SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Guri gubtay, tobankii qof ee usoo gurmadayna midkasta Mobil ku duubtay.

Waxyabaha aadka u layaabka leh ee aad marba marka ka danbaysa aad dadka Somalida ah ku arkayso waxaa ka mida,sida qaldan ee badawnimada ah ee ay u isticmaalayaan Internedka iyo Mobaylada.

Khalad badan ayaynu ka fahamnay Intenedka,waxaanad moodaa badawnimii in ay marba marka ka danbayso inagusoo baxayso ,tasina waa midsa maanta ka muuqada sida aynu u isticmaalayno Mobelada iyi Internedka.

Guri ayaa waxa qabsaday dab ,kadibna waxa usoo gurmaday dad tiradooda lagu qiyaaso Toban qof,kuwaasi oo midkasta oo ka mida halkii laga filaayay in ay dabka guriga haysta ay bakhtiyaan,ayaa midkastaba waxa uu jeebka kala soo baxay Mobayl ,kadibna waxa uu duubis ugu dhaqaaqeen in ay duubaan oo kaliya sida dabku u baabiinaayo Gurigii ay jaarka ahayeen.

Waxaa taasi kaba sii daran ,midkasta oo ka mida dadkaasi waxa uu ku dhawaqayaa sida wariyayaasha hadalo ay ka mid yhiin;walalayaal noosoo duceeya waad aragtaan gurigani sida uu u gobaanaayo dabkuna uu u holcaayo.

Waxa kaloo hadaladooda ka mid ahaa hadad usii dhaba gasho ,waxa aanu u baahanahay ducadiina hadii aad tihiin asxaabta Facebook idinkama maarano,ducadiinu waxbadan ayay noo taraysaa waad aragtaan xalada dabku in ay gabi ahaanba gurigii iyo intii ku dhawaydba ay baabiisay.

Arintan oo kale waxaa layidhaa Qosol gariir,markii uu dabkii dhamaan gurigii iyo intii u dhawayda uu baabiyay,ayaa midkasta oo dadkii ka mid ahiba waxa uu bakhtiistay moobaylkii uu watay,kadibna waxa uu marlabaad u diyar garoobay sidii uu u hubin lahaa wixii ay duubeen cida sheer tidhi, like iyo commanti cida ka bixisa,halkaasna waxaa ku gubtay kuna shuf beelay Gurigii ay jaarka ahayeen.

Dhalinyaradii maanta waxa ay maraysaa meel aad u halisa,waakaa garaadkooda iyo caqligoodiiba uu siiyay in ay gubashada guriga ay sidii filimka inta ay duubaan ay kolba halka uu xaalkiisu maraayo ay dadka ay saxiibada layihiin ay u gudbiyaan.

Aqoontii iyo garashadii waxa aynu u isticmaalay si khaldan,waxa aynu dhaxal wareejinay qaabkii iyo hanaankii loogu talagalay in Internedka iyo Mobaylkaba loo isticmaalo,taasina aakhirka waxa ay ina dhaxal siinaysaa nolol la'aan,waana mida sababtay in guriga jaarkaaga ah aad daawato adiga uu mobayl ka duubaaya.

Waxyabaha kale ee aan iyana xasuusto waxaa ka mida , maalin maalmaha ka mida aan dawaday nin watay babuurta yaryar ee sadax lugoodlayda ah ee loo yaqaano Bajaajka,kaasi oo ka gubtay ninkii lahaa,halkii ninka baabuurka iska lihi uu Bakhtiinlahaa babuurkiisa ,ayaa inta uu ka degay kadibna jeebka kalasoo baxay Mobayl waxaabu ugu dhaqaaqay duubis isaga oo kolba dhinac ka maraaya,

Hadaba tasaa naf laga sugayaa,Internadkii iyo waxyabahii casriga ahaa waa ay inooga dareen,waxaanay inala marayaan meel halisa.sababtuna wax kale maaha waa badawnimadii lafta inagaga jirtay oo korkeena kasoo daahirtay.
Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar101@gmail.com

Twitter @khadar_aar

WQ/Khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment