SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Dhaqanka fiicani,waa furaha Diinta .

Hadii aad markasta aad tahay qof dabeecadiisu ay wanagsan tahay isla markana cafiya kuwa iyagu khaladka iyo danbigaba ka gala, waxaa hubaala in aad aakhirka gaadhi doonto guusha iyo farxada aad hiigsanayso.

Qofkasta oo ku cayaa Ilahay dartii uga samir,aflagadadu adiga waxba kaaqaadi mayso ,ilaa in aad adiguna qofkuu ku aflagadeeyay aad ku celiso mooyaane,dunida inta aad joogto ma waayaysid cid wax kaa sheegta run iyo been waxay tahayba.

Dadka qaar ayaad moodaa in ay u samaysan yihiin in ay qofka walaalkood ah ay markasta wax ka sheegaan,xataa hadii uu yahay mid saxan oo aan wax dhibaato ah aan u gaysan,balse qofka shaqada caynkaasi ah ka cada dhigtaa marka danbe isaga ayuunbay *danbarsataa (ku danbaysaa)

Wanaaga iyo ixsaanka in loo sameeyo dadka Muslimka ah oo kaliya maaha ,wax fiican,in aad wanaag iyo ixtiraam u muujiso dadka aan muslimka ahayni, ayaa waxa ay qayb ka noqonaysaa in dadkaasi ay kusoo dhiiradaan wanaaga diinta Islaamka.

Wakhti wakhtiyada ka mida ,ayaa nin Sudaani ah isla markana Muslim ah , waxa uu ku noolaa dalka Maraykanka,gaar ahaan waxa uu daris la ahaa dad markasi Gaalo ah oo aan Diinta Islaamka haysan,qaarkoodna ay kasoo horjeedaan.

Dadkaasi uu ninkaasi Sudaaniga ahi jaarka la yahay, waxaa ka mid ahaa Islaan gabawday oo diinta Islaamka aad u necbayd, ,taasi oo si ax-maqnimo ah u necbayd dadka Muslimka ah una taqaanay argagaxiso iwm.

Islantaasi iyada ahi,markasta oo ay afaafka guriga ama wadada ay kula kulanto ninkan Sudaaniga ah ee Muslimka ah,waxa ay u gaysataa cay iyo aflagaado ad u farabadan, ,iyada oo ku leh " adigu matihid qof u qalba in aad Maraykan ku noolaato,waayo waxa aad tahay arkagaxiso.

Cayda iyo aflagadada ay ninkaasi Muslimka ah ku hayso Islaantaasi kama daasho,waxa ay u qaaday nacayb aad u xun,balse isaguna hadalada iyo cayda ay ku leedahay marqudha kama jawaabo,waxa kaliya ee uu sameeya in uu ka dhaqaaqo.

Habeen habeenada ka mid ah, ayaa Islaantii niman tuugii ,waxa ay ku waxyeeleeyeen gurigeeda horteeda,cida kaliya ee markiiba kusoo carartay ee tuugtii ka celisay waxa uu noqday ninkii Muslimka ahaa ee ay markasta cayaysay.

Islaantii oo Tuugtii ay nabaro aad u xun ay gaadhsiyeen, ayaa ninkii Suudaniga ahaa waxa uu ugu yeedhay ,Babuurka lagu qaado gargaarka degdega ee loo yaqaano Ambulance,kadibna iyada oo miyir la,waxaa la geeyay dhakhtarka.

Maalmo ka bacdi ayaa islaantii ay soo miiraydaw,kadibna waxa ay aragtay, iyada oo uu korkeeda fadhiyo ,ninkii Sudaaniga Muslimka ahaa ee ay aadka u necbayd, caayina jirtay ,kadibna hadalkii u horeeyay ee kasoo baxay waxa uu ahaa,waar iga kor dhaqaaq argagaxiso yahay,wali ma sidiibaad ii daba socotaa,oo aad doonaysaa in aad i qarxiso.

Ninkii dhakhtarka ahaa,ayaa inta uu yaabay islaantii waxa uu ku yidhi,ninkan aad sidan u cayaysaa, waa ninkii kaliya ee dhakhtarkan ku keenay,maalmahii aad jiiftayna aan maalinkaliya korkaga ka dhaqaaqin, Islaantii inta ay dib isugu xishootay ayay aamustay.

Ayaamo ka bacdi waxaa soo gashay Bishii barakays-nayd ee Ramadaan,aroor arooryaha ka mida ayaa Islaantii waxa ay guriga kusoo garaacday ninki Sudaniga Muslimka ahaa,kadibna isaga hortiisa ayay ku Ashahadatay,kuna muslimtay,muddo yar ka bacdina iyada oo Muslim ah ayay geeriyootay.

Islaantii wixii ay dhaqaale iyo hanti lahayd waxa ay ku qortay una hibaysay ninkii Suudani Muslimka ahaa,sidaasi ayuu ninkii waxa uu ku noqday nin hantiile ah oo haysta lacag aad u farabadan.

Akhlaaqda iyo deganaanta aadka u wanaagsani waxa ay qofka gaadhsiisaa,nolol iyo farxad in uu dadka kula noolaado,isaguna uu ku noolaado,Islaantaasi in ay diinta Islaamka soo gasho waxaa sabab u ahaa akhlaaqdii wanagsanayd ee uu kula dhaqmay.

W/Q.Khadar Aar .

No comments:

Post a Comment