SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Guryahaan dhistay eeg ,hadalkaa waxaa laga hayaa, Siyaasi Somaliland u dhashay!!

Maalin malmaha ka mida aniga oo markaasi xafiiskaygii iska fadhiya,aan filayana in ay saacadu ay tahay,11:30 duhur nimo ,ayaa waxa ii yimi nin aanu markaasi saxiib ahayn,runtiina lagu tilmaami karo in uu yahay Wasiiradii dawladii Daahir Riyaale ku jiray, raga loogu aaminka badan yahay.

Salaan iyo ka qaadis ka bacdi,waxa uu igu amray in aan soo kaco,kadibna aanu isracno,waxa aan waydiiyay Wasiir maxaa maanta soo kordhay,waxba ayuu igi yidhi ,balse hadana waxaa iiga muuqata in Wasiirku maanta waxbadani ay ka si-yihiin.

Ilahay hortii waa aan raacay,markii masaafo aan sidaasi u badnayn aanu ka soconay goobtii uu markaasi xafiiskaygu ku yaalay,ayaa inta uu gadhigii joojiyay,Hanbirigana u jiiday,ayuu soo qabilay dhankayga.

Waxa uu hadal ka bilabay,saxiib waxa aan arkay wax layaable oo aanan islahayn inta aad nooshahay waad arkaysaa, ama waad maqlaysaa,marka uu sidaa i leeyahay wajigiisa qushuuc iyo dhabana hays ayaa ka muuqda.

Gartay horayba in Wasiirka ay wax kusoo kordheen,balse hada waxa aan ka codsaday in uu daboolka ka qaado waxa uu arkay ee ka yaabiyay,inta uu yar qoslay sidii wax muunsoonaya ilkahana cadeeyay,ayaa waxa uu ku tiraabay hadalka ah balaayo aan kaa yabin balaayo mahan,waxa kaloo uu raciyay hadal goosgoosa oo ah "ilayn tuugo la qarsado ayaan arki jiree tani waaba daahir yaa shamis.

Wasiirkii waxa uu hadalkii ku bilaabay:-

Saxiib waxba kaa qarin maayo,xalay ayaa waxa gurigayga aniga oo iska fadhiya,oo caruurtayda la cayaaraya,ayaa waxa ii yimi oo albaabka igu soo garaacay nin aad si fiican u taqaano isna ku yaqaana, ahna nin ka mida wasiirada dawlada hada nagula jira.

Ninkaasi markii uu ii yimi,isla markana aanu waxyar sheekaysanay,ayaa waxa usoo dhacay Talafon markaasi sida aan u arkay uu sugayay,waxa la hadlaya oo Talafonka usoo diray Niman Dilaaliin ah,kuwaasi oo ah nimanka Guryaha iyo Dhulka Magalada Hargaysa kala iibiya.

Midkamida dilaalinta ayaa waxa uu wasiirka u sheegayaa,in ay u heleen Bakharadii uu rabay in uu iibsado,kuwaasi oo tiraba shan bakhaar ka kooban ,sida aan hadalka marka hore ka dhan dhan saday,kadibna uu isagu ii faahfaahiyay.

Yaab ayay igu noqotay,waayo waxa an ogahay ninkan iyo wakhti yir ka hor ,sida uu uu xaalkiisu ahaa ,waxa aan ku ogaa in uu ahaa nin magalada Hargaysa ku lahaa oo kaliya hal guri oo markaasi caruurtu u degan tahay.

Markii uu Wasiirkii talafonkii dhaymstay,nimankii dilaalinta ahaana uu hawshoodii kala tuuray,ayaa waxa uu i siiyay war iga yaabiyay, ,waxa aan waydiyay ,mudane Wasiir ma adiga ayaa guryaha iibsanaaya? waxa uu igu yidhi inta uu qoslay haaaa,waxa kaloo uu ii raciyay aniga ma sidadaad i moodaysaa! yaab ayaan qoslay.

