SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Si ballaadhan u feker!

Bulshooyinka dunidu sida ay u kala ayaan badanyihiin, si la mid ah bay u kala hoog daranyihiin. Badhaadhaha ama baaba’ba bulsheed waxa uu xidhiidh toos ah ama dadban la leeyahay, heerka garashada iyo aqoonta bulshadaas.

Kolkaa bulsho wali ba heerka aqoonteeda ayey kaga badbaaddaa ama ay u haleelaan colaadaha, gaajada iyo masiibooyinka kale ee noloshu. Aqoontana sideeda ba cidda xambaarsan ayaa ama fidiyisa oo tarmisa ama meel la yuurursata dabadeed iil la gasha.

Aqoonta qiimaha lihi waa tan ummad ka soo doojisa turunturrooyin ku maqnaa, ka dhayda dhaawacyo ay qabto ama waa aqoonta tusta ifka hagaagsan ee gudcurka ka soo luudisa. Haddii aanay tacliintu intaas midna tarayn - oo ay rogaalka- bulsho darxumaysnayd dalluun iyo hog baas ku sii ridayso ama iftiin yar oo u bixi lahaa ka bakhtiinayso, waa barkumataal iyo balaayo ee aqoon san ma aha.

Bulshadeenna dhirbaaxooyin xanuun kulul oo dhegahooda ka dayaamaya ayaa soo maray. Jahli badan baa colaadihii iyo dawlad la’aanta u raacay oo hoos ula sii degay. Waa taa ilaa maanta qolo wali ba ta la jaarka ah qaniinsan ee aanooyin ka tirsanaysa, waa kaa oday wali ba barigii ay reerka kale jabiyeen makhaayadaha kaga baanaya, waa taa da’yartu nolosha reer galbeed u haysta indho-sarcaad aan cidi hollin karin ee si ay u magangalaan badaha ugu le’anaya.

Kalsooni haddii in uun quluubtooda ku beernaan lahayd, saw kama ay fekereen in ay nolol dhulkooda ku samaystaan? Aqoonta dhabta ah baa kalsoonida abuurta.

Bari aan sii fogeyn baynu dunida aqoonta ba kulaalnay. Innooma ay cuntamine, waa innagii macallimiintii aqoonta innoo keentay shiidka iyo dagaalka kala hortagnay. Innagama ay daaline waa kuwii si walba isugu dayey in ay nolosha aqoonta inna dhadhansiiyaan, waa tii Guulluhu ku guulleeyay.

Waa innagan ilaa hadda la korayna ee maalin ba alifku innoo kordhayo. Dhallinyar door ah baa innoo kacday oo ilqabawsi laga dhiganayaa tan iyo jeerkaas looxa iyo dawaadda aynu barannay. In ay da’yartaasi ummadda geeddi lagu badhaadho u raraan baa laga wada dhursugayaa. Oo la innaga sugayaa.

Masuuliyad culus baa tunka innoo saaran haddii aynu nahay dhallintaas darka aqoonta u hormay. Halkii Maxamuud Axmed Cali, Gaandhi iyo haldoorkii aqoontu soo gaadhsiiyeen in aynu hore uga sii wadno mooyee, in aynu dib uga dhacno kolna la innagama sugayo innaguna iskama filayno. Xilka gudashadiisu inna saarantahay waa uu ka badanyahay ku qofeed ama qoyseed.

Fekerka iyo aragtiyaha la innaga sugayaa waa ay ka ballaadhanyihiin ka wiilka yar ee reergalbeed laga sugayo – bulshooyinka aynu ka kala dhalannay baa taas waajibinaya.

Ka sokow masuuliyadda guud ee da’yarta, inta qalinka sidata xil aad u wayn baa korkooda saaran. Qalinku waa awood dhakhso badan oo gaadha meelo fog, waa awood raandhiis leh oo dhignaata muddo badan sidoo kale qalinku waa qalab wax dhacsiineed kol haddii akhrisku yahay sida ugu badan ee dadku wax u weeleeyo.

Sidaa daraaddeed, cid wal oo qalinka sidata waxa xil ka saaranyahay baahinta aqoonta bulshada doojinaysa, isku soo dhaweynaysa, isjeclaysiinaysa, horumarinaysa if iyo aakhiro iyo aqoonta lama huraanka u ah.

Aynu ka fekerno in aynu ummaddeena u qorno sooyaalka bulshooyinka jabkeenna oo kale soo maray iyo sidii ay kaga baxeen, tabihii dooniyihii qarqoomay ay u samato baxeen.

Aynu ummadda u soo tebinno aqoonta sayniska qaybeheeda yaabka leh iyo horumarrada lagu gaadhay, laamaha iyo jaadadka tiknoolajiyadda ee silica iyo inkaaraha aynu kaga bixi karno. Maxa innoo diiday in aynu noqonno farajka khayrka leh ee awoowyadeen iyo ayeeyoonkeen ku Alle baryi jireen? Aynu noqonno waynu noqon karnaaye.

Ilmaha ku dhego barjoobay sheekada reeraha iyo qabiilooyinka tobannaan sanno ka hor kibirka isku laayey, aynu u soo tebinno qisooyin awoodihiisa iyo kartidiisa carin kara ee tusi kara in uu dunida maamuli karo oo uu awood u leeyahay.

Tilmaamaha taariikhda ku xardhan iyo qofafkii isbeddellada togan dhaliyey aynu ku harqinno bulshada, la arkee in ay mid innaga mid ah ka dhigaan farajkeenna. Aynu qoraallada naxariista leh ee taariikhda ku taxan ku daweyno gasariirkan maskaxeed ee inna barriinsaday. Aynu bulshada tusno in aanay dhibta dhaxal u yeelan ee ay ka bixi karto oo aynu ka saari karno.

Si ballaadhan aynu u fekerno oo qalinkeennu dunidan kubbadda ah hadba dhan ha docadoceeyo. Haddii kale habaaska aynu fadhino oo waligeen tusaale ha innoo noqdo ninka qoraalkiisu wadaad dhinacna u dhaafi kari waayey ee turunturro ama gef qofeed u ekaysiiya dhaliil diimeed.

Si ballaadhan u feker.

Saddaam Xuseen Carab

Hargeysa, Somaliland

No comments:

Post a Comment