SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qof bulshada ka caan ah noqotaye,maxaad caan ku noqotay ?

Dad badan oo dunida guudkeeda ku nooli waxa ay in badan ka fikiraan sidii ay hal mar ay caan ku noqon lahayeen,taas awadeed waxa ay u maraan talaabo kasta oo ay isleeyhiin caan ayaad ku noqonaysaa ama dadku waa uu kugu aqoon sanayaa.

In qof caan ah la noqodaa maha wax sidaasi u fudud ,hadana hadii dhinaca kale laga eego waxa aad caan ku noqon kartaa wax yar hal daqiiqo,waxaase kala gadisan in aan noqoto qof caan ku ah wax wanaagsan iyo in aad noqoto qof caan ku wax laga xishoodo.

Dhalainyarada Somaliyeed wakhjtiga xaadirka ah in badan oo ka midi waxa ay u tafa-xayteen sidii ay caan uga noqon lahayeen,aalada Internadka sida Facebook,Youtobe iwm,baraahaasi oo ay soo dhigayaan waxyabo ay isleeyhiin dhakhso ayaad caan ugu noqon kartaa.

Bal iswadii,halkii aad ka fikiraysay in bulshada oo dhami ay ku wada barato,aadna noqoto qof dadka oo dhami ay wada yaqaan,kawaran hadii ay dadka oo dhami ay kuu arkaan qofka dadka ugu akhlaaq iyo anshaxa xun in aad tahay,sawtaasi dhaawici mayso sharaftaadii iyo karamadaadii,mise adiga taasi kuuguma jirto talada,muhiimadaaduna waxa ay tahay oo kaliya in ay dadku ku bartaan,waa khasab in ay dadku ku bartaan balse maxay kugu barteen.

Hadabna dhalin-yarow waxaa iswaydiinle,sababta ad marka hore u rabto in aad can noqoto ,maxaay ayaa kugu kalifaaya in aad caan noqoto,waa maxay danta ugu muhiimsan ee kaaga xidhan in aad noqoto qof ay dadka oo dhami ay wada yaqanaan.

Dhalinyarada badan keedu hadii ay ogaan lahayeen caannimadu cadawada ay leedahay,waxaa laga yabaa in aanay ku dhiiradeen in ay ka fikiraan in ay noqdaan qof dadka oo dhami uu wada yaqaano.

Sideen dhakhso caan ugu noqdaa?

Hadii aad doonayso in si dhakhsa ah aad ku noqoto, qof dadka oo dhami wada yaqanaan ,doonaysana in kayar haldaqiiqo in aad dunida oo dhan aad caan kaga noqoto,cida kaliya ee caannimadaa ku gu kaalmaynkartaa waa shaydaan iyo Ibliis.

Dhalinyaro badan oo Somaliyeed,ayaa waxa ay markaxdoodu siisay in ay caan ku noqdaan waxyaabo badan oo dadku ka xishoodo,waxa aad markasta baraha ay dadku ku wada xidhiidhaan aad ku arkaysaa,sawiro iyo waxyaabo fara badan oo ku yaab galiya oo dhalinta qaar ka midii ay rabaan in ay isku soo caan saraan.

Waxyabaha kale ee iyadana aad arkayso waxaa ka mida,dad maqal iyo muuqaal soo galinaya youtobka,isla markana ka hadlaaya waxyaabo ay ahayd in laga xishoodo,waxa kaliya ee dadkaasi u gaynaaya in ay waxaasi sameeyaana ,waa sidii ay bulshada caan u noqon lahayeen.

Hadii uu qofku xayada iyo xishoodka uu ka dago,wax ka yar hal daqiiqo ayuu kusoo shaac baxayaa,kaliya waxaba ku filan in inta uu dharka dhigto uu isaga oo qaawan uu soo istaago shaashadaha la iska arko,taasi waxa ay keenaysaa in uu hal daqiiqo dadka oo dhami ay ku bartaan,balse ujeedadu waxa ay tahay caan noqotaye maxaad caan ku noqotay.

Dad badan oo dunida ku nool ayaa hada waxa ay caan ku yihiin ,waxyaabo naftooda halis galiya,sida buuro ay iska soo turaan ama waxyaabo aad looga naxo oo naftooda halis kalinaaya.

Sideen wax fiican caan ugu noqdaa?

Maxay ayay tahay sababta kugu kalifaysa in ad caan noqoto,ma ogtahay qofka ku talagala in uu caan iska dhigo in aanu waligiina caan noqon,balse ma la socotaa ,dadka maanta dunida caanka ka ah ,ee aad rabto in aad kaalintooda oo kale in aad gadhaa ,in aanay ku tala galin awalkii hore in ay caan noqodaan.

Maskaxdaada ka saar in aad rabto in aad caan noqoto,balse dadka u qabo shaqo fiican oo joogta ah,adiga oo aanay kugu jirin in aad caan noqoto,kadibna waxaa laga yaaba in aad caan iyo qof lawada yaqaano aad noqotaa ,waxa ay ku xidhan tahay hadba bulshadu sida ay kuu aragto.

Dadka dunida maanta ugu maalqabeensani ,hadii aad wax ka waydiiso, sidii ay ku noqdeen dad maalqabeena,waxa laga yaaba in ay kuu sheegaan in aanay habeena ku seexan in ay taajiriin noqdaan.

Kuuma diidani in aad ka fikirto in aad qof caan ah noqoto ,balse waxaan kugula talin lahaa, iska jir in uu shaydaan kaa dhigo qof caan ka ah bulshada dhexdeeda,balse caan iyo qof la yaaqaano ku noqo wax wanaagsan oo adiga iyo dadkaba anfaca.

Haltalaabo ayaa kun talaabo ka bilaabantaa.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment