa oo isaguna Lugta wax ka noqday,taas awadeedna uu maanta u baahan yahay in laga gacan qabto loona iibiyo Awr uu reerku rarto marka uu guuraayo.

Hadaba waxa layaableh in markii ninkii odayga ahaa iyo gabadhii uu adeerka u ahaa ay wada sheekaysteen ,ayaa gabadhii waxa ay codsatay in talafoonka loogu dhiibo Edadeed oo markaasi ahayd Islaantii reerkaba iska lahayd xaajigana xaaskiisa ahayd.

Markii talafafoonkii la iska salaamay,ayaa gabadhii soo hadlaysay,waxa ay islaantii reerka ka waraysatay xaalkeeda iyo sida ay tahay ,iyada oo ugu horaysiisay in ay ka waranto cafimaadkeeda wakhtigan xaadirka ah.

Gabadhii reermiyiga ahayd ee uu udaygu qabay,waxa ay hadal ku bilawday

""Eedo waanu iska fiicanahay,wakhtigan xaadirka ahna waxa aan leeyahay Uur Sagaal Bilood ah aadna waan isaga xanuusanayaa "" .

Intaasi markii ay maqashay gabadhii talafoonka kasoo hadlaysay ,ayaa waxa ay iswaydiisay,maxaa ku dhacay adeerkaa uu kuugu sheegi waayay in xaaskiisii ay fool tahay isla markaana ay xanuun la il'daran tahay ,halka uu maanta oo dhan kaaga waramaayay Lax dhicisay oo ilmahu kasoo dhacay iyo neef Geel ah oo lugta ka dhutinaaya.

Gabadhii talafoonka ku hadlaysay iyada oo cadhaysan ,waxa ay codsatay in talafoonka adeerkeed marlabaad loogu dhiibo ,markii loo dhibayna waxa ay ku bilawday hadalka ah ,

""adeer intii aad Lax dhalaysa iiga sheekaynaysay iyo Awr lugta ka jabay ,maxay ayaad iigu sheegi wayday in Eedaday ama xaaskaagu ay Uur kuu leedahay xanuuna ay la ildaran tahay ""

Odaygii ismaba dhibine inta uu qosol dhag-dhag kasiiyay ayaa waxa uu ku yidhi inantii "maxaan ka sheegaa Adeer naag Uurleh ma wax rag waawayni ka sheekeeyaa""

Gabadhii yaab iyo amakaag ayaa qabsaday shanta dhaban ayay qabsatay,talafoonkii ayay ku hadli kariwayday, waxa ay dareentay halka Rag iyo dumar ay kala marayaan,waxa ay ogaatay in neefka adhiga ahi uu ka qaalisan yahay mararka qaar gabadha dhan ee reerka iska leh.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment