SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Maxaad samayn lahayd ,markaad Janada gasho ?

Waxaa mahad balaadhan iska leh ,Allaha khaaliqa ah ee ina abuurtay,iinoona soo diray rasuulkeena Muxamad ah nabad galiyo iyo naxariisi korkiisa ahaato,Ilahayna waxaan ka baryaynaa in aynu noqono kuwa jidkiisii raaca.

Janadu maaha wax aynu halkan kaga sheekayn karno,sida uu Ilahay Quraankiisa ku sheegay ma jirto Janada Ilahay aduumahiisa wanwanaagsan u diyariyay, cid saadaalin karta caynka ay u eegtahay iyo nolosha dhextaala sida ay u qurux badan tahay.

Balse caqligeena iyo garaadkeena gaaban ee aynu aduunka la dhex joogno, ayaa waxa uu markiiba inoo sawirayaa in ay janadu tahay,meel lagu raaxaysto,guryo iyo beero aad u qurux badanina ay ku yaalaan.

Hadaba waxaa la yaab ah,raaxada janada taala talaw waa mid sidee ah,qofkasta oo inaga mida oo janada Ilahay galaa macnaheedu ma waxa ay tahay in la siinayo Guryo iyo Beero aad u waawayn,haa taasi quraanka ayaa sheegay,waana mid run ah.

Ilahay ayaa xaalka Janad og,waxa kaliya oo aynu ka haysanaa ,fikir ah inta uu Quraanku inooga sheegay ,balse aanu caqligeenu fasiri karayn,waayo Ilahay ayaa waxa Quraankiisa ku yidhi,janadu waa goob aanay Il-Binaaadam aanay arag, Qalbi bini'adamna aan kusoo dhicin.

Dadka badankiisa waxaa daashaday, Dunidan oo xataa hadii aad dhaqale iyo aduunyo intaad u bahan tahay aad hesho,hadana aanad marnaba aanad dareemayn raaxo iyo nasasho,markasta oo uu shilin kuu kordhaba waxaa kuu kordhaaya daal iyo madax-xanuun.

Guryaha aduunka aynu ka dhisano,waxa aynu kala kulanaa dhibaatooyin aan marnaba lataaban karin,Guri aduunyo hadii aad doonayso in aad dhisato,waxa marka hore lagaaga baahan yahay in aad leedahay dhulkii aad ka dhisan lahayd.

Hadiiba aad dhulkii hesho,saw ma ogid,waxa ku sugaaya sharciyay iyo in aad dawladaha hoose ee magaladada aad gurigaga casayn iyo cadaynba aad u samayso,balse ha moodin in markaas aad gurigii u madax bananaanayso,balse waxaa kuu bilabanaysa wax layidhaa ardiyad oo ah kirada guriga aad dhisatay.

Balse Guriga Ilahay SW uu janadiisa kaaga diyariyaa marnaba la mid maahan Gurigaasi aduunka ee aynu ku dhibanahay,Guriga janada awalka hore hadii Ilahay uu gacanta kuu galiyo,lagagama baahna Dhul aad leedahay oo Guriga lagaga dhiso,waayo meeshu waa aakhiro aakhrana Dhul iyo ismaamulkan dunidu kama jiro.

Hadii gurigaagii dunida,bilkasta laga qaadi jiray,lacagta laydhka (korontada) iyo tan biyaha ma ogtahay in aakhiro aan wax lacaga aan lagaa waydiinayn,qalabka iyo alaabta kuu taala maaha mid aynu garanayno Rabbi SW isagaa og meel uu ka keenay.

Rag iyo dumarba xiliga guurku waa mid aad u dhibadan,qofkasta oo inaga mida oo markaasi damcay in uu guursado,waa ay u adkaanaysaa in uu isaga oo aan aduun gacabnta ku hayn in uu guursado.

Hadaba hadiiba Ilahay SW uu guryahiisa janada uu inoogu deeqo,ma ogtahay rag iyo dumarba in aan laynooga baahnayn hanti iyo lacag aynu ka bixino Dumarka Xuural caynta ah,fadliga iyo awooda Ilahayna aynu ku helayno.

Waxaas oo dhan hadaba,inta aad aduunka joogto ayaa lagaga baahan yahay in aad usii meel dhigato,camal wanaagsan hadii adan akhiro la tagin waa ay adagtahay in aad hesho nolosha aakhro ee sharafta leh oo ah Janada .

Ilahay waxa aynu ka baryaynaa in uu cadaab kiisa aakhiro inaga badbaadiyo,janadiisa fardawsana uu ina galiyo dhamaanteen,inagana waxaa inagu waajiba in aynu la nimaadno camal fiican iyo cibaado suuban.

W/Q.Khadar Aar

No comments:

Post a Comment