Yaab, sheekadii waxa ay isu badashay in aniga laftaydii lay tashkiiliyo,la'iguna tilmaamo mid aan tacab iyo tamartoona aan lahayn, mar hadii aan xoolaha umada Guryo ka dhisan wayay,waxa aan ku idhi ,wasiir aan kula kaftamee, imisa guri ayaad Hargaysa ku leedahay,waxa uu iigu jawaabay,tiraba inta aan garanayo,toban qaar kamida ay bakhaaro yihiin,waxa kaloo uu iiraciyay,hargaysa oo kaliya kuma koobni ,Burcana iigu dar.

Wixii intaasi ka danbeeyay,waxa uu ii galay sida uu hantida dadwaynaha u boobo,waxa uu iiga sheekeeyay,in Gurigii u horeeyay ee uu Hargaysa kulahaa,waddo ama jid markaasi hortiisa mari jiray ,dadwaynahana u ahaa waddo ay ka adeegtaan, in uu gabi'ahanba uu jaray, kadibna uu ka dhigtay dhisme uu gurigiisa ku darsado.

Hadaba wasiirku markii uu sheekadaa ii dhameeyay,ayaa waxa aan waydiiyay waxa uu aniga maanta iga rabo,waxa uu iigu jawaabay, waxa aan ka rabaa,in aad isoo tusto ninkaasi wadada uu leeyahay waan jaray ee uu ku faanaayo, in ay run tahay iyo inkale.

Waxa aanu dib u istadhanay gadhigii,waxa aanu soconaba, markii aanu soo gaadhnay halkii gurigiisa hore uu ahaa wasiirka ,ayaa waxaa naga horyimi,jidkii oo go'an,lagana dhisay dhisme lagu garab qabay guriga hore ee wasiirka.

Hadii aan sheekada waxyar dib idiinku celiyo,anigaygan idinla hadlaya waxa aan xasuustaa ninkasi wasiirka ah ee uu ii sheegaayo saxiibkay,markii xilka loo magacabay ,bil-amaara malintii lagu dhawaaqay wasiirnimadiisa ,waxa aan shaahitu u ahaa ,isaga oo gaadhi Xajiyada kusita TV aan markaasi isleeyahay malaha isaga iyo gadhigu waa ay isleeyhiin.

Maalintaasi ayaan waxa aan ogaday,in ninkani uu yahay mid ka madhan, caqliga iyo garaadka fiican ee uu Ilahay umadiisa galiyay,waana mida keentay markii danbe in uu ku faano islamarkana aanu qarsan, boobka iyo bililiqada xoolaha dadwaynaha(agoonta)

Ninkii isaga ahaa,hada wakhtigan aan joogno,ma jirto cid faamligiisii ah oo wadanka haba-yaratee joogtaa,kan ugu dhaw caruurtiisii waxa uu ku nool yahay qarada eeshiya ,inta kalana maqrib iyo mashriq,biilka caruurtiisa qurbaha loogu diraana ,waxa ay kasoo baxaan, guryahii umadan masakiinta ah ee abaaraha iyo darxumadu ay baabiisay laga iibsaday.

Hadaba qosolku haduu taagan yahay,ma ogtahay in ninkii laftisii,uu wakhtigan xaadirka ah hadana uu u sharaxan yahay jago wasiirnimo,miyaad la socotaa in uu ka mid yahay,dadka had iyo jeer ka dooda TV yada isaga oo umada ugu baaqaya in uu haduu isaga iyo xisbigiisu ay dalka qabsadaan in ay barwaaqo gaadhsinayaan.

Ma ka warhaysaa in dadkii uu xoolahooda iyo hantidooda uu boobay,oo sifiican u yaqaanaa, ay yihiin wakhtigan xaadirka ah ,kuwa hadana u sacabtumaaya ,kuwaasi oo maalinkasta lasoo taagan TV yada,waa geesigii aan godob lahayn,Allah qabyaladi xumaa,tuugii ku dhacay ayuunbaad qabyalad hadana ku tageeraysaa.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment