SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Barta Facebookeda waxa ay kusoo qortay, in ay ku dhimanayso dalka......!

Ma jiro qof ka warhayaa meesha uu ku dhiman doono iyo goorta oo dhiman doono,hadana iyada oo ay sidaasi yahay,ayaa waxaa dhici karta in hadal iyo qawl aad adigu tidhi in Ilahay SW kugu xukumo.


Waa laga fiican yahay in waxyabaha naftaada iyo ehelkaagaba khatar galin kara in aad saadaaliso,wax kasta sida ay u dhacayaan Ilahay udaa,balse adigu ha noqon mid noloshiisa sadaal xun u horseeda.

Gabadha layidhaahdo Rita Chami una dhalatay wadanka Libnaan, ayaa waxa ay barteeda Facebook kusoo bandhigtay qoraal , gabay ah ama shicir tilmaamaaya,murugada iyo warwarka ka haya,nafteeda in aanay soo nabad qon doonin.
 
Hadaba waxa ay iswaydiinta lihi waxa ay tahay,maxay ayaa gabadhan ku kalifay in ay ilaa heerkaasi iska-dhaadhiciso in wakhtiga dhimashadeedu ay ku eeg tahay dalka turkiga.

Gabadhan intii aanay safgarka usoo galin dalka turkiga,waxaa geeriyootay hoyadeedii ay dhashay oo markaasi u dhimatay cudurka loo yaqaano Kansarka,taasi oo murugadii iyo warwarkii ay ka qaaday geeridaasi ,kula shawrtay nafteeda in aanay dhafayn wakhti dhaw iyana in ay geeriyooto.

Hadaba gabadhaasi markii ay dhimatay,sababta ay u dhimatay may ahayn warwarkii iyo walacii ka haystay dhimashadii Hoyadeed,balse waxa ay ku geeriyootay weerar dad hubaysani ay ku qaadeen ,habeenkii sanadka cusub 2017 goob ay dadku ku caweeyaan,halkaasi oo ay ku geeriyoodeen dad gaadhaaya 39 qof oo ay ka mid ahayd.

Abaheed oo wax laga waydiiyay,ayaa waxa uu sheegay in xiligii ay safarka u diyargaroobaysay,ay kula taliyeen in ay iska dhaafto safarka ay ku tagayso dalka Turkiga,balse qofna halka uu qabrigiisu ka qodan yahay lagama celinkaro.

Taasi waxa ay ku tusinaysaa in gabadhaasi geeridii ay tamaniyaysay in ay ku dhimandoonto dalka turkiga ay ku rumawday,balse sababkii iyo sadaashii ay ka fakiraysay in ay geerideeda sabab u noqon doonaan may dhicin,Ilahayna waxa uu ku sababay in ay Qarax ku dhimato.

Qofkasta oo inaga mida in uu geerida xasuusnaada waa wax fiican,hadana iyada oo ay sidaasi tahay waxaa fiican in camal iyo cibaado fiican loo samaysato lagana diyaar garoobo,Nabiga csw ayaa nin waxa uu waydiiyay,goorta uu qiyamahu uu dhici doono,kadibna Rasuulku scw waxa uu ku yidhi maxay ayaad u diyaar satay,waa jawaab ku haboon hadalka ninkaasi.

W/Q.KHadar Aar.

No comments:

Post a Comment