SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Sheekh Shariif oo Insha Allaahudii soo Ilaabay,markuu Ingirisiga bartay!!

Madaxwaynahii hore ee Somaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa waxa uu ka mid aha madaxda farakutiriska ah ee marka ay hadlayaan laga dheehan jiray hadaladooda in ay ku badan tahay waxyabaha Diniga ah sida Aayado Quraana iyo Axadiista Nabiga csw oo uu soo qaato.

Waxa uu ka mid ahaa ragga inta badan marka ay khudbadaynayaan ku halqabsada Quraanka iyo Axadiista Nabiga csw,taasi waxa ay wakhtigaasi u ahayd dhaqamo iyo astaan ay dadku ku yaqaneen.

Sheekh shariif waxa uu soo noqday madaxdii sare ee Maamulkii Maxkamadaha isaga oo kasoo qabtay xilkii ahaa Xoghayahii Maxkamadaha ,taasina waxaa u sahlay in uu marka hore ahaa nin lagu tilmaami karo in uu u janjeedho dhinaca Diinta.

Sheekh shariif waxa uu asaaskiisa nolosha uu ahaa nin wadaad ah, isla markana qunyar socod ah,waxa lagu tilmaami jiray in uu ka mid ahaa culimadii qunyar socodka ahaa gaar ahaan garabyadii aadka ugu dagalami jiray in shareecada Islaamka wax lagu maamulo.

Sheekh shariif waxaa xukunka madaxnimada uu warejiyay sanadkii 2012 kadib markii uu doorashadii kaga adkaaday Xasan Sheekh Maxamuud,taasina waxa ay keentay in uu sheekh shariif iyo dhamaan qoyskisiiba ay ka haajiraan dalka.

Sheekh shariif wakhtigii uu dalka ka maqnaa oo lagu tilmaami karo ugu yaraan 5-4 sano waxa uu ku maqnaa wadamada Yurub iyo Maraykan,taasi oo markasta idacadaha laga maqli jiray in uu sheekh shariif u-gunti-gaabsaday sidii uu dhinaca Luqada Ingirisiga isaga soo dhisi lahaa.

Hadaba wakhtigan aynu joogno sheekh Shariif waxa uu ku soo noqday magalada Muqdisho halkaasi oo uu ka wado olole-siyasadeed oo uu doonaayo in uu madaxnimada marlabaad uu kusoo baxo.

Waxyabaha layaabka leh ee isoo jiitay markii aan dhagaystay Khudbadahiisi ayaa waxa ay ahayeen, Seekh shariif oo aan hadaladiisii ka waayay kalmadii hal-hayska u ahaan jirtay ee INSHA ALLAH,taasi oo ah kalmad waajib ay tahay in qofkastaba uu balanqaadikiisa ku daro,madama aanu ogayn wax uu la kulmi doono.

Hadaba Sheekh Shariif oo hore kalmadaasi si aad ah u isticmaali jiray wakhtiyadii hore,ayaa hada markii uu soo bartay luqadii Faranjiga ama Ingirisiga,waxoogaa siminaarana uu kasoo qaatay Reer Galbeedka, ayaa gabi ahaanba waxa hadalkiisa ka tirtirmay ama kaba baxday kalmadii khayriga ahayd ee Insha Allaah,taasi oo uu ku badalay in waxkastaba uu yidhaado waan qabanayaa.

Intiinii daawatay waxa laga yabaa in Khudbadaha uu hada jeediyay hadii aad u fiirsataan qaar ka mida,waxa ku jira hadalka ah:-

Aniga rajada aan ka qabo in aan madaxwayne noqdaa waa boqolkiiba boqol,waa kuu sheegaa,madaxwaynaha hadaba soo socdaa waa aniga ee hadaba ku talagal,

Dhaqamada iyo afkaarta shisheeye dhibteeda ayay leeyhiin hadii adan waxbadan ka taxadarinna waxaa dhici kartaba in fikirkaaga iyo maskaxdaadaba ay badalaan,ogoy hadii maalinkasta ay halkalmad kaa lunto waxaa meesheedii soo galaysa mid qalaad oo adan adigu lahayn.

Kalmada ah INSHA ALLAH maaha wax la sahashado,waxanay ku tusinaysaa in waxkastaba ay yihiin kuwo ku xidhan Ilahay Amarkiisa,taas awadeed ha lagu dadaalo Isha Allah in uu carabkeenu barto oo aynaan marnaba aynaan ilaabin.

Sheekh shariifna waxaan rajaynayaa in uu dib kasoo xasuusan doono kalmadii uu halhayska u lahaan jiray ee aanu sidaasi kaga tagi doonin.
Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar101@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment