SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Halaysugu yimaado,shirwayne qaran, oo lagaga tashaanaayo dhibatooyinka Qaadku inagu hayo . W/Q.Ex:Xildhibaan Ifraax Cali Kirix.

Waxa la gaadhay wakthigii aynu ka dhiidhiyi lahayn dhibaatada qaadku ku hayo dhaqaalaha iyo caafimadka, Waxa maanta igu dhaliyey inaan u gacan qaado maqaalkan yar ee kooban muqaal aan ku arkay baraha bulshada qaarkeed, kaasi oo ahaa Hooyo da' ah ,oo kuuli ku jirta amaba shaqada dhismaha iyo koox rag ah oo meel agteeda aan ka fogeyn jaad la fadhiya, sidii oo anay ka qasnayna u jilbo laabtay .

Waxay maskaxdaydu is weydiisay, tolow ma dhici kartaa hooyadaa in ninkeedii iyo curadkeediiba ay sidaaso kale jaad u cunayaan oo aanay warba u hayn anfaaciga ay cunayaan sida lagu soo helay ama loogu soo dhididay.

Mar-labaad waxaan is weydiiyey, laga yaaba inaanay caruurteedu weyneyn abahoodna xaqii u yimi bal adba labaduba waa suure gal .

Tan iyo intii aan garaadsaday, bulshoweynta somaliland waxa xoogooda ama ragoodu saxiib la ahayeen geedka qaadka, oo raga inta badan mid ba in ka cuni jirey mid badsada iyo mid yareystaba; waxaan is weydiiya bulshadeenu ma taqaana saynis ahaan wuxuu qaadku yahay , hadaba aynu is weydiino qaadku waxa uu yahay.

Waa maxay qaadku ?

Geedka qaadku waa geed meel dhexaad ah oo dhererkiisu u dhexeeyo dhawr mitir ilaa mitirro badan ; wuxuu ka baxaa dhul buuraley ah oo hawadiisu qabowdahay, roobkuna ku badanyahay.

Qaadka waxaa ku jira labada maaddo oo ah Katiin iyo Katinoon oo ku abtirsada qoyska maandooriyeyaasha ee Amfitamiinka.

Waxyeellooyinka qaadka :-

1. Caafimaadka

a) Dhimirka

b) Dheefshiidka

t) Afka

j) cudurada dheef-shiidka ku dhaca iyo kuwa marinada hawada.

Qaadku kuma eeka oo keliya inuu bulshada dhib caafimaad u geysto ,se waxa uu curyaamin iyo fadhiid ba ku noqday wax-soosaarkii bulshada ;xog ururino ay samaysay hayada UNDP oo ku sabsanaa dadka isticmaala qaadka ,ayaa waxay daaha ka qaaday in 70% dadka isticmaala ay yihiin dhalinyarada ee ay da'doodu ka hooseyso sodomeeyada .

Tani waxay cadaynaysaa in bulshadeena xoogeedi ay la fadhiyaan jaadka oo wakhtigooda inta u badan ay ku lumiyaan cunida jaadka.

Inta badan dhallinyarada qaadka isticmaasha, waxay isugu yimaadaan, goobo Marfeshyo ah oo ay ku qayilaan, iyagoo marka ay ruugayaan(cunayaan) qaadka isticmaala Cabitaanno kulul sida Shaaha, waxaana Afar saacadood illaa Todobo Saacadood oo waqtigooda ka mid ah ku lumiyaan cunista Maandooriyahani halista ah ee Qaadka .

Saacadahaasi tirada badan oo ay dhalintani fadhiyaan ,hadii ay bulshada iyo naftoodaba uga faa'idayn lahayeen tacab iyo waxsoosaar ,waxay keeni lahayeen fa'iidooyin fara badan ; qaadku waxa uu burbur dhaqaale oo aad u weyn ku yahay hantideena .

Cunidda qaadku waxay wax yeeshaa hantida, iyadoo sabab u ah bixinta kharash badan oo aan khasaaro mooyee faa’iido u lahayn qofka geliya. iyo guud ahaan qarankaba,

Tusaale ahaan :-

Qaadka waxa dadkeena sanad walba kaga luma dhaqaale kor u dhaafay 100.000.000 ( boqol million oo dollar iyo ka badan iyadoo habeen walba malaayiin dollar oo lacagta adag ah loo waarido dalka aynu ka soo iibsano jaadkan, halka dadkeeniina baahi abaar iyo burbur la il daran yihiin.

Dhibaatooyinka dhaqaale darro ina haysta awgood, waxaynu inta badan u qaylo dhaansannaa gargaar hey’ado ama dawlado shisheeye ah. Haddaba, mar haddii aynu innaguba si micno darro ah u gubeynno dhaqaaleheenna, sidee baynu u fili karnaa in dunidu baahideena ka garawdo ?.

Hadaba inagoo sidaa u dareensan ,dhibaatada caafimaad iyo dhaqaale ee qaadku inagu hayo marna ma isugu nimi shirweyne qaran oo aynu kaga arrinsanayno, xal u helida aafadan bulshoweynteena cududoodi samaysay.

Hayadaheena sharci dajinta iyo qorsheyntu ma keenen marna qorsheyaal umada lagaga wacyi gelinayo dhibaatada masiibadan qaadku inagu hayo ?

Hadaba guntii iyo gabagabadii bulsho ahaan haddii aynu dareensanahay foolxumada isticmaalka qaadka ee dhaqaale burburka, nolol burburka iyo cafimaad darada maalina ma is weydiinay maxaa talo ah ee inoo dana marna ma is qiimeynay oo ma dareensanahay dhibaatada intaa leeg ee uu inagu hayo iyadoo.

Ugu dambayntii waxaan ku soo gabagabaynayaa tixahan abwaanadu tiriyeen oo ka waramaysa foolxumada qaadku leeahay


Qalbi kacay qalab aan lahayn qaadow adigaa leh.

Labo qaawan oo aan is qabin qaadow adigaa leh.

Qol ciriiriyoo qaac lagu iltiray qaadow adigaa leh.
Mar kale waa kii Hadraawi lahaa :-


Kasoo baxa iilka qaadka

Adduunka ragaw mar kaalay

Ilaah samihiisa daawo

Abuurtiyo heega daawo
Waa qalinkii/ Ifrah Ali Kirih.

No comments:

Post a Comment