SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qof lagu jiro Allah og,maxaa loola jeedaa?

Somalidu inta badan waxa ay isticmasha, ereyo laga yaabo hadii dib loo raadraaco in ujeedada ay ku timi ay tahay mid aan sax ahayn ,asalkooda iyo meesha ay ka yimaadeena uu yahay mid waxkale ka turjumaaya.

Inkastoo aan eraygan ah,nin ama ruux lagu jiro Alla og, aan in badan maqlaayay,hadana waxa aan hada ku xasuustay,kadib markii aan arkay saxiibo akhyaara oo doonaaya mid ka mida in u duceeyaan,kuwaasi oo dadka kalana ka codsanaaya in ay ducada kusoo darsadaan,ayaa waxa ay isticmaleen erayga ah ; Qof lagu jiraba Alla ogo noo soo duceeya.

Hadaba anigu dadka lama yaaban,waxaana dhici karta in ay iyagu iga saxsan yihiin,balse hadana aniga garaadkayga iyo kalmadan sida aan u haysto waxa ay tahay,in kalmadani ay tahay mid aan asaaskeedii hore aanu wanagsanayn.

Macnaha ay samaynayso kalmadu marka sideeda loo eego,waxa ay ku tusinaysaa ruux lagu jiro,su'aasha iswaydiinta lihi hadaba waxa ay tahay ,ruuxan ama qofkan maxaa ku jira? yaa ku jira ? maxaa loogu jiraa? goormaa waxan ku jiraa uu galay?ma imaan ayaa ku jira misse jin iyo shaydan, yaa ku jira horta qofkan.

Su'aalahasi oo dhami maha kuwo si sahal ah aan uga wada jawaabi karo,balse hadana,waxa aan isku dayayaa in aan duuduub uga jawaabi karo, intii karaan kayga ah,iyada oo aan ka shidaal qaadanaayo erayga laftiisa.

Inta aanan su'aasha jawaabteeda aanan si toos ah u abaarin,bal waxyar aan ka idhaahdo,iyada oo aan kalmada wax fasira lagu samayn,waxa ay Somalidu uga jeedo,ama waxa sababay in xiliga ay rabaan in ay isu duceeyaan waxan ay kalmada usoo qaataan.

Somalidu inta badan waa dad aad u Diin jecel,waxanay jecel yihiin in markasta oo ay ducaysanayaan,in ay ku ducaystaan,kalmado iyo eroyo laga yaabo in ay badankoodu waafaqsan yihiin shareecada,qaarkoodna aanay wafaq-sanaynba,kuwaasi ayuunbay kalmadana ay lamid tahay ujeedada guud ee ay uga jeedaana waa duco iyo Allah bari.

Hadaba marka aan intaasi kaga tago muhimada kalmada iyo ujeedka ay dadku ka leeyihiin,aan usoo gunda dhaco,kalmada iyo macnayaasha faraha badan ee ay bixinayso ama laga dhandhan sankaro.

Marka horaba hadii kalmadan looga jeedo "Ruux iimaan ku jiraba Allah og,taasi waa sax, mana laha wax dhaliila ,waxanay markasi noqonaysaa kalmad iyo duco haysata abaartii saxa ahayd ee loogu talagalay.

Balse hadii kalmadan,ku jiritaanku ay tahay,mid dabada ku haysa, khurafaad iyo shay aan markaasi diinta ku banaanayn,waxa ay noqonaysaa mid danbi inagu ah,waanay ku xidhan tahay hadba qofka isticmaalaya iyo waxa uu uga jeedo ama uu qalbiga ku hayo.

Waxa aynu in badan maqli jiray,qofkaa waa lagu jiraa ama qofkaasi waxbaa weheliya,halka aniga oo ka duulaya ayaa shakigu iman kara ,waxaana laga yaaba in ay jiraan dad badan oo fikirkan ila rumaysan.

Wakhtiyo aad u badan oo ay Somalidu soo martay dhinaca diinta ,ayaa waxa kaliya oo loo malayn jiray in qofka markaasi lagu jiro, isla markaana waxa ku jiraa ay *Jin iwm in uu yahay ,qofkaasi mid awliyo ah,taas awadeedna waxaa loo isticmaali jiray eraygan ah,qofkaasi waa lagu jiraa ama waa la weheliyaa.

Hadaba eraygani sidiisaba marka dib loo raaco tariikhdiisa waxa uu noqonayaa mid ku suntan,waxyabahii khuraafaadka ahaa ee ay dadku barigaasi amin-sanaan jireen,kuwaasi oo xidheedh la lahaa dadyawga jinka iyo waxaasi aaminsanaa.

Inta badan dadka Jinka iyo waxaasi aamin san,ayaa marka ay ka la hadlinayaan qofka markaasi jinku uu ku jiro,ayaa waxa ay ku yidhaahdaan,waxa aanu jecel nahay in aanu idinla shaqayno,tasina aakhirka waxa ay keentaa in qofkii aanu jinku kaba bixin ee uu isaga laftiisa usoo shaqo tago,maalinkasta nolol ka ka raadiyo.

Hadaba hadii eraygan "qof lagu jiraba Alla og loola jeedo wanaag iyo Imaan,taasi ma xuma,balse waxa aan ku talin lahaa,waxa ila fiican in la badalo Eraygan ah,qof lagu **jiro** waxaa igala quman in la isticmaalo,kalmad markasi ka sharaf iyo macaani badan oo ah,*noosoo duceeya ama isoo duceeyay,Ilahy noosoo barya,kalmadahaasi oo ah kuwo qofna aanu ka shakin karin.

W/Q.Khadar Aar

No comments:

Post a Comment