SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Sheeko hadaad doonayso, Basaska Hargaysa raac!

Gudaha basaska u kala goosha magaalada Hargeysa waa sida madal la isugu yimid oo kale, waxa aad moodaa in aan u jeedoba la isugu iman ee madadaalo la isugu yimid. Lama aamuso haddana la isma dhagaysto,
waa la hadlaa haddana la isma maqlo, waa la dooddaa haddana la isuma garaabo. Waa la buuqaa, waa la qoslaa, waa la sheekeeyaa, waana la kaftamaa.

Maba moodid meel dan yar oo kooban loo soo koray ee waxa aad moodaa madal ama kulan wada hadal dood sheeko iyo haasaawe u jeedadiisu ahayd. Oday, islaan, wiil, gabadh, oori, dhammaan waa u siman yihiin goobtan oo waa laga wada dhurmaa. Siyaasaddaa la falanqeeya, mar qabiilada ayaa la kala sheegaa sida ay u kala laandheeraysan yihiin, mar magaalooyinka ayaa la isugu faanaa, mar oday iyo islaan ayaa da’da ay jiraan isu qabsada, kuwo wada socday ayaa iyagu arrimahooda ku dhex faalleeya goobta, gabadh beri wax heleen baa ka sheekaysa, mid baa telfoon u soo dhacay kor ugu hadla, laba gashaantimood oo wada socda ayaa qosolkooda halkan laga maqlaa.

Haddii aad u fiirsatid dadka saaran basku waa dad kala wada duwan, kala maan ah, kala fikir ah, kala jeeb ah, kala ujeeddo ah, kala shaqo ah, kala duwan oo aan isku meelna u wada socon. Mid baa gurigiisii ku socda, mid baa ka socda , mid baa shaqo ka yimid, mid baa ku socda, mid baa suuqa u jeeda, mid baa afar buug sita, mid baa mijin jaad ah gacanta ku sita mid baa…

Halkan agtaada ayuu wiil ku hor fadhiyaa telfoon u soo dhacayaa ‘Waanigan baskii hadda ka dagaya ee halkeen kuugu imaaddaa?’ ayuu odhanayaa hadda mar dhawayd buu soo koray baska iskaba daa ka dagis e’! Gabadh gashaanti ah oo garabkaaga fadhida ayuu haddana telfoonkeeda gacantu u soo dhacayaa ‘Hee hooyo, xaafaddii baan joogaa ciyaalkiina waan cashaysiiyay oo qooshkii baa ii hadhay’ hadda baska ayay saaran tahay!

Sheekada iyo kaftanka dadweynaha u dhaxeeya sidaad u dhaganaysanayso ayaad mar mar dhaafaysaa barti aad ku dagaysay, mar marna jahawareer iyo khalkhal ayay kugu ridayaan halka ay mararka qaar kaa xanaajinayaan.

Waxa ugu badan ee dadka gaadiidka guud saarani ka hadlaan ama falanqeeyaan waa siyaasadda. Dhaliillo iyo ammaan dawladda loo hayo ayaa la isugu jawaabaa taas oo mararka qaar gaadha heer gacmaha la iskula tago kadib marka la is af-dhaafo!

W/Q.Muna Axmed Cumar.


No comments:

Post a Comment