SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Dumarku necebaa in lawaydiiyo Da'dooda,raguna adeerta necebaa!!

Inkastoo rag iyo dumarba aan marnaba la jeclayn waxa loo yaqaano Da'da,qofkastaanaba uu jecel yahay in aan lagu sheegin mid aad u Da'wayn,hadana waxa aad moodaa in ay ragga dumarku kasii xagjiraan.

Ma jiro nin jecl in markasta Adeer lagu yidhaado,walibana ragga qaarkii ma jecla adeerta waanay ka dagalamaan,gaar ahan marka ay ku leeyhiin dumarka iyo hablaha yaryar ee uu isleeyahay la sheekayso.

 

Hadaba waxaa laga yabaa in raggu marka ay adeerta neceb yihiin,ay badidooda ka tahay kaftan iyo is-yeelyeel,balse Dumarka mid ka mida hadii ad Eedo ku tidhaahdo waxa laga yabaa in aad isdishaanba.

Waan ogahay oo caad igama saarna,in aanay dumarku labatan jir dhaafin ,waxaana ila fiican in loo daayo halkaasi,hadiibay ay suura galayso in ay labaatan jirkaasi ahaanayso,mana xuma in niyada iyo qalbiga la isugu dhiso.

Dumarku waxa ay dadka ugu neceb yihiin qofka ku yidhaahda imisa jir ayaad tahay,arintaasina dumar oo dhan ma khusayso balse waa marka ay waxoogaa yar cusladaan ,ayaanay jeclaysan su'aashasi.

In waydiinta Da'du ay dumarka ku xuntahay,waxaa laga sheekeeyaa,Bas ayaa waxaa soo fuulay laba dumar ah,Baskana waxaa ka banaan hal kursi oo kaliya,labadii dumar ahaan halkii kursi ee Baska ka banaanaa ayay isku qabsadeen,waanay kala bixi waayeen,aakhirkiina waxa ay keentay in ay ku sigtaan in ay isku dilaan.

Ninkii gaadhiga Baska ah wadaha ka ahaa,ayaa markuu arkay in Dumarkii ay jiq(xanaaq) isku yihiin ayaa waxa uu damcay in uu soo kala dhex galo,waxa uu si degan ula hadlay labadii dumar ahaa,waxaanu u sheegay in ay isdajiyaan.

Waxa uu ku yidhi Labadii Dumarka ahaa ,ma idiin garqaadaa,waxa ay ugu jawabeen haa adaanu kugu kalsoonahay,waxa uu ku yidhi kursigan ha isku qabsanina,labadiina tii ama midii Da'wayneey ku fadhiiso.

Hal mar ayaa labadii Dumar ahaa dib uga joogsadeen kursigii,waxaa la waayay mid ku dhacda kuna fadhiisata,kadibna mid kamida ayaa waxa ay tii kale ku tidhi,iyada oo si degan oo naxariisle ula hadlaysa,Walaal adaa iga wayne ku fadhiiso kursiga,kutee tii kalana, maya waalaashay macaan adaa iga wayne kursiga ku fadhiiso.

Intii ay midiba mid kale lahayd walaal iyo macaan,isla markana aanay midina ku fadhiisan kursigii ayaa babuurkii waxa uu gaadhay halkii ay labaduba ay Baska kaga dhaadhici lahayeen, kadibna iyaga oo taagtaagan oo aanay midna fadhiisan ayay Baskii ka daadageen.

Taasi waxa ay calamad iyo tilmaan cad u tahay in aanay dumarku ogolayn in lagu cadeeyo ama la waydiiyo cimrigooda iyo inta ay jireen,waxanan ku talin lahaa,ragaw dumarka iska daaya cimrigoodana ha waydiinina.

Ragga laftiisa kuwa neceb Adeerta,waxaan u sheegayaa,si kasta oo aad adeerta u necbaato waxaa in yar kusoo jirta Awoowo ee iyadana u diyaar garaw.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment