SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Saxiib Afrikaan kasoo hadlayaa , waanan iska bashaalayaa !!

Dhalinyardii Somaliyeed waxa ay maanta buux dhaafiyeen wadamada ku yaala qaarada Yurub iyo wixii la halmaala ,sida Maraykan,kanada,Ustareliya iwm ,magaalo kasta oo ka mida dalalkaasina waad ugu tayasaa.

Waxaa igu kalifay in aan qoralkan yar ee kooban aan idiin soo qoro,kadib markii aan dhagaystay laba nin oo dhalin yaro ah oo sheekaysanaaya,kuwaasi oo mid kamidii uu agtayda uu fadhiyo , kan kalana uu markan joogo ama uu kasoo hadlaayo Afrika gaar ahaan dalka Ethopiya.

Hadaba ninkii dhalinyarada ahaa ee aanu wada fadhinay,ayaa waxaa dalka Ethopia kasoo wacay ama kala soo hadlay nin ay sii fiican isu yaqanaan,balse uu markaasi ku ogaa in uu joogo wadamada Yurub mid ka mida, hadase safar ku gaadhay wadanka Ethopiya .

Ninkii aanu wada joognay ayaa waxa uu waydiiyay saxiibkisii kala soo hadlaayay Ethopiya,halkee ayaad joogtaa oo aad igala soo hadlaysaa ? kadibna waxa uu u sheegay in uu kala soo hadlaayo Afrika.

Isla hadalkii isaga oo sii wata waxa uu ku yidhi, saxiib Ethopiya ayaan iska bashaalayaa,waxa kaloo uu uga sheekeeyay,in isaga laftiisu markii uu afrika joogay ay dhalinta Yurub iwm ka yimadaa ay ugu faani jireen,ka imaanshaha Yurub iwm,taas awadeedna uu hada isaguna usoo dhoofay,si uu dadka afrika jooga,ugu faano in uu Yurub ka yimi.

Hadaba waxyabaha kale ee iyaguna layaabka leh waxaa ka mida, in ninkaasi uu uga sheekeyay saxiibkii ,in uu Afrika u yimi in uu iska tamashleeyo ,isaga oo ku faraxsan Basaaborka yurub iyo qadar lacag oo uu sito oo tiradiisu ay dhan tahay kun doolar.

Waxaa kaloo layaableh ,in dhalinyarada Somalidu marka ay wadamada Yurub, Maraykan iwm,marka ay imanayaan waxa ay usoo maraan dhibaato aad u farabadan,taasi oo qaar ka mida ay ku dhacdo in ay naftooda ku waayaan,qaar kamida waxa uu waalidkood usoo ibiyaa dhulkii iyo guryahii ay lahayeen.

Hadaba iyada oo imaatinka Yurub sida lagu imanayaa ay tahay mid aad u adag,ayaa hadana dhalintu aanay jirin wax sidaasi ah oo la taaban karo oo ay ka qabsadaa,marka ay wadamada sharciyada ka helaan ,marla laga reebo rag fara-kutirisa oo wadamadan la fahmay.

Nin kaasi dhalinyarada ah ee aan hada idiinka sheekaynaayo,waxa uu ka tagay wadamadan isla markii uu sharciga qaatay ,helayna lacag qadarkeedu uu dhan yahay kun doolar,waxa uu garadkiisa iyo maskaxdiisa ka helay,madama uu sharci uu diyaradaha ku racana uu haysto iyo kun doolar oo uu maalmaha u horeeya uu magalada ku gali karo ,in uu dalka ka dhoofo.

Maaha arin sahlan in wadan yurub ka mida inta aad markaaba sharci ka hesho in hadana aad ka dhuufto,balse Somalida waa wax u fudud,taasina waxaa keenaaya fahamka iyo ujeedada ay yurub u yimadeen oo ka qaldan.

Ninkasta oo wadamadan yimaada,waxa uu ka heli karaa fursado aad u farabadan oo ay ka mid yihiin,shaqooyin iyo waxbarasho,iyada oo ay dhanka shaqooyinku wakhtigan ay yurub iyo wadamada gaalada ay ku yaryihiin, hadana waxa ay ku xidhan tahay qof iyo dadaalkii.

Dhalinta Somalida waxaa ku fiicnaan lahayd in ay fahmaan dhulkan dhibaatada iyo halaaga ay usoo mareen in ay yimadaan,taas awadeed waxaa ila fiican iin naftooda iyo tan ehelkoodaba ay uga faa'ideeyaan.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment